England oo aaqira saac kabadisay Island +SAWIRRO

272

Xulka qaranka England ayaa guul ay ku dhibaatoodeen ka gaadhay Iceland oo ay isku haleeleen kulan ka tirsan tartanka UEFA Nations League, kaas oo ay hadheeyeen muranno dhinaca garsoorka ah.

Weeraryahanka Raheem Sterling ayaa daqiiqaddii 90aad xulka England u dhaliyey goolka madiga ah ee ciyaarta ka dhashay ee ay guushu ku raacday, waxaanu gool u beddelay rikoodhe loo dhigay markii kubbad uu laaday uu gacan ku qabtay difaaca Iceland ee Sverrir Ingason.

Xulka qaranka Iceland ayaa iyaguna helay rikoodhe ciyaarta oo sii dhamaanaysa, waxaanay u ahayd fursad ay dhibic kaga heli lahaayeen kulanka oo ay ku barbarrayn lahaayeen.

Bjarnason oo oo rikoodhaha laaday ayaa kubadda la waayey goolka isaga oo birta dul-mariyey, taas oo noqotay fursad ay guusha ugu damaashaadeen xiddigaha xulka qaranka England.

Shaxdii labada xul:

England XI (4-3-3): Jordan Pickford; Kyle Walker, Joe Gomez, Eric Dier, Kieran Trippier; James Ward-Prowse, Declan Rice, Phil Foden; Jadon Sancho, Harry Kane, Raheem Sterling.

Kaydka: Trent Alexander-Arnold, Jack Grealish, Dean Henderson, Mason Greenwood, Mason Mount, Danny Ings, Conor Coady, Tyrone Mings, Nick Pope, Ainsley Maitland-Niles, Michael Keane, Kalvin Phillips.

Iceland XI (4-4-2): Hannes Halldorsson, Hjortur Hermannsson, Sverrir Ingason, Kari Arnason, Hordur Magnusson; Arnor Ingvi Traustason, Birkir Bjarnason, Victor Palsson, Jon Dagur Thorsteinsson; Kolbeinn Sigthorsson, Jon Dadi Bodvarsson.

Kaydka: Arnor Sigurdsson, Andri Fannar Baldursson, Runar Alex Runarsson, Ogmundur Kristinsson, Holmbert Fridjonsson, Mikael Anderson, Samuel Kari Fridjonsson, Albert Gudmundsson, Holmar Orn Eyjolfsson, Emil Hallfredsson, Ari Freyr Skulason, Jon Fjoluson.

Gareth Southgate ayaa lasoo shir tegay shax adag oo u go’aamin karayay ciyaarta, waxaanu kusoo wada bilaabay saddexleyda afka hore ee Raheem Sterling, Harry Kane iyo Jadon Sancho, halka dhexdana uu dhigay Phil Foden, Declan Rice iyo James Ward-Prowse.

Bilowgii ciyaartaba waxa maamulka la wareegtay England oo daqiiqaddii 3aad gaadhay goolka Iceland iyadoo uu Hary Kane xerada ganaaxa ka helay kubbad uu goolhaye Hannes Halldorsson ka badbaadiyey.

GOOOAAALLL!!!!!! MAYA MAYA!!! Harry Kane ayaa shabaqa Iceland dhex-dhigay kubbad uu kasoo shaqeeyey Sterling oo dhinaca bidix kasoo wareejiyey, waxaana goolka ku qabtay Kane oo toogtay dhinaca ka fog, laakiin garsooraha ciyaarta ayaa markiiba gacanta taagay isaga oo eegaya dhinaca gacan-yarihiisa oo calanka sii taagay.

Goolkan oo Offside ahaan loo diiday, waxa England ay ku doodday, warbaahintuna tilmaameen in sifo qaldan lagu diiday oo uu sax ahaa.

Weeraryahanka Manchester United sida weyn u raadinayso ee Jadon Sancho ayaa sameeyey dhawr fursadood oo uu goolal ku dhalin karayay qaybtii hore, waxaase xumaaday nasiibkiisa oo ka hor joogsaday inuu shabaqa taabto.

Qaybtii labaad ayay Iceland heshay fursado ay goolka England ku sigtay, balse sidoo kale waxa iyaguna jaanisyadooda khasaariyey xiddigaha xulka qaranka uu gadhwadeenka ka yahay Gareth Southgate.

Ciyaarta oo ay 20 daqiiqadood ka dhiman tahay ayuu Southgate sameeyey laba beddel oo anfacay kooxdiisa, waxaanu keenay difaaca Trent Alexander-Arnold iyo Danny Ings oo siyaadiyey culayskii ay ku hayeen goolka Iceland.

RIKOODHE!!!! Daqiiqaddii 88aad ayaa England loo dhigay rikoodhe kaddib markii uu kubbad uu xerada ganaaxa dhexdeeda kaga toogtay goolka Iceland uu gacan ku qabtay Ingason oo casaan kulanka lagaga saaray.

GOOOOAAAALLLL!!! Raheem Sterling ayaa rikoodhaha England loo dhigay u sarrifay gool isagoo kubbad qunyar socotay ku toogtay badhtamaha goolka, xilli uu Hannes Halldorsson isku tuuray dhinaca midig.

England ayaa damaashaad bilowday, waxaanay niyadda gashadeen inay guusha ciyaarta sidaas kula hoydeen maadaama daqiiqaddii 90aad ay goolka dhaliyeen.

RIKOODHE!!!!! Naxdin ayaa xulka qaranka England usoo hoyatay, waxaana lagu dhigay rikoodhe daqiiqaddii 90+2, laakiin Bjarnason oo Iceland u dhiibatay gool ku laagga ayaa kubadda dul mariyey birta, waxaanay ciyaartu kusoo dhamaatay 1-0 ay guushu ku raacday England.