Arsenal Oo Markii 14-aad Ku Guuleysatay FA Cup-ka+SAWIRRO

393

Arsenal ku guuleystay FA Cup-ka ka dib guul ay ka gaareen Chelsea waaba markii 14-aad ee ay qaadayaan

Sheekada Ciyaarta: Arsenal iyo Chelsea ayaa nasiinada ku aaday bar bar dhac min hal gool ah , waxa ayna wada ciyaarayeen finalka FA Cup-ka xilli guud ahaan qeybtaas hore lagu tilmaami karo mid u sinneed labada koox .

Chelsea biloowgii kubad haysashada ayay ku wacneyd balse Arsenal durba jawiga ciyaarta waa la qabsadeen kubaddana waa la ay qeysanayeen ilaa lagu keenay gool qaladkiisa daafaca leeyihiin waxaana si cajiib ah meel fog uga toogtay Christian Pulisic waxa uuna goolkaas dhashay daqiiqadii 5-aad

Halista Chelsea ee qeybtaas hore waxa ay ka socotay Pulisic iyo Mount waxa ayna u muuqdeen in ilaalo xooggan aan laga hayn , waxa ayna Chelsea ku wacnaayeen kubad dadajinta

Arsenal dhowr kubad oo gool noqon karay waxaa ka bad baadiyay goolhayahooda xilli daqiiqadii 24-aad Arsenal laga diiday gool sababo Offside la xariira balse oo kubad bilaa cadaadis ah ciyaareysay waa laga filan karay goolka bar bar dhaca.

Daqiiqadii 27-aad Aubameyang ayaa dhaliyay gool qurxoon oo uu daafaca Chelsea ka farsameystay , waxaana lagu nastay min halkaas gool, waxaana Chelsea daqiiqadii 35-aad dhaawac looga saaray Azppilicueta waxaana la soo giliyay Christensen.

Qeybta labaad , qaab deggan ayay ku bilaabatay mana jirrin hallis gilin muuqata labada koox ah waxaana Chelsea daqiiqadiii 49-aad dhaawac looga saaray Pulisic ka dib marki uu muruqa booday ka dib kubad uu ku laaday goosha Arsenal .

Ka dib dhacadaas , Arsenal si ay u fir fircoonaayeen waliba looga filan karay gool gaadmo ah illaa ay keeneen daqiiqadii 68-aad waxaana mar kale dhaliyay Aubmeyang , waxaase sii raacday ka dib dhacdo kaarka casaanka Chelsea looga siiyay Kovacic daqiqadii 73-aad

Arsenal niyad wanaag ayay dhacdadaas ka qaadeen in gool kale keenaan xili tababare Lampard badalo deg deg ah uu sameeyay waxa uu soo giliyay daqiiqaddii 78-aad Abrham , Huddson-Odoi iyo Barkley balse daafaca Arsenal waxa uu ahaa mid foojigan xili Arsenal badalada ay sameeyeen ay kala ahaayeen Nketiah iyo Papastanthopouls .

Si waliba Chelsea u isku dayo u sameeyeen uma suura gilin in ay helaan goolka bar bar dhaca , waxa ayna ku dhamaatay 2/1 oo ay wiilasha Arteta ku qaadeen FA Cup-ka , waxaana xusid mudan in Chelsea kulankaas dhaawac garabka ah looga saaray Pedro oo laga xanbaaray garoonka .