Man City Oo Guul Ka Gaartay Arsenal +Sawirro

349

Man City ayaa guul ka gaartay Arsenal waana kulankii ugu horeeyay horyaalka Ingiriiska tan iyo bishii March oo uu hakad u galay xanuunka dunida ku baahay ee caabuqa .

Sheekada labada qeyb: Labada koox ayaa soo bandhigay ciyaar aan halis badan laheyn waxa uuna kulankaan ahaa mid ka baaqday wareeggii 28-aad ee horyaalka Ingiriiska

Labada koox ayaa soo bandhigay ciyaar kaliya ku saleysan baasas xilli Arsenal biloowgii qeybtaas ay ka dhaawacmeen laba xiddig oo kala ah Granit Xhaka iyo Pablo Mari kuwaasi oo dhaawacyo loo saaray daqiiqadihii 8-aad iyo 24-aad xiligaas oo lagu badalay Ceballos iyo David Luiz .

Marka si gaar ah loo qiimeeyo qeybtaas hore , City ayaa u nugleyd in ay goosha uga hor marto City balse taasi si sax ah ugama aysan faa`ideysan wiilasha Pep inkastoo laga filan karay marka loo eego qaabka ay u tagayeen goosha xilli fursadii ugu xaqiiqda aheyd uu bad baadiyay goolhayaha Arsenal ka dib kubad free Kick aheyd ee uu laaday De Bruyne

Dadaalkii City waxaa sii caawiyay qalad uu sameeyay David Luiz waxaana ka faa`ideysatay Raheem oo gool ku hubsaday waqtigii dheeriga ee qeybtaas koowaad , waxaana lagu nastay halkaas gool ee ay City ku hogaamineysay .

Soo laabashadii City ayaa dar dar wacneyd waliba goosha Arsenal u dhawaaneysay waxaana taasi u rumeeyay David Luiz kaasi oo qalad ku galay Riyad Mehraz waliba si cad u jiiday laacibkaas oo kubad halis ah sii jiidayay waxaana rigoore la dhjigay gool u turjumay De Bruyne daqiiqadii 50-aad xilli David Luiz la siiyay kaarka cas ee tooska ah .
Sidaas oo ay tahay Arsenal ma niyad jabin ismana dhiibin balse waxaa ku adkaa in kubadda si sax ah horay ugu soo jiidaan xilili City iyana baadi goobayen gool sedexaad sida muuqata waxa uu ahaa mid la filan karay .
City waxa ay daqiiqadi 65-aad soo giliyeen B.Silva iyo P.Foden oo loo saaray D. Silva iyo Mehraz halka Arsemnla daqiiqadii 67-aad ay sameeyeen sedex badal iyaga oo soo giliyay Nilles , Lacazatte iyo Nelson oo loo badalay Guendouzi , Nketiah iyo Willock .
Si waliba , ka dib dhacdooyinkaas City iyaga ayaa kubada haystay waxaana Arsenal ka muuqday deg degsiimo iyo cadaadis halka City ciyaarayeen kubad kalsooni leh xilli daqiiqadii 70-aad ay soo giliyeen Fernandinho oo loo saaray Laporte xilli Aguero-na la soo giliyay daqiiqadii 80-aad waxaana loo saaray Jesus .
City daqiiqadii 80-aad waxaa dhaawac culus uu ka gaaray Gracia kaasi oo in muddo ah dhulka jiifay iyadoo uusan dhaq dhaqaaq sameyn waxaana looga saaray garoonka gaariga dhaawacyada lagu xanbaaro.

Si waliba , waxa. ay ciyaarta aheyd mid hal dhinac ah xili gool sedexaad ay heleen daqiiqadii 90-aad waxaana dhaliyay Foden , waxa ayna City Arsenal ka gaareen guul ay mudnaayeen inkastoo kaarka cas iyo dhaawacyada uu saameeyay Arsenal.