XOG:- Sarakiil Xilka qadis Lagu Sameyey ka dib markii ay Booqdeen MD, Hore Sheikh Shariif.

985

Saraakiil xilka looga qaaday in ay booqdeen guriga Madaxweyne Sh. Shariir sh. Axmed.

Amar ka soo baxay taliyaha hey’adda nabad sugidda Soomaaliya Fahad Yaasiin ayaa xilka looga qaaday Col. Cali Khadar iyo Ibraahim Macalin oo lagu eedeeyey inay gurigiisa ku booqdeen Madaxweynihi hore ee dalka Shariif Sheekh Ahmed.

Xil ka qaadista saraakiishan wax digniin ah kama horreyn, horeyna looguma sii sheegin inay dambi tahay in la booqdo Madaxweyne hore.

Col. Cali Khadar ayaa ahaa Taliyaha hogaanka arrimaha dibadda ee hey’adda Nabad Sugidda Qaranka halka Ibrahim Macallin uu ahaa Taliyaha sirdoonka Caasimadda Muqdisho.

Kaliya waxaa xil ka qaadistooda loo cuskaday inay qaraabo la yihiin Sh. Shariif, waxaana is weydiin mudan hadii xilka laga qaadi doono dhamaan saraakiisha ay isku deegaanka ka soo jeedaan Madaxweynihi hore. Somali news