Alan Shearer Oo Doortay Shaxda Uu Doonayo In Uu Xulka England Ku Ciyaaro Tartanka Euro 2020

827

Xulka qaranka England ayaa iska xaadiriyay tartanka Euro 2020 kaas oo la qaban doono xagaaga dambe gaar ahaan dhamaadka xilli ciyaareedkan.

Taageerayaasha xulk ayaa si weyn ugu xiiso qaba bilaabashada tartanka sida uu xul walba oo kale ugu xiiso qabo ka qayb galkooda tartanka wakhtiga soo socda.

Halyeeyga reer England ee Alan Shearer ayaa so xushay shaxda uu doonayo in uu xulka England ku ciyaaro tartanka xiisaha leh ee sida weyn loo sugayo xagaaga.

Xulka qaranka England ayaa haysta xiddigo da,yar ah oo ay hogaaminayaan xiddigaha Harry Kane, Raheem Sterling, Marcus Rashford,  Callum Hudson-Odoi, Mason Mount, Jadon Sancho, Alex Oxlade-Chamberlain, Tammy Abraham, James Maddison Iyo xiddigo kale oo badan.

Tababaraha xulka qaranka England ee Gareth Southgate ayay shaki la,aan ku adkaan doontaa liiska uu u qaadan doono tartanka iyo waliba xiddigaha uu ka xulan doono si ay ugu ciyaaraan marka uu tartanku bilowdo.

Sidaas darteed Alan Shearer ayaa soo xushay shaxda uu doonayo in uu England ku ciyaaro tartanka Euro 2020 isaga oo soo xushay xiddigo aan kala dhicin oo qaab ciyaareed fiican ku jira.

Hadaba Halkan Hoose kaga bogo shaxda Shearer uu u soo xushay in uu ku ciyaaro tartanka Euro 2020: