Waare & Cali Guudlaawe oo laga reebayo doorashada soo socota

1036

Warar aan heleyno ayaa sheegaya in Villa Soomaaliya ay qorsheyneyso sidii meesha looga saari lahaa dhammaan madaxda saameynta ku leh Dowlad goboleedka Hirshabeelle si aanay dib ugu soo laaban Kursiga doorashada soo socota.

Xog gaar aah oo aan ogaanay ayaa sheegaya in madaxweynaha maamulka Hirshabeelle Maxamed Cabdi Waare iyo ku-xigeenkiisa Cali Guudlaawe Xuseen loo sheegay ineysan dib isku soo sharxin marka uu mudo xilleedkooda oo cayiman uu dhammaado,islamarkaana ka tanaasulaan doorashada soo socota.

Dowladda Federaalka Soomaaliya ayaa dooneysa iney wejiyo cusub geyso maamulka Hirshabeelle,kuwaas oo taabacsan amarada ka soo baxa Villa Soomaaliya.

Xubno ka tirsan Xukuumadda Nabad iyo Nolol ayaa magaalada Muqdisho ku diyaarinaya Xildhibaanada cusub ee Baarlamaanka Labaad ee maamulka Hirshabeelle,kuwaas oo laga dhigayo dhalinyaro dhammaan taageersan Dowladda dalka ka jirta.
Madaxweyne Maxamed C/llaahi Farmaajo ayaa qaadaya tallaabo kasta oo dib ugu soo laaban karo doorashada 2020/21,taas oo muuqata iney ka adag tahay kuwii hore.