DAAWO:-Man United oo Garaacday Arsenal +SAWIRRO

346

Cristiano Ronaldo ayaa noqday xidigii ugu horeeyay taariikhda ee dhaliya 800 oo gool xilli uu Man United ka caawiyay in ay 3/2 ku garaacdo Arsenal kulan ka dhacay Old Trafford.

Labo gool oo uu dhaliyay Ronaldo qeybtii danbe ee ciyaarta ayaa Man United ka caawiysay in ay soo afjarto luminta dhbicaha ee horyaalka premier League todobaadkan.

Labada gool ee uu dhaliyay Cristiano Ronaldo ayaa ka caawisay xiddiga reer Portugal in uu sii wado qorista taariikhda kubada cagta isaga oo dhigay rikoodh kale oo cajiib ah.

CR7 ayaa noqday xiddigii ugu horeeyay ee kulamo Rasmi ah dhaliya 800 oo gool isaga oo sii wada samaynta taariikhda inkasta oo ay kooxdiisu dhibaatoonayso xilli ciyaareedkan.