Faahfaahin: Hooyo Soomaaliyeed iyo afar Caruur ah ay dhashay oo ku dhintay Qarax

519

Wararka ka imaanaya degmada Dhagax Madow ee Dawlad Deegaanka Soomaalida ee dalka Itoobiya ayaa sheegaya in Hooyo Soomaaliyeed iyo afar caruur ah ay dhashay ay ku dhinteen qarax bambaano.

Hooyada iyo caruurteeda ayaa la sheegay in ay ku qaraxday bambaano ay u adeegsanayeen Kal oo kale, waxaana bamkan qarxay la sheegay in qoyskan in mudo ah ay adeegsan jireen iyaga oo kal ahaan u isticmaalayay.

Ehelada Qoyska Bambaanada ku qaraxday ayaa sheegay in mid kamid ah caruurta qoyska uu bir adag ku garaacay bambaanada sidaasna ku qaraxday, waxaana ku dhintay hooyada iyo afar caruur ah ay dhashay halka afar qof oo kale ay ku dhaawacmeen.

Qoyska mashaqadu ku dhacday ayaa ka koobnaa 7-xubnood, waxaana bamkaasi qarxay ka badbaaday aabaha iyo hal cunug oo kale oo reerkaasi katirsanaa, waxaana deegaanka uu qaraxu ka dhacay si weyn looga dareemay murugada uu qaraxan reebay.

Bambaanada qaraxday ayaa la sheegay in ay ka timid dagaalkii 1977-dii dhax maray Soomaaliya iyo Itoobiya, bambadan ayaana qoysas badan oo kunool dhulka Soomalaida u isticmaalaan kasha moyga lagu tumo oo kale iyaga oon aqoon u laheyn qatarteeda.