Tottenham Oo Old Trafford Ku Soo Xasuquday Man United +SAWIRRO

288

Tottenham xasuuq kubadeed waxa ay u geysteen Man United oo 6/1 uga talaabsadeen masraxa riyada ee Old Trafford xilli kooxda Ole Gunner ay ka sheegteen dhibaato dhanka daafaca ah.

Sheekada qeybta hore : Ka dib ciyaar deg degsiimo iyo xaraarad laheyd , Tottenham ayaa nasiinada ugu dirtay United 4/1 xili United kaarka cas laga qaatay kooxda Ole Gunner waxa ayna taasi dhacday daqiiqadii 28-aad xiligaas oo la siiyay Martial ka dib markii uu wajiga ka dharbaaxay Lamela oo isna horay u xusuleeyay laacibkas balse garsooraha uusan arag.

United goolkii koowaad waxa ay heleen waqti ku dhaw daqiiqadii labaad waxaana si cajiib ah u dhaliyay Fernandes balse Tottenham oo ciyaar deg degsiimo leh ciyaareysay waxa United ugu badaleen laba gool oo deg deg ah oo kala yimid daqiiqadihii 4-aad iyo 7-aad waxaana dhaliyay Ndombele iyo Son.

United aad ayay u dhibaatoodeen ka dib goolashaas xilli weerar aan kala joogsi laheyn uu saarnaa waxaana laga haystay maamulka qadka dhexe iyadoo weerarkii uu saarnaa uu sii xumaaday ka dib kaarkii casaanka ee Martial

Tottenham is fahan weyn ayaa ka muuqday waxa ayna u sii raaciyeen laba gool kale oo yimid daqiiqadihii 30-aaad iyo iyo 37-aad waxaana saxiixay Kane iyo Son , waxa ayna United ka sheeganayeen in go`aano deg deg ah qaadanayeen marka kubadda cagtooda soo gasho waxaana u sii dheeraa daafac xumo.

Qeybta labaad , United waxa ay horay u soo giliyeen Fred iyo Matic oo loo saaray Fernandes iyo0 Mctominay , halka tottenham soo giliyen Lucas Moura oo loo saaray Lemela oo kaarka digniinta haystay mana jirrin is badal ay sameeyeen United oo weerarka weli iyaga ayuu saarnaa

United waxaa laga dareemayay in ay is dhiibeen qeybtii hore waxaan loogu daray gool 5-aad oo uu saxiixay Serge Aurier daqiiqadii 51-aad , waxa ayna United ka sheeganeysay is fahan la`aan dhanak baasaska ah marka kubadda ay helaan waxa ayna daqiiqadii 68-aad soo giliyeen Donny van de Beek oo loo saaray Greenwood halka Tottenham soo giliyeen iyana Dele Ali oo loo saaray Tanguy Ndombele

Waa markii ugu horesay taariikhda horyaalka Ingiriiska oo Man United afar gool laga dhaliyo qeybta hore ee ciyaarta , waxa ayan dhamaakdii u nuglaayeen goolal dheeraad haddii uusna ahaan laheyn goolhaye De gea , waxaana United kulankaas wareeriyay Son iyo Harry Kane xilli si weyn ay u sameynayeen qaladaad dhanka baasaska ah .

Tottenham waxa ay daqiiqadii 73-aad saareen Son maadaama shaqadii laga rabay uu qabtay waxa ayna soo giliyeen, xill United oo nugleyd goolal dheeraad ah lagu helay rigoore waxaana gool cajiib ah u turjumay Harry Kane waxa uuna dhaliyay daqiiqaddii 79-aad.

Si kastaba United oo xilli taatiko iyo maskixiyan looga taqalusay waxaa loogu dhameeyya 6/1 oo ay guusha ku racaday Tottenham.