Arsenal Oo Garaacday Crystal Palace +SAWIRRO

554

Kooxda Arsenal ayaa garaacday kooxda kooxda Crystal Palace kulan ka tirsanaa horyaalka premer League.

Arsenal ayaa ahayd kooxda maamulaysay ciyaarta marka loo eego dhinaca kubad hasashada laakiin Crystal palace ayaa ahayd kooxda fiican dhanka samaynta fursadaha iyo dhinaca laadadka lagu laagay Goolhayaha.

Daqiiqadii 36-aad ayay Arsenal dhalisay goolka 1-aad ee ciyaarta waxana u dhaliyay xiddiga Nicolas Pepe kaas oo hogaanka u dhiibay kooxda Arsenal kana dhigay ciyaarta 1/0.

Waxa sidaas ku dhamaatay qaybta hore ee ciyaarta oo ay Arsenal hogaaminayso dhinaca natiijada laakiin Crystal Palace ahayd kooxda fiican.

Qaybtii dambe ee ciyaarta ayay Crystal Palace si dar-dar leh ku bilaabatay ciyaarta iyaga oo raadinayay goolka bar-baraha iyo sidi ay ugu soo laaban lahaayeen ciyaarta.

Daqiiqadii 62-aad ayay Crystal palace dhalisay goolka bar-baraha iyada oo uu goolka u dhaliyay xiddiga Christian Benteke kaas oo ciyaarta ku soo celiyay bar-baro 1/1 ah.

Kooxda Arsenal ayaa bilowday dadaalka ay mar kale dib ugula wareegi lahayd hogaanka ciyaarta waliba u dhalin lahayd goolka kale ee ay dhankooda ugu weecinayaan 3-da dhicood ee ciyaarta.

Laakiin Crystal Palace ayaa iska caabin xoogan kala hor tagtay Arsenal iyaga oo waliba dhawr mar ku dhawaaday in ay kaga naxsadaan gool dhinacood ah.

Daqiiqadii 90+ 1-aad ayay Arsenal dhalisay goolka 2-aad waxana u dhaliyay xiddiga Gabriel Martinelli kaas oo hogaanka u dhiibay kooxdiisa kana dhigay ciyaarta 2/1.

Arsenal ayaa daqiiqadii 90+4-aad dhalisay goolka 3-aad ee ay ciyaarta ku dishay iyaga oo uu u dhaliyay xiddiga Nicolas Pepe kaas oo ciyaarta ka dhigay 3/1 ah.

Waxa sidaas ku dhamaatay ciyaarta oo ay Arsenal guul dirqi ah ka gaadhay Crystal palace siina xoojisay rajadooda u soo bixista tartanka Europa League xilli ciyaareedka dambe.