Kenya oo qorshe kale ladamacsan somaliya

449

Kenya ayaa la sheegay inay u qorsheysan tahay iney ku gacan seyrto hadii Maxkamadda caalamiga ah ee cadaaladda ICJ ay Somalia u xukunto badda ay sheeganeyso.

Dokumenti qarsoodi ah oo uu helay wargeyska The Standard ee ka soo baxa Nairobi ayaa ayaa waxaa ku cad in Kenya ay dooneyso ka hor inta kiiska badda Soomaaliya aysan go’aamin Maxkamadda caalamiga ah ee cadaalladda, inay labada dhinac maraan marino kale murankooda lagu xaliyo.

Sida ku xusan dokumentiga Kenya ayaa dooneysa in marka hore labada dal uu dhex-dhexaadiyo ururka Bariga Afrika ee EAC kadibna haddii wada-hadalladaas aan xal lagu gaarina loo gudbo Midowga Afrika kadibna maxkamadda caalamiga ah.

Kenya ayaa ku doodeysa in Soomaaliya ay marka hore qasab ku tahay inay marto dhammaan marinada kale ee furan, ka hor inta kiiska aysan guda galin maxkamadda ICJ

Arintan ayaa ku soo aadeysa xili si weyn loo rumeysan yahay in Maxkamada caalamiga ah ee ICJ ay Somalia u xukumi doonto badda ay Kenya sheeganeyso taasoo ah sababta ay Kenya u diidan tahay in Maxkamada lagu kala baxo.

HALKAN KA AQRI SHEEKADAN