Kooxda Liverpool Oo Waayi Doonta Adeega Mohamed Salah & Sababta Oo La Ogaaday

710

Kooxda Liverpool ayaa si aad ah ugu tiirsan xiddigeeda Mohamed Saalh laakiin waxa ay waayi kartaa adeegiisa bilowga xilli ciyaareedka cusub.

Wargayska Daily Mirror ayaa sheegaya in hadii Mohamed Salah looga yeedho ka qayb galka xulka qarankiisa ee tartanka Olympic Games 2020 uu ka maqnaan doono kooxdiisa.

Tartanka Olympic Games 2020 ayaa bilaabmi doona 22 bisha July isaga oo socon doona ilaa 8 bisha August ee sanadka dambe.

Arintaas ayaa ku keeni karta in uu seego bilowga gaar ahaan kulamada ugu horeeya ee tartanka Premier league.

Xulka Qaranka Masar ee da,yar ah ayaa gaadhay tartanka Olympic Games 2020 waxana uu xulka qaranka Masar ee da,yarku ku soo dari karaa 3 xiddig oo ka weyn 23 sano waxana la sheegayaa in uu Mohamed Salah ku jiri doono.