DAAWO:-Xulka Cameroon Oo Xasuuqay Xulka Ethiopia

834

Xulka qaranka Cameroon ayaa xasuuqay xulka Ethiopia kulan ka tirsanaa koobka Africa ee ka socda dalka Cameroon.

Kulanka ayaa ahaa mdi diiran oo ay labada xul si fiican ku bilowdeen iyada oo mid walba doonayay in uu ku hor maro natiijada ciayarta.

Daqiiqadii 4-aad ayuu xula Ethiopia dhaliyay goolka 1-aad ee ciyaarta waxana u dhaliyay xiddiga Dawa Hotessa Dukele kaas oo hogaanka u dhiibay xulkiisa.

Xulka Cameroon ayaa bilaabay raadinta goolasha iyaga oo la wareegay hogaanka ciyaarta dhanka maamulista ciyaarta xili uu xulka Ethiopia difaaca galay si ay goolka u ilaashadaan.

Daqiiqadii 8-aad ayuu xulka Cameroon dhaliyay goolka 1-aad waxana u dhaliyay xiddiga Karl Toko Ekambi kaas oo ciyaarta ku soo celiyay xulkiisa kana dhigay 1/1.

Xulka Ethiopia ayaa si fiican u difaacday goolkooda intii ka dhimanayd qaybta hore ee ciyaarta xilli uu xulka Cameroon wax walba u sameeyay sidii uu u dhalin lahaa gool kale.

Qaybtii dambe ayuu xulka Cameroon gabi ahaan dhulka dhigay xulka Ethiopia Iyaga oo maamulay ciyaarta kana awood badnaa xulka Ethiopia kuwaas oo khal-khal ka muuqday.

Daqiiqadihii 53 iyo 55-aad ayuu xulka Cameroon laba gool oo xidhiidh ah dhaliyay iyaga oo sidaas ku niyad jabiyay xulka Ethiopia oo aan mar kale u ciyaarin si niyad leh.

Daqiiqadii 57-aad ayuu xulka Cameroon dhaliyay gool kale waxana ay guushu sidaas ku raacday xulka Cameroon kuwaas oo si Rasmi ah u xaqiiqsaday booskooda wareega xiga ee koobka Africa.