{"id":141169,"date":"2020-01-20T22:42:26","date_gmt":"2020-01-20T19:42:26","guid":{"rendered":"http:\/\/wardoon.net\/?p=141169"},"modified":"2020-01-20T22:47:06","modified_gmt":"2020-01-20T19:47:06","slug":"daawo-sanbaloolshe-oo-qirtay-dhiibistii-qalbi-dhagax","status":"publish","type":"post","link":"https:\/\/wardoon.net\/so\/daawo-sanbaloolshe-oo-qirtay-dhiibistii-qalbi-dhagax\/","title":{"rendered":"DAAWO: Sanbaloolshe oo qirtay dhiibistii Qalbi Dhagax"},"content":{"rendered":"<p>Taliyihii hore ee sirdoonka Soomaaliya, Cabdullaahi Maxamed Cali [Sanbaloolshe] ayaa si furan kaga hadlay kiiska Qalbi dhagax loogu dhiibay dowladda Itoobiya.<\/p>\n<p>Ka hor inta aan laga soo qaban Gaalkacyo isla markaana laga dejin Muqdisho, Qalbi dhagax oo la wareejiyay bishii August, 2017 ayaa xorriyadiisa dib u helay bishii June 2018-kii.<\/p>\n<p>Qalbi dhagax ayaa sheegay in uu saddex maalmood ku qaatay xabsiga Godka Jilacow ee caasimadda kahor inta aan loo duulin Ethiopia.<\/p>\n<p>Wareysi uu dhowaan bixiyey ayuu ku sheegay in gaariga looga saarey jeelka ay saarnaayeen Sanbaloolshe iyo safiirka Itoobiya u fadhiya Muqdisho oo lagu magacaabo Jamaaludiin.<\/p>\n<p>Sanbaloolshe oo ka jawaabay eedeynta ku saabsan in uu saarnaa gaarigii Qalbi dhagax looga soo saarey xabsiga Godka Jilacow ayaa ku adkeystay in uusan sameynin wax qalad ah.<\/p>\n<p>\u201cDad ayaa leh waa mu\u2019aamaraad oo waxaas [isku dabaridaaya]. Wax mu\u2019aamaraad la yiraahdo oo aniga aan sameynaayey Walaahi Bilaahi oo Talaahi in aysan jirin,\u201d ayuu yiri.<\/p>\n<p>Wareysi uu siiyey Dalsan Tv kaasoo qeyb kamid ah la baahiyey ayuu intaas ku daray: \u201cWaxaan shil ayuu ahaa, sidda ugu fiican in aan u xaliyey ayaana aaminsanahay\u201d.<\/p>\n<p>Maalin kahor dhiibista Cabdi Xaashi Cabdullaahi, gudoomiyaha Aqalka Sare, ayaa xusay in isaga oo ay wehliyaan laba Senator kale ay la kulmeen Farmaajo iyo Sanbaloolshe maalin kahor dhiibista Qalbi dhagax.<\/p>\n<p>Afhayeenka Senate-ka ayaa shaaciyey in shirkaas loogu soo bandhigay in Qalbi dhagax uu isagu doonayey in loo dhiibo Itoobiya,dowladda Soomaaliyana ay u fududeyso.<\/p>\n<p>Taliyihii hore ee sirdoonka Soomaaliya ayaa sheegay in hogaanka dalka ay wax ka ogaayeen kiiska Qalbi dhagax.<\/p>\n<p>Markii la waydiiyey xaqiiqo-ahaanshiyaha warkaas, Sanbaloolshe ayaa tibaaxay \u201cwaxbo ku dari maayo sidda uu Cabdi Xaashi sheegay, waa sax\u201d.<\/p>\n<p>Dhanka kale, Qalbi dhagax oo mar sii horeysay ka jawaabay erayaddaas ayaa ku tilmaamay \u201cbeen abuur iyo hadalada ay sheegaan dadka dambiyadda galay\u201d.<\/p>\n<p>Dalab cafis ah<\/p>\n<p>Isagoo ka jawaabay su\u2019aal kale oo ku saabsan in uu ka qoomameynayo dhiibista Qalbi dhagax, Sanbaloolshe ayaa xusay \u201caniga kuma lihi waa lay qasbay iyo kuma jirin, waan qirsanahay\u201d.<\/p>\n<p>\u201cEeda aniga kali ma lihi waan kamid ah waana qiranahay in layga cafiyo ayaana rabaa,\u201d ayuu cod dheer ku qeexay.<\/p>\n<p>Isagoo hadalkiisa sii wata, madaxii hore ee NISA ayaa shaaca ka qaadey in uu madaxda haatan haysa talada dalka uu kula taliyey in ay liiska argagixisada ka saaraan ONLF.<\/p>\n<p>Xukuumadda ayaa kadib dhiibistii Qalbi dhagax sheegtay in uu maleegay weeraro ka dhaca dalka isla markaana Jabhadiisa ay tahay \u201curur argagixiso,\u201d wallow eedeyntaas la beeniyey.<\/p>\n<p><iframe loading=\"lazy\" src=\"https:\/\/www.youtube.com\/embed\/t8BFAB8Ge2Q\" width=\"1013\" height=\"570\" frameborder=\"0\" allowfullscreen=\"allowfullscreen\"><\/iframe><\/p>\n","protected":false},"excerpt":{"rendered":"<p>Taliyihii hore ee sirdoonka Soomaaliya, Cabdullaahi Maxamed Cali [Sanbaloolshe] ayaa si furan kaga hadlay kiiska Qalbi dhagax loogu dhiibay dowladda Itoobiya. Ka hor inta aan laga soo qaban Gaalkacyo isla markaana laga dejin Muqdisho, Qalbi dhagax oo la wareejiyay bishii August, 2017 ayaa xorriyadiisa dib u helay bishii June 2018-kii. Qalbi dhagax ayaa sheegay in [&hellip;]<\/p>\n","protected":false},"author":1,"featured_media":141172,"comment_status":"closed","ping_status":"open","sticky":false,"template":"","format":"standard","meta":{"rop_custom_images_group":[],"rop_custom_messages_group":[],"rop_publish_now":"initial","rop_publish_now_accounts":{"facebook_10221280388112155_325455220908133":""},"rop_publish_now_history":[],"rop_publish_now_status":"pending","footnotes":""},"categories":[3],"tags":[],"class_list":["post-141169","post","type-post","status-publish","format-standard","has-post-thumbnail","hentry","category-somali-news"],"yoast_head":"<!-- This site is optimized with the Yoast SEO plugin v25.6 - https:\/\/yoast.com\/wordpress\/plugins\/seo\/ -->\n<title>DAAWO: Sanbaloolshe oo qirtay dhiibistii Qalbi Dhagax - Wardoon<\/title>\n<meta name=\"robots\" content=\"index, follow, max-snippet:-1, max-image-preview:large, max-video-preview:-1\" \/>\n<link rel=\"canonical\" href=\"https:\/\/wardoon.net\/so\/daawo-sanbaloolshe-oo-qirtay-dhiibistii-qalbi-dhagax\/\" \/>\n<meta property=\"og:locale\" content=\"en_US\" \/>\n<meta property=\"og:type\" content=\"article\" \/>\n<meta property=\"og:title\" content=\"DAAWO: Sanbaloolshe oo qirtay dhiibistii Qalbi Dhagax - Wardoon\" \/>\n<meta property=\"og:description\" content=\"Taliyihii hore ee sirdoonka Soomaaliya, Cabdullaahi Maxamed Cali [Sanbaloolshe] ayaa si furan kaga hadlay kiiska Qalbi dhagax loogu dhiibay dowladda Itoobiya. Ka hor inta aan laga soo qaban Gaalkacyo isla markaana laga dejin Muqdisho, Qalbi dhagax oo la wareejiyay bishii August, 2017 ayaa xorriyadiisa dib u helay bishii June 2018-kii. Qalbi dhagax ayaa sheegay in [&hellip;]\" \/>\n<meta property=\"og:url\" content=\"https:\/\/wardoon.net\/so\/daawo-sanbaloolshe-oo-qirtay-dhiibistii-qalbi-dhagax\/\" \/>\n<meta property=\"og:site_name\" content=\"Wardoon\" \/>\n<meta property=\"article:published_time\" content=\"2020-01-20T19:42:26+00:00\" \/>\n<meta property=\"article:modified_time\" content=\"2020-01-20T19:47:06+00:00\" \/>\n<meta property=\"og:image\" content=\"https:\/\/wardoon.net\/so\/wp-content\/uploads\/2020\/01\/Capture-26.png\" \/>\n\t<meta property=\"og:image:width\" content=\"914\" \/>\n\t<meta property=\"og:image:height\" content=\"516\" \/>\n\t<meta property=\"og:image:type\" content=\"image\/png\" \/>\n<meta name=\"author\" content=\"admin\" \/>\n<meta name=\"twitter:card\" content=\"summary_large_image\" \/>\n<meta name=\"twitter:label1\" content=\"Written by\" \/>\n\t<meta name=\"twitter:data1\" content=\"admin\" \/>\n\t<meta name=\"twitter:label2\" content=\"Est. reading time\" \/>\n\t<meta name=\"twitter:data2\" content=\"2 minutes\" \/>\n<script type=\"application\/ld+json\" class=\"yoast-schema-graph\">{\"@context\":\"https:\/\/schema.org\",\"@graph\":[{\"@type\":\"WebPage\",\"@id\":\"https:\/\/wardoon.net\/so\/daawo-sanbaloolshe-oo-qirtay-dhiibistii-qalbi-dhagax\/\",\"url\":\"https:\/\/wardoon.net\/so\/daawo-sanbaloolshe-oo-qirtay-dhiibistii-qalbi-dhagax\/\",\"name\":\"DAAWO: Sanbaloolshe oo qirtay dhiibistii Qalbi Dhagax - Wardoon\",\"isPartOf\":{\"@id\":\"http:\/\/wardoon.net\/so\/#website\"},\"primaryImageOfPage\":{\"@id\":\"https:\/\/wardoon.net\/so\/daawo-sanbaloolshe-oo-qirtay-dhiibistii-qalbi-dhagax\/#primaryimage\"},\"image\":{\"@id\":\"https:\/\/wardoon.net\/so\/daawo-sanbaloolshe-oo-qirtay-dhiibistii-qalbi-dhagax\/#primaryimage\"},\"thumbnailUrl\":\"https:\/\/wardoon.net\/so\/wp-content\/uploads\/2020\/01\/Capture-26.png\",\"datePublished\":\"2020-01-20T19:42:26+00:00\",\"dateModified\":\"2020-01-20T19:47:06+00:00\",\"author\":{\"@id\":\"http:\/\/wardoon.net\/so\/#\/schema\/person\/f8b1d5296096e3c329f5b915ba044a28\"},\"breadcrumb\":{\"@id\":\"https:\/\/wardoon.net\/so\/daawo-sanbaloolshe-oo-qirtay-dhiibistii-qalbi-dhagax\/#breadcrumb\"},\"inLanguage\":\"en-US\",\"potentialAction\":[{\"@type\":\"ReadAction\",\"target\":[\"https:\/\/wardoon.net\/so\/daawo-sanbaloolshe-oo-qirtay-dhiibistii-qalbi-dhagax\/\"]}]},{\"@type\":\"ImageObject\",\"inLanguage\":\"en-US\",\"@id\":\"https:\/\/wardoon.net\/so\/daawo-sanbaloolshe-oo-qirtay-dhiibistii-qalbi-dhagax\/#primaryimage\",\"url\":\"https:\/\/wardoon.net\/so\/wp-content\/uploads\/2020\/01\/Capture-26.png\",\"contentUrl\":\"https:\/\/wardoon.net\/so\/wp-content\/uploads\/2020\/01\/Capture-26.png\",\"width\":914,\"height\":516},{\"@type\":\"BreadcrumbList\",\"@id\":\"https:\/\/wardoon.net\/so\/daawo-sanbaloolshe-oo-qirtay-dhiibistii-qalbi-dhagax\/#breadcrumb\",\"itemListElement\":[{\"@type\":\"ListItem\",\"position\":1,\"name\":\"Home\",\"item\":\"https:\/\/wardoon.net\/so\/\"},{\"@type\":\"ListItem\",\"position\":2,\"name\":\"DAAWO: Sanbaloolshe oo qirtay dhiibistii Qalbi Dhagax\"}]},{\"@type\":\"WebSite\",\"@id\":\"http:\/\/wardoon.net\/so\/#website\",\"url\":\"http:\/\/wardoon.net\/so\/\",\"name\":\"Wardoon\",\"description\":\"News Media\",\"potentialAction\":[{\"@type\":\"SearchAction\",\"target\":{\"@type\":\"EntryPoint\",\"urlTemplate\":\"http:\/\/wardoon.net\/so\/?s={search_term_string}\"},\"query-input\":{\"@type\":\"PropertyValueSpecification\",\"valueRequired\":true,\"valueName\":\"search_term_string\"}}],\"inLanguage\":\"en-US\"},{\"@type\":\"Person\",\"@id\":\"http:\/\/wardoon.net\/so\/#\/schema\/person\/f8b1d5296096e3c329f5b915ba044a28\",\"name\":\"admin\",\"image\":{\"@type\":\"ImageObject\",\"inLanguage\":\"en-US\",\"@id\":\"http:\/\/wardoon.net\/so\/#\/schema\/person\/image\/\",\"url\":\"https:\/\/secure.gravatar.com\/avatar\/23bb9e404592c76192c930b0cfbf0010?s=96&d=mm&r=g\",\"contentUrl\":\"https:\/\/secure.gravatar.com\/avatar\/23bb9e404592c76192c930b0cfbf0010?s=96&d=mm&r=g\",\"caption\":\"admin\"},\"url\":\"https:\/\/wardoon.net\/so\/author\/admin\/\"}]}<\/script>\n<!-- \/ Yoast SEO plugin. -->","yoast_head_json":{"title":"DAAWO: Sanbaloolshe oo qirtay dhiibistii Qalbi Dhagax - Wardoon","robots":{"index":"index","follow":"follow","max-snippet":"max-snippet:-1","max-image-preview":"max-image-preview:large","max-video-preview":"max-video-preview:-1"},"canonical":"https:\/\/wardoon.net\/so\/daawo-sanbaloolshe-oo-qirtay-dhiibistii-qalbi-dhagax\/","og_locale":"en_US","og_type":"article","og_title":"DAAWO: Sanbaloolshe oo qirtay dhiibistii Qalbi Dhagax - Wardoon","og_description":"Taliyihii hore ee sirdoonka Soomaaliya, Cabdullaahi Maxamed Cali [Sanbaloolshe] ayaa si furan kaga hadlay kiiska Qalbi dhagax loogu dhiibay dowladda Itoobiya. Ka hor inta aan laga soo qaban Gaalkacyo isla markaana laga dejin Muqdisho, Qalbi dhagax oo la wareejiyay bishii August, 2017 ayaa xorriyadiisa dib u helay bishii June 2018-kii. Qalbi dhagax ayaa sheegay in [&hellip;]","og_url":"https:\/\/wardoon.net\/so\/daawo-sanbaloolshe-oo-qirtay-dhiibistii-qalbi-dhagax\/","og_site_name":"Wardoon","article_published_time":"2020-01-20T19:42:26+00:00","article_modified_time":"2020-01-20T19:47:06+00:00","og_image":[{"width":914,"height":516,"url":"https:\/\/wardoon.net\/so\/wp-content\/uploads\/2020\/01\/Capture-26.png","type":"image\/png"}],"author":"admin","twitter_card":"summary_large_image","twitter_misc":{"Written by":"admin","Est. reading time":"2 minutes"},"schema":{"@context":"https:\/\/schema.org","@graph":[{"@type":"WebPage","@id":"https:\/\/wardoon.net\/so\/daawo-sanbaloolshe-oo-qirtay-dhiibistii-qalbi-dhagax\/","url":"https:\/\/wardoon.net\/so\/daawo-sanbaloolshe-oo-qirtay-dhiibistii-qalbi-dhagax\/","name":"DAAWO: Sanbaloolshe oo qirtay dhiibistii Qalbi Dhagax - Wardoon","isPartOf":{"@id":"http:\/\/wardoon.net\/so\/#website"},"primaryImageOfPage":{"@id":"https:\/\/wardoon.net\/so\/daawo-sanbaloolshe-oo-qirtay-dhiibistii-qalbi-dhagax\/#primaryimage"},"image":{"@id":"https:\/\/wardoon.net\/so\/daawo-sanbaloolshe-oo-qirtay-dhiibistii-qalbi-dhagax\/#primaryimage"},"thumbnailUrl":"https:\/\/wardoon.net\/so\/wp-content\/uploads\/2020\/01\/Capture-26.png","datePublished":"2020-01-20T19:42:26+00:00","dateModified":"2020-01-20T19:47:06+00:00","author":{"@id":"http:\/\/wardoon.net\/so\/#\/schema\/person\/f8b1d5296096e3c329f5b915ba044a28"},"breadcrumb":{"@id":"https:\/\/wardoon.net\/so\/daawo-sanbaloolshe-oo-qirtay-dhiibistii-qalbi-dhagax\/#breadcrumb"},"inLanguage":"en-US","potentialAction":[{"@type":"ReadAction","target":["https:\/\/wardoon.net\/so\/daawo-sanbaloolshe-oo-qirtay-dhiibistii-qalbi-dhagax\/"]}]},{"@type":"ImageObject","inLanguage":"en-US","@id":"https:\/\/wardoon.net\/so\/daawo-sanbaloolshe-oo-qirtay-dhiibistii-qalbi-dhagax\/#primaryimage","url":"https:\/\/wardoon.net\/so\/wp-content\/uploads\/2020\/01\/Capture-26.png","contentUrl":"https:\/\/wardoon.net\/so\/wp-content\/uploads\/2020\/01\/Capture-26.png","width":914,"height":516},{"@type":"BreadcrumbList","@id":"https:\/\/wardoon.net\/so\/daawo-sanbaloolshe-oo-qirtay-dhiibistii-qalbi-dhagax\/#breadcrumb","itemListElement":[{"@type":"ListItem","position":1,"name":"Home","item":"https:\/\/wardoon.net\/so\/"},{"@type":"ListItem","position":2,"name":"DAAWO: Sanbaloolshe oo qirtay dhiibistii Qalbi Dhagax"}]},{"@type":"WebSite","@id":"http:\/\/wardoon.net\/so\/#website","url":"http:\/\/wardoon.net\/so\/","name":"Wardoon","description":"News Media","potentialAction":[{"@type":"SearchAction","target":{"@type":"EntryPoint","urlTemplate":"http:\/\/wardoon.net\/so\/?s={search_term_string}"},"query-input":{"@type":"PropertyValueSpecification","valueRequired":true,"valueName":"search_term_string"}}],"inLanguage":"en-US"},{"@type":"Person","@id":"http:\/\/wardoon.net\/so\/#\/schema\/person\/f8b1d5296096e3c329f5b915ba044a28","name":"admin","image":{"@type":"ImageObject","inLanguage":"en-US","@id":"http:\/\/wardoon.net\/so\/#\/schema\/person\/image\/","url":"https:\/\/secure.gravatar.com\/avatar\/23bb9e404592c76192c930b0cfbf0010?s=96&d=mm&r=g","contentUrl":"https:\/\/secure.gravatar.com\/avatar\/23bb9e404592c76192c930b0cfbf0010?s=96&d=mm&r=g","caption":"admin"},"url":"https:\/\/wardoon.net\/so\/author\/admin\/"}]}},"_links":{"self":[{"href":"https:\/\/wardoon.net\/so\/wp-json\/wp\/v2\/posts\/141169"}],"collection":[{"href":"https:\/\/wardoon.net\/so\/wp-json\/wp\/v2\/posts"}],"about":[{"href":"https:\/\/wardoon.net\/so\/wp-json\/wp\/v2\/types\/post"}],"author":[{"embeddable":true,"href":"https:\/\/wardoon.net\/so\/wp-json\/wp\/v2\/users\/1"}],"replies":[{"embeddable":true,"href":"https:\/\/wardoon.net\/so\/wp-json\/wp\/v2\/comments?post=141169"}],"version-history":[{"count":1,"href":"https:\/\/wardoon.net\/so\/wp-json\/wp\/v2\/posts\/141169\/revisions"}],"predecessor-version":[{"id":141171,"href":"https:\/\/wardoon.net\/so\/wp-json\/wp\/v2\/posts\/141169\/revisions\/141171"}],"wp:featuredmedia":[{"embeddable":true,"href":"https:\/\/wardoon.net\/so\/wp-json\/wp\/v2\/media\/141172"}],"wp:attachment":[{"href":"https:\/\/wardoon.net\/so\/wp-json\/wp\/v2\/media?parent=141169"}],"wp:term":[{"taxonomy":"category","embeddable":true,"href":"https:\/\/wardoon.net\/so\/wp-json\/wp\/v2\/categories?post=141169"},{"taxonomy":"post_tag","embeddable":true,"href":"https:\/\/wardoon.net\/so\/wp-json\/wp\/v2\/tags?post=141169"}],"curies":[{"name":"wp","href":"https:\/\/api.w.org\/{rel}","templated":true}]}}