XOG;- Koxda Ahlusuna Oo Abaabul dagaal ka wadda Gobolada Dhexe

Hoggaanka Ahlusuna ayaa la sheegay inay wadaan qorsho ah in shir ay ka madax banaantahay dowladda dhexe ay ku qabato Magaalada Dhuusamareeb, kaasi oo ay ka qeyb gali doonaan 11 beeleed ee dega deegaanada Galmudug.

Ilo wareedyo ayaa sheegaya in hoggaanka Ahlusuna ay 11 beeleed uga baaqeen in ay yimaadeen Magaalada Dhuusamareeb, iyadoona dhaq dhaqaaqa qorshan caawa laga dareemayo Magaalada Dhuusamareeb.

Wararka ayaa intaasi waxaa ay Ku darayaan in caawa kulan aan caadi aheyn uu caawa u socdo hoggaanka Ahlusuna, islamarkaana waxaa la filayaa inay warsaxaafadeed ka soo saaraan shirkooda.

Dhanka kale hoggaanka Ahlusuna ayaa abaabul ciidan waxaa ay ka wadaan deegaano ka tirsan Gobolka Galgaduud, sida ay sheegeen ilo xog ogaal ah.

Ahlusuna ayaa shir loogu arinsanayo xaalada Galmudug ay la yeelato 11 beelood ee dega Gobalada Galgaduud iyo Mudug.

Warar Hoose ayaa sheegaya in Hogaanka Ahlusuna Ee Gobolada Dhexe ay Hubkii ugu badnaa ay kala baxeen Dhuusa Mareeb Islamarkaana ay ubaqooleen dhankaa iyo Huurshe. Iyo dsgaano kale oo aan la sheegin Magacyadooda.

Ahmed Roble
wardoon.net@gmail.com

Fadlan Ra‘yigaaga kadhiibo

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.

Facebook