{"id":141903,"date":"2020-02-08T12:11:47","date_gmt":"2020-02-08T09:11:47","guid":{"rendered":"http:\/\/wardoon.net\/?p=141903"},"modified":"2020-02-08T12:11:47","modified_gmt":"2020-02-08T09:11:47","slug":"daawo-cabdirashiid-janan-oo-kasheekeeyay-qaabkii-uu-uga-soo-baxsaday-xabsiga","status":"publish","type":"post","link":"https:\/\/wardoon.net\/so\/daawo-cabdirashiid-janan-oo-kasheekeeyay-qaabkii-uu-uga-soo-baxsaday-xabsiga\/","title":{"rendered":"DAAWO:- Cabdirashiid Janan oo kasheekeeyay qaabkii uu uga soo baxsaday xabsiga"},"content":{"rendered":"<p>Labadii sibuuc ee la soo dhaafay dowladda Soomaaliya ayaa sheegeysay inay dadaal ugu jirto sidii ay dib gacanta ugu dhigi lahayd wasiirkii Amniga ee maamul goboleedka Jubbaland, Cabdirashiid Xasan Cabdinuur(Janan), kaasoo ay sheegeen inuu ka baxsaday xabsi lagu hayay.<\/p>\n<p>Dad badan waxay su\u2019aalo iska weydiinayeen sida ay ku dhacday in Cabdirashiid uu baxo faraha dowladda federaalka.<\/p>\n<p>Janan, oo aan warbaahinta la hadlin tan iyo markii uu ka tagay Muqdisho, ayaa markii ugu horreysay BBC-da uga warramay qaabkii ay ugu suurtagashay inuu ka fakado xabsiga lagu ilaalinayay.<\/p>\n<p><strong>Xabsi la ima geynin<\/strong><\/p>\n<p>\u201cSida uu horayba sarkaal ka tirsan ciidamada asluubta Soomaaliya bulshada ugu caddeeyay, aniga xabsi la ima geynin. Markii garoonka diyaaradaha la iga qabtay, waxaa i qabtay niman boolis ah oo labisan iyo niman dharcad ah oo isla socda, mid ka mid ah dharcadka ayaana amrayay ciidanka\u201d, ayuu yiri.<\/p>\n<p>Isagoo hadalkiisa sii wata ayuu BBC-da u sheegay in xaafado caadi ah lagu hayay intii uu ku jiray gacanta ciidamada dowladda Federaalka.<\/p>\n<p>\u201cMarkii la i qabtay kaddib waxaa la i geeyay xaafad aad u fog, oo markii dambe aan gadaal ka fahmay inay ahayd degmada Huriwaa ee magaalada Muqdisho. Muddadii shanta bilood ahayd ee la i hayay, maalinba waxaa la i geynayay guri xaafad ka tirsan ilaa ugu dambeyntii la i keenay guri ku yaalla xaafadda Shibis, halkaasoo aan muddo 7 cisho ah ku sugnaa.<\/p>\n<p><strong>Janan aya ka hadlay qaabkii loola dhaqmay intii gacanta lagu hayay.<\/strong><\/p>\n<p>\u201cAniga iyo niman askar ah oo dhowr iyo toban ah ayaa isla joognay xaafado ay dad shacab ah u dhisteen si gaar ah, halkaas ayaana la igu hayay. Runtii askarta gacanta igu heysay wax xumaan ah oo ka baxsan amarrada la siinayay oo ay ii geysteen ma jirin, laakiin waxaa jirtay xumaan farabadan oo amarro askartaas lasoo siiyay ah oo ay ku khasbanaayeen inay fuliyaan\u201d.<\/p>\n<p><strong>Cabdirashiid Janan ayaa dhanka kale faahfaahiyay sababihii loo sheegay in loo xiray.<\/strong><\/p>\n<p>\u201cMarkii ugu horreysay waxaa la ii sheegay in sababta la ii xiray ay tahay dalab ku aaddanaa inaan dowladda Federaalka ku wareejiyo ciidamo 1000 askari ah oo daraawiish ah, laakiin ma aqbali karin arrintaas, balse aniga waxaan fahansanaa in la ii xiray arrimo ku saabsan doorashadii ka dhacday Kismaayo, waxaana la igula kaftamay in la iga daba keeni doono madaxweyne Axmed Madoobe\u201d, ayuu yiri.<\/p>\n<p>Hase ahaatee, dowladda Soomaaliya ayaa horay u beenisay in arrimo siyaasadeed loo xiray Janan, laakiin waxay shaacisay in loo heystay eedeymo ku saabsan tacaddi bani\u2019aadannimo.<br \/>\nSiduu ku baxsaday?<\/p>\n<p>Markii aan weydiinnay su\u2019aasha ku saabsan inuu ka warramo qaabkii uu ku baxsaday, Cabdirashiid wuu qoslay, wuxuuna ka bixiyay sharraxaad:<\/p>\n<p>\u201cWay jirtaa inaysan cidna i sii deynin, howl aan aniga isku xirxiray oo uu Rabbi ii fududeeyay ayaan kusoo baxsaday\u201d, ayuu yiri.<\/p>\n<p>Isagoo sii faahfaahinaya ayuu yiri: \u201cMarkii aan ogaaday inaan la i sii deyn doonin ilaa wax kasta oo ay dowladda federaalka rabto ay ka sameysato Jubbaland, waxaan go\u2019aansaday inaan qorsheeyo sidii aan uga bixi lahaa gurigii la igu hayay, kaddibna shan boqol oo kiiloo mitir ayaan soo maray badda\u201d.<\/p>\n<p>\u201cMarkii aan baxay kaddib saddex maalmood iyo saddex habeen ayaan joogay Muqdisho. Waxaana ii suurtagashay inaan xilli maalinnimo ah soo raacay doon. Doonta waxaa ii waday niman Soomaaliyeed oo iyaga iska leh, cidna ima soo raacin oo kaligey baan ahaa\u201d, ayuu yiri.<\/p>\n<p>Janan ayaa ka gaabsaday inuu si cad u sheego magacyada dadkii garabka ku siiyay inuu baxsado.<\/p>\n<p>Wuxuu si kooban u sheegay inay Mas\u2019uuliyiin ka tirsan dowladda gacan ku siiyeen inuu baxsado.<\/p>\n<p>Dhinaca kalena wuxuu beeniyay warar sheegayay in diyaarad milatari oo ay leedahay dowladda Kenya lagu geeyay magaalada Nairobi.<\/p>\n<p>Wuxuu sheegay inuu hadda ku sugan yahay Buulaxaawo qorsheynaya inuu qabta degmoyin ka tirsan gobolka Gedo.<\/p>\n<p><iframe loading=\"lazy\" src=\"https:\/\/www.youtube.com\/embed\/9YGN6WVkltw\" width=\"1013\" height=\"570\" frameborder=\"0\" allowfullscreen=\"allowfullscreen\"><\/iframe><\/p>\n","protected":false},"excerpt":{"rendered":"<p>Labadii sibuuc ee la soo dhaafay dowladda Soomaaliya ayaa sheegeysay inay dadaal ugu jirto sidii ay dib gacanta ugu dhigi lahayd wasiirkii Amniga ee maamul goboleedka Jubbaland, Cabdirashiid Xasan Cabdinuur(Janan), kaasoo ay sheegeen inuu ka baxsaday xabsi lagu hayay. Dad badan waxay su\u2019aalo iska weydiinayeen sida ay ku dhacday in Cabdirashiid uu baxo faraha dowladda [&hellip;]<\/p>\n","protected":false},"author":1,"featured_media":141904,"comment_status":"closed","ping_status":"open","sticky":false,"template":"","format":"standard","meta":{"rop_custom_images_group":[],"rop_custom_messages_group":[],"rop_publish_now":"initial","rop_publish_now_accounts":{"facebook_10221280388112155_325455220908133":""},"rop_publish_now_history":[],"rop_publish_now_status":"pending","footnotes":""},"categories":[3],"tags":[],"class_list":["post-141903","post","type-post","status-publish","format-standard","has-post-thumbnail","hentry","category-somali-news"],"yoast_head":"<!-- This site is optimized with the Yoast SEO plugin v25.6 - https:\/\/yoast.com\/wordpress\/plugins\/seo\/ -->\n<title>DAAWO:- Cabdirashiid Janan oo kasheekeeyay qaabkii uu uga soo baxsaday xabsiga - Wardoon<\/title>\n<meta name=\"robots\" content=\"index, follow, max-snippet:-1, max-image-preview:large, max-video-preview:-1\" \/>\n<link rel=\"canonical\" href=\"https:\/\/wardoon.net\/so\/daawo-cabdirashiid-janan-oo-kasheekeeyay-qaabkii-uu-uga-soo-baxsaday-xabsiga\/\" \/>\n<meta property=\"og:locale\" content=\"en_US\" \/>\n<meta property=\"og:type\" content=\"article\" \/>\n<meta property=\"og:title\" content=\"DAAWO:- Cabdirashiid Janan oo kasheekeeyay qaabkii uu uga soo baxsaday xabsiga - Wardoon\" \/>\n<meta property=\"og:description\" content=\"Labadii sibuuc ee la soo dhaafay dowladda Soomaaliya ayaa sheegeysay inay dadaal ugu jirto sidii ay dib gacanta ugu dhigi lahayd wasiirkii Amniga ee maamul goboleedka Jubbaland, Cabdirashiid Xasan Cabdinuur(Janan), kaasoo ay sheegeen inuu ka baxsaday xabsi lagu hayay. Dad badan waxay su\u2019aalo iska weydiinayeen sida ay ku dhacday in Cabdirashiid uu baxo faraha dowladda [&hellip;]\" \/>\n<meta property=\"og:url\" content=\"https:\/\/wardoon.net\/so\/daawo-cabdirashiid-janan-oo-kasheekeeyay-qaabkii-uu-uga-soo-baxsaday-xabsiga\/\" \/>\n<meta property=\"og:site_name\" content=\"Wardoon\" \/>\n<meta property=\"article:published_time\" content=\"2020-02-08T09:11:47+00:00\" \/>\n<meta property=\"og:image\" content=\"https:\/\/wardoon.net\/so\/wp-content\/uploads\/2020\/02\/0.png\" \/>\n\t<meta property=\"og:image:width\" content=\"847\" \/>\n\t<meta property=\"og:image:height\" content=\"556\" \/>\n\t<meta property=\"og:image:type\" content=\"image\/png\" \/>\n<meta name=\"author\" content=\"admin\" \/>\n<meta name=\"twitter:card\" content=\"summary_large_image\" \/>\n<meta name=\"twitter:label1\" content=\"Written by\" \/>\n\t<meta name=\"twitter:data1\" content=\"admin\" \/>\n\t<meta name=\"twitter:label2\" content=\"Est. reading time\" \/>\n\t<meta name=\"twitter:data2\" content=\"3 minutes\" \/>\n<script type=\"application\/ld+json\" class=\"yoast-schema-graph\">{\"@context\":\"https:\/\/schema.org\",\"@graph\":[{\"@type\":\"WebPage\",\"@id\":\"https:\/\/wardoon.net\/so\/daawo-cabdirashiid-janan-oo-kasheekeeyay-qaabkii-uu-uga-soo-baxsaday-xabsiga\/\",\"url\":\"https:\/\/wardoon.net\/so\/daawo-cabdirashiid-janan-oo-kasheekeeyay-qaabkii-uu-uga-soo-baxsaday-xabsiga\/\",\"name\":\"DAAWO:- Cabdirashiid Janan oo kasheekeeyay qaabkii uu uga soo baxsaday xabsiga - Wardoon\",\"isPartOf\":{\"@id\":\"http:\/\/wardoon.net\/so\/#website\"},\"primaryImageOfPage\":{\"@id\":\"https:\/\/wardoon.net\/so\/daawo-cabdirashiid-janan-oo-kasheekeeyay-qaabkii-uu-uga-soo-baxsaday-xabsiga\/#primaryimage\"},\"image\":{\"@id\":\"https:\/\/wardoon.net\/so\/daawo-cabdirashiid-janan-oo-kasheekeeyay-qaabkii-uu-uga-soo-baxsaday-xabsiga\/#primaryimage\"},\"thumbnailUrl\":\"https:\/\/wardoon.net\/so\/wp-content\/uploads\/2020\/02\/0.png\",\"datePublished\":\"2020-02-08T09:11:47+00:00\",\"author\":{\"@id\":\"http:\/\/wardoon.net\/so\/#\/schema\/person\/f8b1d5296096e3c329f5b915ba044a28\"},\"breadcrumb\":{\"@id\":\"https:\/\/wardoon.net\/so\/daawo-cabdirashiid-janan-oo-kasheekeeyay-qaabkii-uu-uga-soo-baxsaday-xabsiga\/#breadcrumb\"},\"inLanguage\":\"en-US\",\"potentialAction\":[{\"@type\":\"ReadAction\",\"target\":[\"https:\/\/wardoon.net\/so\/daawo-cabdirashiid-janan-oo-kasheekeeyay-qaabkii-uu-uga-soo-baxsaday-xabsiga\/\"]}]},{\"@type\":\"ImageObject\",\"inLanguage\":\"en-US\",\"@id\":\"https:\/\/wardoon.net\/so\/daawo-cabdirashiid-janan-oo-kasheekeeyay-qaabkii-uu-uga-soo-baxsaday-xabsiga\/#primaryimage\",\"url\":\"https:\/\/wardoon.net\/so\/wp-content\/uploads\/2020\/02\/0.png\",\"contentUrl\":\"https:\/\/wardoon.net\/so\/wp-content\/uploads\/2020\/02\/0.png\",\"width\":847,\"height\":556},{\"@type\":\"BreadcrumbList\",\"@id\":\"https:\/\/wardoon.net\/so\/daawo-cabdirashiid-janan-oo-kasheekeeyay-qaabkii-uu-uga-soo-baxsaday-xabsiga\/#breadcrumb\",\"itemListElement\":[{\"@type\":\"ListItem\",\"position\":1,\"name\":\"Home\",\"item\":\"http:\/\/wardoon.net\/so\/\"},{\"@type\":\"ListItem\",\"position\":2,\"name\":\"DAAWO:- Cabdirashiid Janan oo kasheekeeyay qaabkii uu uga soo baxsaday xabsiga\"}]},{\"@type\":\"WebSite\",\"@id\":\"http:\/\/wardoon.net\/so\/#website\",\"url\":\"http:\/\/wardoon.net\/so\/\",\"name\":\"Wardoon\",\"description\":\"News Media\",\"potentialAction\":[{\"@type\":\"SearchAction\",\"target\":{\"@type\":\"EntryPoint\",\"urlTemplate\":\"http:\/\/wardoon.net\/so\/?s={search_term_string}\"},\"query-input\":{\"@type\":\"PropertyValueSpecification\",\"valueRequired\":true,\"valueName\":\"search_term_string\"}}],\"inLanguage\":\"en-US\"},{\"@type\":\"Person\",\"@id\":\"http:\/\/wardoon.net\/so\/#\/schema\/person\/f8b1d5296096e3c329f5b915ba044a28\",\"name\":\"admin\",\"image\":{\"@type\":\"ImageObject\",\"inLanguage\":\"en-US\",\"@id\":\"http:\/\/wardoon.net\/so\/#\/schema\/person\/image\/\",\"url\":\"https:\/\/secure.gravatar.com\/avatar\/23bb9e404592c76192c930b0cfbf0010?s=96&d=mm&r=g\",\"contentUrl\":\"https:\/\/secure.gravatar.com\/avatar\/23bb9e404592c76192c930b0cfbf0010?s=96&d=mm&r=g\",\"caption\":\"admin\"},\"url\":\"https:\/\/wardoon.net\/so\/author\/admin\/\"}]}<\/script>\n<!-- \/ Yoast SEO plugin. -->","yoast_head_json":{"title":"DAAWO:- Cabdirashiid Janan oo kasheekeeyay qaabkii uu uga soo baxsaday xabsiga - Wardoon","robots":{"index":"index","follow":"follow","max-snippet":"max-snippet:-1","max-image-preview":"max-image-preview:large","max-video-preview":"max-video-preview:-1"},"canonical":"https:\/\/wardoon.net\/so\/daawo-cabdirashiid-janan-oo-kasheekeeyay-qaabkii-uu-uga-soo-baxsaday-xabsiga\/","og_locale":"en_US","og_type":"article","og_title":"DAAWO:- Cabdirashiid Janan oo kasheekeeyay qaabkii uu uga soo baxsaday xabsiga - Wardoon","og_description":"Labadii sibuuc ee la soo dhaafay dowladda Soomaaliya ayaa sheegeysay inay dadaal ugu jirto sidii ay dib gacanta ugu dhigi lahayd wasiirkii Amniga ee maamul goboleedka Jubbaland, Cabdirashiid Xasan Cabdinuur(Janan), kaasoo ay sheegeen inuu ka baxsaday xabsi lagu hayay. Dad badan waxay su\u2019aalo iska weydiinayeen sida ay ku dhacday in Cabdirashiid uu baxo faraha dowladda [&hellip;]","og_url":"https:\/\/wardoon.net\/so\/daawo-cabdirashiid-janan-oo-kasheekeeyay-qaabkii-uu-uga-soo-baxsaday-xabsiga\/","og_site_name":"Wardoon","article_published_time":"2020-02-08T09:11:47+00:00","og_image":[{"width":847,"height":556,"url":"https:\/\/wardoon.net\/so\/wp-content\/uploads\/2020\/02\/0.png","type":"image\/png"}],"author":"admin","twitter_card":"summary_large_image","twitter_misc":{"Written by":"admin","Est. reading time":"3 minutes"},"schema":{"@context":"https:\/\/schema.org","@graph":[{"@type":"WebPage","@id":"https:\/\/wardoon.net\/so\/daawo-cabdirashiid-janan-oo-kasheekeeyay-qaabkii-uu-uga-soo-baxsaday-xabsiga\/","url":"https:\/\/wardoon.net\/so\/daawo-cabdirashiid-janan-oo-kasheekeeyay-qaabkii-uu-uga-soo-baxsaday-xabsiga\/","name":"DAAWO:- Cabdirashiid Janan oo kasheekeeyay qaabkii uu uga soo baxsaday xabsiga - Wardoon","isPartOf":{"@id":"http:\/\/wardoon.net\/so\/#website"},"primaryImageOfPage":{"@id":"https:\/\/wardoon.net\/so\/daawo-cabdirashiid-janan-oo-kasheekeeyay-qaabkii-uu-uga-soo-baxsaday-xabsiga\/#primaryimage"},"image":{"@id":"https:\/\/wardoon.net\/so\/daawo-cabdirashiid-janan-oo-kasheekeeyay-qaabkii-uu-uga-soo-baxsaday-xabsiga\/#primaryimage"},"thumbnailUrl":"https:\/\/wardoon.net\/so\/wp-content\/uploads\/2020\/02\/0.png","datePublished":"2020-02-08T09:11:47+00:00","author":{"@id":"http:\/\/wardoon.net\/so\/#\/schema\/person\/f8b1d5296096e3c329f5b915ba044a28"},"breadcrumb":{"@id":"https:\/\/wardoon.net\/so\/daawo-cabdirashiid-janan-oo-kasheekeeyay-qaabkii-uu-uga-soo-baxsaday-xabsiga\/#breadcrumb"},"inLanguage":"en-US","potentialAction":[{"@type":"ReadAction","target":["https:\/\/wardoon.net\/so\/daawo-cabdirashiid-janan-oo-kasheekeeyay-qaabkii-uu-uga-soo-baxsaday-xabsiga\/"]}]},{"@type":"ImageObject","inLanguage":"en-US","@id":"https:\/\/wardoon.net\/so\/daawo-cabdirashiid-janan-oo-kasheekeeyay-qaabkii-uu-uga-soo-baxsaday-xabsiga\/#primaryimage","url":"https:\/\/wardoon.net\/so\/wp-content\/uploads\/2020\/02\/0.png","contentUrl":"https:\/\/wardoon.net\/so\/wp-content\/uploads\/2020\/02\/0.png","width":847,"height":556},{"@type":"BreadcrumbList","@id":"https:\/\/wardoon.net\/so\/daawo-cabdirashiid-janan-oo-kasheekeeyay-qaabkii-uu-uga-soo-baxsaday-xabsiga\/#breadcrumb","itemListElement":[{"@type":"ListItem","position":1,"name":"Home","item":"http:\/\/wardoon.net\/so\/"},{"@type":"ListItem","position":2,"name":"DAAWO:- Cabdirashiid Janan oo kasheekeeyay qaabkii uu uga soo baxsaday xabsiga"}]},{"@type":"WebSite","@id":"http:\/\/wardoon.net\/so\/#website","url":"http:\/\/wardoon.net\/so\/","name":"Wardoon","description":"News Media","potentialAction":[{"@type":"SearchAction","target":{"@type":"EntryPoint","urlTemplate":"http:\/\/wardoon.net\/so\/?s={search_term_string}"},"query-input":{"@type":"PropertyValueSpecification","valueRequired":true,"valueName":"search_term_string"}}],"inLanguage":"en-US"},{"@type":"Person","@id":"http:\/\/wardoon.net\/so\/#\/schema\/person\/f8b1d5296096e3c329f5b915ba044a28","name":"admin","image":{"@type":"ImageObject","inLanguage":"en-US","@id":"http:\/\/wardoon.net\/so\/#\/schema\/person\/image\/","url":"https:\/\/secure.gravatar.com\/avatar\/23bb9e404592c76192c930b0cfbf0010?s=96&d=mm&r=g","contentUrl":"https:\/\/secure.gravatar.com\/avatar\/23bb9e404592c76192c930b0cfbf0010?s=96&d=mm&r=g","caption":"admin"},"url":"https:\/\/wardoon.net\/so\/author\/admin\/"}]}},"_links":{"self":[{"href":"https:\/\/wardoon.net\/so\/wp-json\/wp\/v2\/posts\/141903"}],"collection":[{"href":"https:\/\/wardoon.net\/so\/wp-json\/wp\/v2\/posts"}],"about":[{"href":"https:\/\/wardoon.net\/so\/wp-json\/wp\/v2\/types\/post"}],"author":[{"embeddable":true,"href":"https:\/\/wardoon.net\/so\/wp-json\/wp\/v2\/users\/1"}],"replies":[{"embeddable":true,"href":"https:\/\/wardoon.net\/so\/wp-json\/wp\/v2\/comments?post=141903"}],"version-history":[{"count":1,"href":"https:\/\/wardoon.net\/so\/wp-json\/wp\/v2\/posts\/141903\/revisions"}],"predecessor-version":[{"id":141905,"href":"https:\/\/wardoon.net\/so\/wp-json\/wp\/v2\/posts\/141903\/revisions\/141905"}],"wp:featuredmedia":[{"embeddable":true,"href":"https:\/\/wardoon.net\/so\/wp-json\/wp\/v2\/media\/141904"}],"wp:attachment":[{"href":"https:\/\/wardoon.net\/so\/wp-json\/wp\/v2\/media?parent=141903"}],"wp:term":[{"taxonomy":"category","embeddable":true,"href":"https:\/\/wardoon.net\/so\/wp-json\/wp\/v2\/categories?post=141903"},{"taxonomy":"post_tag","embeddable":true,"href":"https:\/\/wardoon.net\/so\/wp-json\/wp\/v2\/tags?post=141903"}],"curies":[{"name":"wp","href":"https:\/\/api.w.org\/{rel}","templated":true}]}}