Ciidamo ka tirsanaa Ahlu sunna oo iska dhiibay Dhuusamareeb+SAWIRRO

588

Ciidamo ka tirsanaa kooxda Ahlu sunna iyo hubkooda ayaa maanta isku dhiibay ciidamada Maamulka Galmudug ka dib markii ay ka soo goosteen kooxdii ay ka tirsanaayeen.

Laamaha amniga Dhuusamareeb ayaa goordhaw warbaahinta u soo bandhigey dhowr iyo toban rag ah iyo hubkooda kuwaasoo hore ka tirsanaa Kooxda Ahlusunna ee fadhigoodu yahay bohol.

Xubnahan ayaa sheegay in ay ka tanaasuleen fekerkii ay ku howlanaayeen, iminkana ay diyaar u yihiin in ay bulshadooda dhinac ka galaan.

Kooxda Ahlusunna ee fadhigoodu yahay bohol oo ay hogaamiyaan Macalin Maxamuud iyo Shiikh Shaakir ayaan ka hadlin arintan.