Man City Oo Ka Aar Gudatay Leicester +SAWIRRO

280

Man City ayaa guul ay u qalantay waxa ay ka gaareen Leicester City oo ay uga talaabsadeen laba gool oo nadiif ah ka dib ciyaar ay shabaqa booqdeen qeybta labaad

Sheekada Labada Qeyb: Qeybta hore waxa ay labada koox ku nasteen bar bar dhac bilaa goolal ah xilli kooxda martida loo ahaa ee Leicester City ay xerteen daafac adag opo City meel ay kubadda marsiiyaan ayay waayeen

City iyaga ayaa maamulka kubadda ku sareeyay halka kooxda garoonka ay ku soo balameen kaliya in ay kubadaha rogaal celiska ah ku tiirsanaadaan taasi oo aan keenin wax mira dhal ah.

Halka fursad ee City ee qyebtaas hore ku heleen goosha Leicester waxa ay aheyd daqiiqadii 22-aad xiligaas oo kubad free Kick aheyd ay birta kaga dhacday De Bruyne , sidoo kale Vardy ayaa laga diiday gool uu City ka dhaliyay daqiiqadii 45-aad sababo la xariira Offside

Qeybta labaad , City dadaalka ayay sii xoojiyeen illaa ay keeneen gool waxaana daqiiqadii 56-aad dhaliyay Mendy xilli kooxda garoonka aysan ka qaadin niyad jab oo mararka qaar maamulka kubadda ayay ku sareeyeen balse waxa ay ka sheegteen in go`aano deg deg ah ay qaadanayeen.

City oo aaminsaneyd in hal gopol kaliya ku b dbaadi karin waxa ay dagaal ugu jireen in kubadda si sax ah afka hore u gaarsiiyaan illaa ay keeneen gool labaad waxaana si cajiib ah u dhaliyay Jesus waxa ayna aheyd daqiiqadii 74-aad

City aad ayay ugu wacneyd maamulka dagaalka qadka dhexe iyo daafac ahaan wax aayan ciyaarayeen kubad deg degsiimo leh taasi oo keentay in qeybta labaad tamartii ay ka dhamaato kooxda garoonka kuwaasi oo miciin bidiyay kubadaha dhaadheer ee banaanka laga toognayay.

Si kasta oo ay kooxda garoonka dhamaadkii u weerar tageen waxaa isku dayadooda is hor taagay goolhayaha Man City waxa ayna ciyaarta ku dhamaatay labadaas gool ee kooxda Pep ay ku sii xoojisteen hogaanka horyaalka Ingiriiska.