Hirshabeelle oo soo dhoweeyey ansixinta metelaada Gobolka Banaadir

741

Madaxweynaha Hirshabeelle Maxamed Cabdi Waare ayaa bogaadiyay xubnaha metalaadda Gobolka Banaadir ee lagu kordhiyey Aqalka Sare oo maanta ay ansixiyeen Xildhibaannada Golaha Shacabka Somalia oo kulan ku yeeshay Muqdisho.

142 mudane ayaa oggolaatay in uu Gobolka Banaadir 13 xubnood ku yeesho Aqalka Sare ee Baarlamaanka, Afar ayaa diidday, mana jirin cid ka aamustay.

Madaxweyne Waare ayaa cadeeyay in matalaadda iyo maqaamka ay yihiin labo arrin oo kala duwan oo loo baahan yahay in la fahmo.

“Waxaan bogaadinayaa metelaada ay heleen gobolka Banaadir oo soo daahday, metelaada iyo maqaamku waa labo arrimood oo kala duwan, waxaan ku faraxsanahay in xildhibaanada sharafta leh ay farqigaas fahmeen, haddana aan dhamaanteen bilowno raadinta maqaamka” ayuu yiri Madaxweyne Waare.

Waxaa uu u mahadceliyay Xildhibaanada Golaha Shacabka go’aanka geesinimada leh ee ay qaateen kuna aadan in la muujiyo Matalaada Aqalka Sare ee gobolka Banaadir.

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Maxamed Cabdullaahi Farmaajo ayaa sidoo kale uga mahadceliyey Guddoonka iyo Xildhibaanada Golaha Shacabka Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya tixgelinta iyo fulinta codsiigii Madaxweyne ee ku aaddanaa xaqiijinta Mataaladda siyaasadeed ee Gobolka Banaadir, taas oo uu ku soo jeediyey furitaankii Kal-fadhigii 7aad ee Baarlamaanka.