Madaxweyne Farmaajo oo qirtay in Ciidamada DF dhowr bil Mushaar qaadan +COD

382

Todobaadyadii la soo dhaafay waxaa taagneyd cabasho ka imaaneysay qaar ka mid ah ciidamada Dowladda Soomaaliya,kuwaas oo ka cabanayay mushaar la’aan, hayeeshee Ra’iisul Wasaare kheyre uu sheegay in Ciidamada la diiwaangeliyey ay qaateen mushaarkooda.

Madaxweynaha Soomaaliya Maxamed Cabdullaahi Farmaajo ayaa qiray in mudo dhowr bilood ah aysan ciidamadu qaadan wax mushaaraad ah, hayeeshee labadii sano ee uu Madaxweynaha yahay ay bixiyeen mushaaraadka Ciidamada.

Sidoo kale isaga oo ka hadlayay dagaalka dowladda ay kula jirto Ururka Al-Shabaab ayuu ku dhaliilay saraakiisha qaar inaysan fulin balantii ay kula galeen in mudo laba sano ah dalka uga saarayaan Al-Shabaab.

Si kastaba hadalka Madaxweyne Farmaajo ayaa kusoo aadaya xilli weli ay taagan tahay cabashada kasoo yeereysa Ciidamada, waxana Ciidamada ku sugan degmada Baraawe ay dhawaan sheegeen inay furumaha kasoo baxayaan hadii aan 48 Saacadood gudahood loo soo jawaabin.