Man City Oo Iska Xaadirisay 8 Dhamaadka Tartanka Carabao Cup-ka +SAWIRRO

1198

Kooxda Man City ayaa iska xaadirisay wareega 8 dhamaadka tartanka Carabao Cup-ka kadib markii ay dhaafeen kooxda Southampyon kulan ka dhacay garoonka Etihad Stadium.

Man City oo is badal weyn lagu sameeyay shaxdooda ayaa si dar-dar leh ku bilaabatay ciyaarta iyaga oo qaadayay weeraro ay Southampyon doonayeen in ay goolal kaga dhaliyaan.

Dhanka kale kooxda Southampton oo 9 gool laga dhaliyay kulankii Jimcihii ee horyaalka Premier League ayaa ku jirtay is ilaalin weyn iyaga oo u ciyaarayay si taxadar ku jiro.

Daqiiqadii 20-aad ayay Man City dhalisay goolka 1-aad ee ciyaarta iyaga oo uu u dhaliyay xiddiga Nicolas Otamendi kaas oo hogaanka u dhiibay kooxdiisa ciyaartana ka dhigay 1/0.

Man City ayaa daqiiqadii 38-aad sii dheeraystay hogaanka ciyaarta kadib markii uu xiddiga Sergio Aguero goolka u dhaliyay isaga oo ciyaarta ka dhigay 2/0.

Waxa sidaas ku dhamaatay qaybtii hore ee ciyaarta oo ay Man City 2/0 ku hogaaminayso ciyaarta waliba soo bandhigtay qaab ciyaareed fiican.

Qaybtii dambe ayay City si fiican ku bilaabatay iyaga oo raadinayay in ay sii dheeraystaan hogaanka ciyaarta waliba dhaliyaan goolal kale.

Daqiiqadii 56-aad ayay City dhalisay goolka 3-aad ee ciyaarta iyaga oo uu u dhaliyay xiddiga Sergio Aguero kaas oo dhaliyay goolkiisii 2-aad ee ciyaarta iyo goolkii 3-aad ee kooxdiisa.

Southampton ayaa daqiiqadii 75-aad dhalisay goolka sharafta iyaga oo uu u dhaliyay xiddiga Jack Stephens kaas oo ciyaarta ka dhigay 3/1 ay Man City wali ku hogaaminayso.

Waxa sidaas ku dhamaatay ciyaarta oo ay City iska xaadirisay wareega xiga ee tartanka Carabao Cup-ka sugi doontana kooxda ay wareega xiga la ciyaari doonto.