Paul Magara Morara oo qirtay inuu lacag kuqadan jiray dilka Haweenka +SAWIRRO

516

Ciidamada booliiska dalka Kenya ayaa gacanta ku dhigay nin dhalinyaro ah oo lagu eedeeyay in uu kufsi iyo dil u geestay sadex haween ah, waxaana ninkan falalkan uu geestay dusha ka saaray kaniisad kutaala magaalada Kiambu ee dalka Kenya.

Paul Magara Morara, oo 29 sano jir ah ayaa qirtay in uu kufsaday kadibna dilay sadex haween ah, waxa uuna ninkan sheegay in kaniisanada kutaala magaalada Kiambu lacag ku siin jirtay haweenka uu dilo.

Ninkan oo hada ku xiran Saldhigga Booliska ee deegaanka Ruiru ee ismaamulka Kiambu Kenya ayaa sheegay in kaniisada ku amreesay in uu dilo haweenka, waxa uuna xusay in marka uu fuliyo falka dilka ah la siinayay lacag gaareysa 300-Dollar.

HALKAN KA AQRI SHEEKADAN