Tababaraha Xulka Germany Ee Joachim Low Oo Haatanba Magacaabay 6 Xul Oo Ugu Cad-Cad Ku Guulaysiga Euro 2020, Miyuu Xulkiisa Ku Daray?

1065

Tababaraha Xulka qaranka Germany ee Joachim Low ayaa haatanba magacaabay 6 Xul oo ugu cad-cad ku guulaysiga tartanka Euro 2020 ee la qaban doono xagaga dhamaadka xilli ciyaareedkan.

Joachim Low ayaa meesha ka saaray in uu xulka qaranka Germany ee uu hogaamiyo u sharaxnayn ku guulaysiga Euro 2020.

Tababaraha ayaa is badal weyn ku sameeyay xulka qaranka Germany tan ilaa koobkii adduunka ee ay sida weyn ugu fashilmeen isaga oo ku soo daray kooxda xiddigo da,yar ah.

“Xulalka England, France, Spain, Italy, Belgium & Holland ayaa naga horeeya”ayuu Low yidhi.

“Waxa ay ku jiraan heer aad u sareeya iyaga ayaana ugu cad-cad ku guulaysiga koobka laakiin uma arko in aan Anagu ugu cad-cadanahay”.

Germany ayaa xaqiiqsaday booskooda Euro 2020 waxana ay fursad u haystaan in ay ku soo baxaan kaalinta 1-aad Kulanka caawa ee ay la ciyaari doonaan Northern Ireland.