RASMI: Real Madrid Oo Heshiis Cusub Oo Wakhti Dheer Ah Ka Saxiixatay Xiddig Laf Dhabar U Ah Kooxda Zidane

1336

Kooxda Real Madrid ayaa heshiis cusub oo ilaa xagaaga 2025 ah ka saxiixatay xiddiga khadka dhexe uga ciyaara kooxda ee Fede Valverde.

21 jirkan ayaa ka mid noqday xiddigaha ugu fiican kooxda uu hogaamiyo tababare Zidane isaga oo ka mid ah qorshaha tababaraha ree France.

Qaab ciyaareedkiisa fiican ayaa keentay in ay kooxdu ku abaalmariso xiddiga heshiis cusub oo lagu bur-burin karo lacag dhan 750 Milyan oo euro.

Hehiiska oo 5 sano ayaa ah heshiiska ugu dheer ee xiddigaha Kooxda Real Madrid sidoo kale xiddiga da,yarka ah ee Rodrygo.

Lacagta 750 milyan ah ayaa keenaysa in ayna kooxaha reer yurub wax Hunguri ah ka qaban saxiixa xiddiga da,yarka ah ee qaabka fiican ku jira.