Deg deg:- Ciidanka Amaanka Galmudug oo Toogtay Qof isku Dayay in Xoog Ku galo Saldhiga

631

Ciidamada Ilaalada Saldhiga Booliska Magaalada Dhuusamareeb Ayaa Saqdii Dhexe Ee Xalay Joojiyay Qof Hubeysan oo Isku Dayay in uu Guddaha u Galo Saldhiga Iyadoo Ciidamada Ilaalada ka Hayay Ilinka Hore Ee Saldhiga ay Ku Amreen in uu Joogsado Qofkaasi, walow Raraas uu Ku Furay Ciidanka ay Sababtay in Ciidamadu Toogtaan Qofka Hubeysnaa ee Isku Dayay in uu Galo Saldhiga.

Taliska Booliska Dhuusamareeb oo aan La Xiriirney ayaa Inoo Xaqiijiyay in uusan Jirin Wax Qasaare ah oo Ciidankooda ka soo Gaaray Is Rasaaseynta Halkaa ka Dhacdey Marka Laga Reebo Dhimashada Qofkaasi.