Arsenal & Tottenham Oo Loo Sheegay In Ay U Dhaqaaqaan Saxiixa Xiddig U Ciyaara Liverpool.

1106

Kooxaha Arsenal iyo Tottenham ayaa loo sheegay in ay awoodooda isugu geeyaan soo xero galinta xiddiga garabka uga ciyaara kooxda Liverpool ee Xherdan Shaqiri.

Xiddigii hore ee xulka qaranka England Darren Bent ayaa kooxaha reer Lonodn u sheegay in ay u dhaqaaqaan saxixia xiddiga Xherdan Shaqiri kaas oo la filayo in uu isaga tago Reds xagaaga.

Xherdan Shaqiri ayaa ku dhibaatooday dhaawacyo xilli ciyaareedkan taas oo keentay in uu boos joogto ah ka waayo kooxda Jurgen Klopp isaga oo kaliya ka soo muuqday 3 kulan kulamada Reds dhamaantoodna kaydka ka soo kacay.

Bent oo horay uga soo ciyaaray premier Leageu ayaa sheegay in uu Xherdan Shaqiri yahay xiddig ay labada kooxoodba u baahanyihiin.

“Waxan u malaynayaa in ay Arsenal u baahantahay saxiixa xiddiga Xherdan Shaqiri si la mid ah Tottenham way u baahantahay”.

“Waxan u malaynayaa in uu si weyn u caawin karo labada kooxood marka la eego khibradiisa Premier League”.