Bundesliga oo La Bilaabi Doono

376

Dawlada Germany ayaa si Rasmi ah u xaqiijisay in horyaalka Bundesliga dib loo bilaabi doono qaybta dambe ee bishan haatan lagu jiro ee May sida ay xaqiijiyeen maamulka Germany.

Dawlada Germany ayaa kooxaha kala duwan ee labada heer ee Germany ku war galisay in ay dib u bilaaban doonaan ciyaarista kulamada qaybta hadhay xilli ciyaareedka qaybta dambe ee bishan May.

Maamulka Bundesliga ayaa maalinta Bari ah si Rasmi ah u kulmi doona si ay u go’aamiyaan wakhtiga la ciyaari doono kulamada qaybta dambe ee xilli ciyaareedka.

Kooxaha Bundesliga ayaa si Rasmi ah ugu soo laabtay tababarka bishii hore waxana la filayaa in ay maalaha soo socda ku soo laabtaan tababarka buuxda.

Horyaalka Bundesliga aaan la ciyaarin tan ilaa bishii March ee la soo dhaafay sabab la xidhiidha xanuunka Coronavirus kaas oo si xun ugu faafay adduunka iyo yurub.