Isku Aadka Wareega 16-ka Champions League Oo La Sameeyay

1214

Waxa si Rasmi ah loo soo saaray isku aadka wareega 16-ka tartanka champions League iyada oo ay ka soo bexeen kulamo xiiso iyo xamaasad leh oo si weyn loo sugayo.

Waxa lagu celiyay isku aadka Wareega 16-ka champions league kadib markii uu khalad dhacay isla markaas kooxaha ka qayb qaadanaya tartanka dacwado ka gudbiyeen.

Kooxaha ku soo baxay kaalinta 2-aad kaga soo baxay wareega Group-yada champions League ayaa lagu ciyaari doonaa ama lagu horayn doonaa garoonkooda.

Waxa xusid mudan in xilli ciyaareedkan champions League meesha laga saari doono goolkii martida ahaa ee uu champions league caanka ku ahaa sanadihii la soo dhaafay.

Wareega 16-ka ayaa la ciyaari doonaa lugta 1-aad 15/16/22/23 February 2022 Halka lugta 2-aad la ciyaari doono 8/9/15/16 March 2022.

Fc Salzburg Vs Bayern Munich
Sporting Lisbon Vs Man City
Benfica Vs Ajax
Chelsea Vs Lille
Atletico Madrid Vs Man United
Villreal Vs Juventus
Inter Milan Vs Liverpool
PSG Vs Real Madrid.