Madaxwayne Farmaajo oo masuul Cusub Xil uga magacaabay gobolka Banaadir

446

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Maxamed Cabdullaahi Farmaajo ayaa xeer uu soo saaray ku magacaabay Mudane Ibraahim Cumar Mahad Alle (Ibraahim Dheere) inuu noqdo Guddoomiye Ku Xigeenka Arrimaha Maamulka Maaliyadda ee Gobolka Banaadir.

Sida ku cad taariikh nololeedkiisa Mudane Ibraahim Dheere wuxuu ku dhashay magaalada Beledweyn ee Gobolka Hiiraan sanadkii 1975-kii.

Waxbarasha Hoose iyo Dhexe wuxuu ku qaatay Dugsiga Axmed Warsame ee isla Beledweyne, waxbarasha ka horreysa heerka Jaamacadda ee u dhiganta Dugsi Sare wuxuu ka dhigtay dalka Holland, Shahaadada 1aad ee Jaamacadda wuxuu ku diyaariyay Culuumta Maamulka iyo Xisaabaadka, wuxuu lasoo shaqeeyay Hay’adda UNPOS, isagoona la-taliye kasoo noqday Unuggii Siyaasadda ee Villa Soomaaliya intii u dhaxeysay 2013-2015).