Dhuusa Mareeb Waxaa ka Soconaya Shirar Gooni gooni ah, Dowladda iyo Ahlusuna

719

Wasiirka arimaha gudaha soomaaliya Cabdi Maxamed Sabriye iyo hoggaanka Ahlusuna ayaa waxaa uu shir uga socdaa xarunta Inji ee Magaalada Dhuusamareeb ee gobolka Galgaduud.

Shirka ayaa waxaa looga hadlayaaa sidii ciidamada dowladda iyo kuwa Ahlusuna loogu celin lahaa xeryahooda, Islamarkaana laga dhex saari lahaa gudaha Magaalada iyo arimaha guddiga doorashada Galmudug.

Wararka ayaa intaasi waxaa ay Ku darayaan in amaanka Magaalada Dhuusamareeb ay si buuxda loogu gacan geliyo ciidamada nabad sugida Soomaaliya

Lama oga waxa ka soo bixi doono shirka u socda wasiirka arimaha gudaha soomaaliya iyo hoggaanka Ahlusuna.

Sidoo kale waxaa Jiray Kulamo Labada dhinac Horey udhex maray Islamarkaana inta Badan Fashil ku dhamaaday.

Marka laga soo tago Kulamadan ay yeelanayaan Wasiir Sabriye iyo Madaxda Ahlusuna waxaa sida kale dagan jawiga Guud Ee Magaalada Dhuusa Mareeb Ee Caasimada Galmudug.