Real Madrid & Barcelona Oo Isku Baacsanaya Aubameyang, Barcelona Oo Hogaanka U Haysa Tartanka & Sababta Oo La Ogaaday

1448

Xiddiga weerarka uga ciyaara kooxda Arsenal ee Pierre-Emerick Aubameyang ayaa dagaal adag dhex dhigay kooxaha reer Spain ee Real Madrid iyo Barcelona kuwaas oo ku dagaalamaya saxiixa xiddiga.

Xiddiga 30 jirka ay ayaa xiddig fure ah ka noqday Emirates waxana heshiiskiisa Arsenal ka dhiman kaliya 18 bilood.

Xilli ay Arsenal ku dhibaatoonaysa qaab ciyaareedka xiddiga reer Gabon ayaa iska diiday in uu heshiis cusub u saxiixo kooxda Arsenal.

Wargayska Daily Star ayaa sheegaya in ay arintaas heegan buuxa galisay kooxaha Real Madrid iyo Barcelona kuwaas oo doonaya saxiixa xiddiga marka la gaadho suuqa xagaaga.

Isla wargayska ayaa sheegaya in ay Barcelona haatan ku horayso tartanka loogu jiro saxiixa xiddiga sabab la xidhiidha in ay u balan qaaday boos joogto ah halka ay Real Madrid u sheegtay in ay u doonayaan in uu noqdo badalka Karim Benzema.