Arsenal & Chelsea oo diiday Saxiixa Thiago Alcantara

184

Thiago Alcantara ayaa dhameystiray ku biiristiisa Liverpool laakiin Bayern Munich ayaa lagu soo waramayaa in ay saxiixa xiddiga u soo bandhigtay kooxaha Chelsea iyo Arsenal.

Thiago ayaa qalinka ku duugay heshiis 4 sano ah oo uu ku joogi doono kooxda ku ciyaarta Anfield kadib markii ay Liverpool dhigeeda Bayern Munich kala heshiisay saxiixa xiddiga.

Wargayska The Athletic ayaa sheegaya in ay Bayern Munich ka war qabtay xiisaha xiddiga waxana ay doonaysay in ay abuurto dagaal dhanka suuqa ah.

Kooxda ku guulaystay champions League ayaa la xidhiidhay kooxaha Chelsea iyo Arsenal si ay ugu bandhigto saxiixa xiddiga laakiin labada kooxood ee reer London ayaa iska diiday.

Isla wargayska ayaa sheegaya in sababta ay isaga diideen chelsea iyo Arsenal saxiixa xiddiga tahay mushaharka xiddiga oo ahaa 200 kun oo Gini todobaadkii.