DAAWO:-Xaaf oo weeraray Qoor Qoor

621

Madaxweynihii hore ee Galmudug, Axmed Ducaale Geelle (Xaaf) oo khudbad ka jeediyey kulan ka dhacay Muqdisho ayaa ka hadlay xaaladda siyaasadeed ee dalka, gaar ahaan doorashooyinka la aadayo ee ka dhacaya Soomaaliya.

Xaaf oo soo hadal qaaday doorashadii xildhibaanada baarlamaanka Soomaaliya ee sanadkii 2016-kii ayaa ka digay musuq-maasuq iyo in la soo celiyo wixii horey u dhacay, isaga oo tusaale u soo qaatay doorashadii lagu qabtay magaalada Cadaado ee gobolka Galgaduud.

“2016-kii wixii ka dhacay Cadaado hadday soo laabtaan Yoomul Qiyaama dhacaaya Soomaaliya, waligey isma oran waagaas wax nuucaasaa ka dhici kara Soomaaliya. Ragga baahasha metalayana waa raggii laftiisii qaar badanoo ka mid ah ayaa joogo war yaan sidii Cadaado lagu celin arrinta waa iga dar-daaran,” ayuu yiri madaxweynihii hore Galmudug.

Sidoo kale wuxuu Xaaf weerar afka ah ku qaaday madaxweynaha Galmudug, Axmed Cabdi Kaaroye (Qoor Qoor) ioo uu tilmaamay in isaga loo adeegsaday mudadii uu joogay xafiiska.
“Saddexdii sano ee aan meesha joogay Dubbihii la’ii adeegsaday ayuu ahaa Qoor Qoor oo la’iila dhacaayey, isaga iyo ragga uu wataba,” ayuu yiri Axmed Ducaale Geelle (Xaaf).

Waxa kale oo uu intaasi ku sii daray “Labo sano inaan diyaarad ku kormaro Cadaado, Qoor-Qoorna maalintii ugu horreysay buu tegay illaa hadana la qaabilaayo, Saleebaan jawaabteeda waa laga rabaa,”.

Ugu dambeyn Xaaf ayaa khudbadda uu maanta jeediyey ku muujiyey inuu weli ku jiro hami siyaasadeed oo uu ku doonayo inii ka qeybgalo doorashada soo socota, isaga oo farriin ku aadan damaciisa u diray madaxweynaha Galmudug Axmed Cabdi Kaariye (Qoor Qoor).

“Inuu shaki i geliyo maantana ka rajeyn maayo wax waa iska rabaa hadda, lkn umaleyn maayo inaan ku sii dheereynaayo,” ayuu sii raaciyey.

Hadalkan ayaa kusoo aadayo, iyada oo Galmudug iyo deegaanada kale ee maamul goboleedyada ay ka bilaaban doonto doorashada xildhibaanada cusub ee Soomaaliya.