Chelsea OO Guul-daradii 5-aad Xariir Ah U Geeysatay Liverpool +SAWIRRO

184

Chelsea ayaa sii cakiray xaaladda Liverpool oo dhiig baxeysa waxa ayna ka soo gaareen guul hal gool ah , waana guul daradii 5-aad xariir ah oo Liverpool ku qabsaneysa garoonkooda xilli ciyaareedkaan waana taariikh aan horay u dhicin .

Sheekada labada qeyb: Chelsea ayaa Liverpool nasiinada ugu dirtay hal gool oo nadiif ah , waxa uuna kulankaas ka tirsanaa wareegga 29-aad ee horyaalka Ingiriiska .

Dhanka weerarka Chelsea ayaa ku wacneyd kuwaasi oo tagayay aagga Liverpool waxa uuna goolka yimid daqiiqadii 42-aad waxaana si cajiib ah u toogtay oo dhaliyay Mount.

Liverpool waxa ay qeybta jhre ka sheeganeysay in daafacooda si ka bad badis ah uga soo dhaqaaqayeen boosaskooda waliba u soo aadayeen afka hore taasi oo mararka qaar halis gilineysay.

Timo Warner ayaa laga diiday gool uu dhaliyay sababo la xariira Offside waxa ayna aheyd daqiiqadii 24-aad, xilli ay xusad mudan tahay in Liverpool kaliya hal fursad muuqata ay heleen waxaana iska qalday Sadio Mane.

Chelsea daafac ahaan ad ayay wacnaayeen waa ayna ku fiinaayeen in kubadda durba ay cagta Liverpool kala baxaan kuwaasi dhankooda mararka qaar ku sareeyay kubadda .

Biloowga qeybta labaad, Liveroool waxa ay qaadanayen weerara waliba ilaa lix ciyaartooy ayaa tagayay goosha Chelsea kuwaais oo dhankooda kubaod rogaal celis ah waday waxaaan daqiiqadii 53-aad laba fusrad gool ah hal mar ka bad baadyay goolhayaha Loverpool.

Xiddigaha afka hore Liverpool waxa ay isu bad badalayeen boosaska xilli dagaal ay ugu jireen gool balse daafaca Chelsea ayaa foojignaa halka kooxdaas London ka dhisan ay maciin bidayeen kubadaha rogaal celiska ah .

Badalka ugu horeeyay ee kulanka waxaa ku horeeysay Liverpool oo daqiiqadii 62-aad saartay Salah iyo Jones oo lagu badalay Chamberlain iyo Jota waxaana la arkayay Salah oo carooday badalkaas halka Chelsea badalkooda ugu horeeyay uu ku soo galay Pulisic oo daqiiqadii 66-aad loo saaray Ziyech .

Qeybihii dambe , Liverpool %54 iyaga ayaa kubadda ku sareeyay balse meel ay marsiiyaan ayay waayeen oo Chelsea waa ay ku waxnaayeen kubad raacashada waxaana kooxda galbneedka London daqiiqadii 76-aad fusrad gool u diiday goolahayaa Livepool.

Liverpool badalkoodii sedexaad waxa ay sameeyeen daqiiqdii 80-aad waxaana la soo giliyay Milner oo loo saaray Alcantara halka Chelsea iyana soo gilioyen Kovacic opo loo saaray Mount waxa ayna kooxda Klopp sameynayeen isku dayo kala duwan oo ay ku baadi gooben goolka bar bar dhaca balse waxaa ka maqnaa dhameystirka .

Chelsea oo ciyaareysay kubad kalsooni leh waxa ay Liverpool ugu dhameyeen halkaas gool oo ay ku sii hayaan wadada guusha tan iyo markii macalinka cusub uu qabtay maamulka kooxdaas.