Lionel Messi Oo Ka Soo Muuqday Kulankii Uu Xulka Portugal Guusha Ka Gaadhay Luxembourg & Sida Ay Wax U Dheceen.

736

Xulka qaranka Portugal ayaa iska xaadiriyay Wareega Group-yada tartanka Euro 2020 kadib markii ay garaaceen xulka qaranka Luxembourg kulan uu Cristiano Ronaldo dhaliyay goolkiisii 99-aad ee xulka qarankiis.

Xiddiga kooxda Juventus ayaa si weyn ula xafiiltama xiddiga kooxda Barcelona ee Lionel Messi kaas oo ay ku tartamayeen abaalmarinaha shaqasiga ah 10-kii sano ee ugu dambaysay.

Xilli uu Raadinayay in uu dhaliyo Gool ayuu Cristano Ronaldo jaray doogii garoonka intii ay socotay ciyaartu taas oo keentay in ay taageerayaasha xulka qaranka Luxembourg ku heesaan magaca Xiddiga Barcelona ee Lionel Messi.

Ugu dambayn Cristiano Ronaldo ayaa daqiiqadii 86-aad dhaliyay goolkii 2-aad ee xulka qarankiisa ee ciyaarta isaga oo dhaliyay goolkiisii 99-aad ee ciyaaraha caalamiga ah.

Cristiano Ronaldo ayaa haatan 11 gool u jira in uu bar-bareeyo xiddiga ugu goolasha badan xulalka isaga oo ka dambeeya xiddiga reer Iiran ee Alli Dei oo dhaliyay 109 gool