Wasiirki amniga jubaland oo Muqdisho lagu xiray

926

 

Booliiska Soomaaliya ayaa maanta garoonka diyaaradaha Aadan Cadde ee magaalada Muqdisho ku xiray wasiirka amniga Jubaland, Cabdirashiid Xasan Nuur Janan, sida ay ilo-wareedyo lagu kalsoon yahay u xaqiijiyeen

Cabdirashiid Janan ayaa waxa uu ka yimid magaalada, waxaana uu ku socday magaalada Addis-Ababa ee dalka Itoobiya, isaga oo Muqdisho ka raaci lahaa diyaaradda Ethiopian Airline.

Go’aanka dowladda Soomaaliya ee ah in diyaarad kasta oo ka baxeysa ama tageysa Kismaayo ay soo marto Muqdisho ayaa Janan ku qasbay inuu Muqdisho yimaado, maadaama aysan jirin diyaarar toos u aadi karta Addis Ababa oo ka baxaysa Kismaayo, ayada oo ka fulinayo go’aanka dowladda.

Cabdirashiid Janan ayaa waxaa loo haystaa xadgudubyo lagu eedeeyey inuu horey uga gaystay gobolka Gedo, oo ay ka mid yihiin xasuuqa dad shacab ah, sida ku cad gal dacwadeed ka yiilay maxkamadda gobolka Banaadir.

Waxaa jirta dacwado ay horey ugu soo oogtay xeer ilaalinta qaranka oo la xiriirtay maxaabiis afar qof ah oo uu sanaddii 2015 ku dilay Doolow kadib markii uu xabsiga kala baxay, sida lagu eedeeyey. Hase yeeshee maxkamadda gobolka Banaadir ayaa baabi’isay dacwaddaas 30-kii April 2019, kadib markii sida la sheegay ay ka laabatay xeer ilaalinta.

Si kastana wararka ayaa sheegaya inay jiraan eedeymo kale oo loo haysto oo weli aan la caddeyn.