Cristiano Ronaldo Oo Loo Diidi Doono In Uu Man United U Xirto Maaliyada No.7

448

Cristiano Ronaldo ayaa Manchester United u xiran kara lambar cusub xilli ciyaareedkan xitaa hadii uu Edinson Cavani u ogolaado in uu u baneeyo No.7 oo ah mid uu ku caan baxay.

United ayaa adduunka ka yaabsatay kadib markii ay jimcihii ku dhawaaqeen saxiixa Cristiano Ronaldo kadib markii ay Juventus kala heshiisay qiimaha xiddiga 5-ta jeer ku guulaystay abaalmarinta Ballon d’Or.

Kadib markii ay Man United ku dhawaaqday heshiiska xiddiga waxa isla markiiba dareenka loo jooediyay Maaliyada ama Lambarka uu Cristiano u xidhan doono kooxda Man United xilli ciyaareedkan.

Waxa jira warar sheegaya in uu Edinson Cavani oo kooxda u xidha Lambarka No.7 uu iska diiday in uu Ronaldo u baneeyo lambarka maadama uu doonayo in uu isagu sii xidhnaado.

Laakiin wargayska Metro ayaa sheegaya in hadii uu Xitaa Cavani ogolaado in uu Ronaldo u baneeyo Lambarka Cristiano ayaan xilli ciyaareedkan ku ciyaari karin Maaliyada No.7.

Wargayska ayaa arintaas ku sababeeyay in Edinson Cavani haatanba laga diwaan galiyay premier League isaga iyo maaliyada No.7 sidaas darteed xeerka Premier League ayaan Ronaldo u ogolaan doonin in uu xidho maaliyada xilli ciyaareedkan.