DAAWO:-Liverpool Oo Garaacday Norwich City +SAWIRRO

365

Kooxda Liverpool ayaa guul weyn ka gaadhay kooxda Norwich City kulan ka dhacay garoonka Carrow Road Kana tirsanaa bilowga xilli ciyaareedka cusub ee horyaalka premier League.

Qaybta Hore:

Liverpool oo ku bilaabatay si dagan iyaga oo aan ku deg-degin in ay dhaliyaan goolal isla markaas kubada ka haysta kooxda Norwich City kuwaas oo dhankooda qaab dar-dar leh ku bilowday ciyaarta.

Wiilasha Klopp ayaa doonayay in si dagan u ciyaaraan xilli ay maamulayeen ciyaarta isla markaas raadinayay goolal ay dhaliyaan si ay ciyaarta hogaanka ugu qabtaan.

Daqiiqadii 26-aad ayay Liverpool dhalisay goolka 1-aad iyaga oo uu u dhaliyay xiddiga Diogo Jota kaas oo baas ka helay Mohamed Salah sidaasna hogaanka ugu dhiibay kooxdiisa kana dhigay 1/0.

Difaaca Liverpool ayaa si fiican u wada shaqeeyay iyaga oo Norwich City u diiday in ay si dhib yar u gaadhaan goolkooda xilli uu Virgil Van Dijk muujiyay wixii uu kala maqnaa Liverpool intii uu dhaawacnaa.

Waxa sidaas ku dhamaatay qaybta hore ee ciyaarta oo ay Liverpool hogaaminayso ciyaarta isla markaas ka awood badnayd kooxda Norwich City.

Qaybta dambe:

Liverpool ayaa qaybta dame ee ciyaarta ku bilaabatay si dar-dar leh iyaga oo raadinayay in ay sii dheeraystaan hogaanka ciyaarta xilli Liverpool si fiican u difaacatay.

Reds ayaa sii dheeraystay hogaanka ciyaarta kadib markii uu Roberto Firmino dhaliyay goolka 2-aad ee ciyaarta kadib baas uu ka helay Mohamed Salah isaga oo ciyaarta sidaas uga dhigay 2/0.

Xiddiga Mohamed Salah oo ahaa xiddiga garoonka ayaa dhankiisa raadinayay goolka uu ku furanayo xilli ciyaareedka isaga oo wax walba u sameeyay laakiin uu nasiibku ka hor istaagay in uu gool dhaliyo.

Laakiin daqiiqadii 74-aad ayay wax walba is badaleen iyada oo uu Mohamed Salah dhaliyay goolkiisii ugu horeeyay ee xilli ciyaareedka kadib gool gantaal ah oo uu shabaqa dhex dhigay ciyaaratana sidaas kaga dhigay 3/0.