Isku Aadka Wareega 8 Dhamaadka Champions League Oo La Soo Saaray

843

Waxa si Rasmi ah loo sameeyay isku aadka wareega 8 dhamaadka tartanka champions League xilli ciyaareedkan iyada oo ay ka soo bexeen kulamo xiiso iyo xamaasad leh.

8-da Kooxood ee isugu hadhay tartanka ayaa ogaaday kooxaha ay la ciyaari doonaan wareega xiga ee tartanka ugu xiisaha badan ee champions league.

Lugta 1-aad ee 8 dhamaadka champions League ayaa la ciyaari doonaa 5 iyo 6 bisha April ee soo socota halka lugta 2-aad la ciyaari doono todobaad kadib kuna beegan 12 iyo 13 bisha April.

 

Kooxda difaacanaysa koobka ee chelsea ayaa la ciyaari doonta kooxda ugu guulaysiga badan koobka ee Real Madrid kulan xiiso gaar ah lahaan doona maadama uu Ancelotti ka hor iman doono kooxdiisii hore.

Chelsea Vs Real Madrid

Man City Vs Atletico Madrid

Villarreal Vs Bayern Munich

Liverpool Vs Benfica