Eden Hazard Oo Kashifay Koox Weyn Oo Reer Yurub Ah Oo Uu Iska Diiday Ka Hor Intii Uuna Ku Biirin Real Madrid & Sababtii Uu U Diiday

683

Kooxda Paris Saint-Germain ayaa isku dayday in ay Eden Hazard ka hor qaado Real madrid markii uu Joogay Chelsea iyaga oo marar badan isku dayay in ay la saxiixdaan laakiin xiddiga reer Belguim ayaa mar walba iska diiday.

Xiddiga haatan u ciyaara kooxda Real Madrid ayaa u soo ciyaaray kooxda Lille waxana uu iska diiday in uu ku laabto horyaalka France si uu ugu biiro kooxda Real Madrid.

“Waxa ay dhawr jeer isku dayeen in ay ila saxiixdaan laakiin ma doonayn in aan ku laabto horyaalka Ligue 1 ilaa aan ku laabanayo Lille mooyaane”ayuu xiddiga reer France u sheegay L’Equipe.

“Waxa aan mar walba u sheegay Maya”.

“Waxa aan si cad u go’aansaday in hadii aan ku laabanayo France in aan kaliya ku biiro Lille”.