DAAWO:-Liverpool Oo Guul Muhiim Ah Ka Gaartay Leicester City+SAWIRRO

1009

Sheekada Ciyaarta :Liverpoal ayaa nasiinada ugu dirtay Leicester City hal gool oo nadiif ah xilli labada goolhaye ay sameeyeen bad baadooyin cajiib ah.

Leicester City ma xumeyn inkastoo daafac ay u badnaayeen waxa ayna door bidayeen kubadaha rogaal celiska ah .

Liverpool waxa ay ku wacnayeen isku balaarinta garoonka iyo dadajinta kubadda waxaana u sii dheereyd in durba kubadda ay soo ceshanayeen marka cagtooda ka baxdo.

Goolka Liverpool waxa uu yimid daqiiqadii 34-aad waxaana saxiixay Jota ka dib kubad goolhayaa uu soo tufay waxaana maamulka kubadda heer dhan%67 haysatay Livepool.

Soo laabashadii , ma jirin is badel gaar ah waxa ayna Liverpool dagaal ugu jireen gool labaad halka Leicester City ka sheeganayeen go`aan qaadasho deg deg ah .

Liverpool waxa ay daqiiqadii 60-aad soo gilyeen Salah iyo Elliott oo loo saaray Jones iyo Firminho waxaa yan Liverpool kulankaan ku wacnaayeen in kubadda ay gaarsiinayeen gudaha fog

Daqiiqadii 74-aad gool xaqiiq ah ayaa laga bad baadiyay Salah waxa ayna kubada hayshada wiilasha Klopp gaareysay %66 waxaan Liverpool gool labaad u diidaneyn birta

Kooxda martida kaliya waxa ay ku soo talo galeen kubadaha rogaal celiska waxaana ka muuqday deg deg is fahan la`aan .

Qaabka Liverpool  u galaamayeen waxaa ;laga filan aray gool labaad ilaa ay keeneen daqiiqadii 87-aad waxaana saxiixay Jota mar kale.