{"id":141955,"date":"2020-02-09T12:50:12","date_gmt":"2020-02-09T09:50:12","guid":{"rendered":"http:\/\/wardoon.net\/?p=141955"},"modified":"2020-02-09T12:50:12","modified_gmt":"2020-02-09T09:50:12","slug":"kenya-oo-ka-hadashay-arrinta-cabdirashiid-janan","status":"publish","type":"post","link":"https:\/\/wardoon.net\/so\/kenya-oo-ka-hadashay-arrinta-cabdirashiid-janan\/","title":{"rendered":"Kenya oo ka hadashay arrinta Cabdirashiid Janan"},"content":{"rendered":"<p>Dowladda Kenya ayaa markii ugu horreysay ka hadashay arrinta wasiirka amniga Jubbaland, Cabdirashiid Janan iyo dalabkii dowladda federaalka ee ku aadanaa inay u soo gacan geliso, si loogu maxkamadeeyo dalka.<\/p>\n<p>Xoghayaha wasaradda arrimaha dibadda Kenya, Macharia Kamau oo la hadlay wargeyska Daily Nation ayaa meesha ka saaray in xukuumaddu ay awoodo go\u2019aaminta wasiir Janan.<\/p>\n<p>Macharia Kamau ayaa sidoo kale tilmaamay in arrintaan kaliya ay ka falcelin karaan saraakiisha ciidamada amniga, sida uu hadalka u dhigay.<\/p>\n<p>\u201cArintani gacanteenna kuma jirto, waxaan kugula talinayaa inaad la xiriirto kuwa laga yaabo inay wax ka og Yihiin, waana ciidamada amniga\u201d. ayuu yiri Mr. Kamau.<\/p>\n<p>Sidoo kale Daily Nation ayaa xusay in wasiirka amniga Jubbaland uu degan yahay hoteel ku yaalla Mandera, islamarkaana ay amnigiisa la wareegeen ciidanka Kenya, inkastoo horay wasiirku wareysi uu siiyey BBC-da ku sheegay inuu joogo degmada Beled-Xaawo.<\/p>\n<p>Hadalkaan ayaa ku soo aadaya, iyadoo dowladda Soomaaliya ay Kenya iyo Booliska ENTERBOOL ka dalbatay in la soo gacan galiyo wasiir Janan oo 28-kii bishii hore ka baxsaday halkii uu ku xirnaa, isaga oo doon dheereysa ku tagay magaalada Kismaayo.<\/p>\n<p>Janan oo xiran tuutaha milatariga ayaa sidoo kale shalay ka soo muuqday duleedka Beled-Xaawo, halkaas oo uu ka wado dhaq dhaqaaq ka dhan ah ciidanka dowladda.<\/p>\n<p>Xaaladda gobolka Gedo, gaar haan Beled-Xaawo ayaa aad u kacsan, iyadoona wararka qaar ay sheegayaan in barakac xoogan uu ka bilowday gudaha magaaladaasi.<\/p>\n<p>&nbsp;<\/p>\n<p><a href=\"https:\/\/www.nation.co.ke\/news\/Kenya-angers-Somalia-hosting-fugitive-minister\/1056-5448936-2tj8gxz\/index.html\"><strong>HALKANKA AQRI SHEEKADAN<\/strong><\/a><\/p>\n","protected":false},"excerpt":{"rendered":"<p>Dowladda Kenya ayaa markii ugu horreysay ka hadashay arrinta wasiirka amniga Jubbaland, Cabdirashiid Janan iyo dalabkii dowladda federaalka ee ku aadanaa inay u soo gacan geliso, si loogu maxkamadeeyo dalka. Xoghayaha wasaradda arrimaha dibadda Kenya, Macharia Kamau oo la hadlay wargeyska Daily Nation ayaa meesha ka saaray in xukuumaddu ay awoodo go\u2019aaminta wasiir Janan. Macharia [&hellip;]<\/p>\n","protected":false},"author":1,"featured_media":141917,"comment_status":"closed","ping_status":"open","sticky":false,"template":"","format":"standard","meta":{"rop_custom_images_group":[],"rop_custom_messages_group":[],"rop_publish_now":"initial","rop_publish_now_accounts":{"facebook_10221280388112155_325455220908133":""},"rop_publish_now_history":[],"rop_publish_now_status":"pending","footnotes":""},"categories":[3],"tags":[],"class_list":["post-141955","post","type-post","status-publish","format-standard","has-post-thumbnail","hentry","category-somali-news"],"yoast_head":"<!-- This site is optimized with the Yoast SEO plugin v25.6 - https:\/\/yoast.com\/wordpress\/plugins\/seo\/ -->\n<title>Kenya oo ka hadashay arrinta Cabdirashiid Janan - Wardoon<\/title>\n<meta name=\"robots\" content=\"index, follow, max-snippet:-1, max-image-preview:large, max-video-preview:-1\" \/>\n<link rel=\"canonical\" href=\"https:\/\/wardoon.net\/so\/kenya-oo-ka-hadashay-arrinta-cabdirashiid-janan\/\" \/>\n<meta property=\"og:locale\" content=\"en_US\" \/>\n<meta property=\"og:type\" content=\"article\" \/>\n<meta property=\"og:title\" content=\"Kenya oo ka hadashay arrinta Cabdirashiid Janan - Wardoon\" \/>\n<meta property=\"og:description\" content=\"Dowladda Kenya ayaa markii ugu horreysay ka hadashay arrinta wasiirka amniga Jubbaland, Cabdirashiid Janan iyo dalabkii dowladda federaalka ee ku aadanaa inay u soo gacan geliso, si loogu maxkamadeeyo dalka. Xoghayaha wasaradda arrimaha dibadda Kenya, Macharia Kamau oo la hadlay wargeyska Daily Nation ayaa meesha ka saaray in xukuumaddu ay awoodo go\u2019aaminta wasiir Janan. Macharia [&hellip;]\" \/>\n<meta property=\"og:url\" content=\"https:\/\/wardoon.net\/so\/kenya-oo-ka-hadashay-arrinta-cabdirashiid-janan\/\" \/>\n<meta property=\"og:site_name\" content=\"Wardoon\" \/>\n<meta property=\"article:published_time\" content=\"2020-02-09T09:50:12+00:00\" \/>\n<meta property=\"og:image\" content=\"https:\/\/wardoon.net\/so\/wp-content\/uploads\/2020\/02\/xaw-5.jpg\" \/>\n\t<meta property=\"og:image:width\" content=\"768\" \/>\n\t<meta property=\"og:image:height\" content=\"512\" \/>\n\t<meta property=\"og:image:type\" content=\"image\/jpeg\" \/>\n<meta name=\"author\" content=\"admin\" \/>\n<meta name=\"twitter:card\" content=\"summary_large_image\" \/>\n<meta name=\"twitter:label1\" content=\"Written by\" \/>\n\t<meta name=\"twitter:data1\" content=\"admin\" \/>\n\t<meta name=\"twitter:label2\" content=\"Est. reading time\" \/>\n\t<meta name=\"twitter:data2\" content=\"1 minute\" \/>\n<script type=\"application\/ld+json\" class=\"yoast-schema-graph\">{\"@context\":\"https:\/\/schema.org\",\"@graph\":[{\"@type\":\"WebPage\",\"@id\":\"https:\/\/wardoon.net\/so\/kenya-oo-ka-hadashay-arrinta-cabdirashiid-janan\/\",\"url\":\"https:\/\/wardoon.net\/so\/kenya-oo-ka-hadashay-arrinta-cabdirashiid-janan\/\",\"name\":\"Kenya oo ka hadashay arrinta Cabdirashiid Janan - Wardoon\",\"isPartOf\":{\"@id\":\"http:\/\/wardoon.net\/so\/#website\"},\"primaryImageOfPage\":{\"@id\":\"https:\/\/wardoon.net\/so\/kenya-oo-ka-hadashay-arrinta-cabdirashiid-janan\/#primaryimage\"},\"image\":{\"@id\":\"https:\/\/wardoon.net\/so\/kenya-oo-ka-hadashay-arrinta-cabdirashiid-janan\/#primaryimage\"},\"thumbnailUrl\":\"https:\/\/wardoon.net\/so\/wp-content\/uploads\/2020\/02\/xaw-5.jpg\",\"datePublished\":\"2020-02-09T09:50:12+00:00\",\"author\":{\"@id\":\"http:\/\/wardoon.net\/so\/#\/schema\/person\/f8b1d5296096e3c329f5b915ba044a28\"},\"breadcrumb\":{\"@id\":\"https:\/\/wardoon.net\/so\/kenya-oo-ka-hadashay-arrinta-cabdirashiid-janan\/#breadcrumb\"},\"inLanguage\":\"en-US\",\"potentialAction\":[{\"@type\":\"ReadAction\",\"target\":[\"https:\/\/wardoon.net\/so\/kenya-oo-ka-hadashay-arrinta-cabdirashiid-janan\/\"]}]},{\"@type\":\"ImageObject\",\"inLanguage\":\"en-US\",\"@id\":\"https:\/\/wardoon.net\/so\/kenya-oo-ka-hadashay-arrinta-cabdirashiid-janan\/#primaryimage\",\"url\":\"https:\/\/wardoon.net\/so\/wp-content\/uploads\/2020\/02\/xaw-5.jpg\",\"contentUrl\":\"https:\/\/wardoon.net\/so\/wp-content\/uploads\/2020\/02\/xaw-5.jpg\",\"width\":768,\"height\":512},{\"@type\":\"BreadcrumbList\",\"@id\":\"https:\/\/wardoon.net\/so\/kenya-oo-ka-hadashay-arrinta-cabdirashiid-janan\/#breadcrumb\",\"itemListElement\":[{\"@type\":\"ListItem\",\"position\":1,\"name\":\"Home\",\"item\":\"http:\/\/wardoon.net\/so\/\"},{\"@type\":\"ListItem\",\"position\":2,\"name\":\"Kenya oo ka hadashay arrinta Cabdirashiid Janan\"}]},{\"@type\":\"WebSite\",\"@id\":\"http:\/\/wardoon.net\/so\/#website\",\"url\":\"http:\/\/wardoon.net\/so\/\",\"name\":\"Wardoon\",\"description\":\"News Media\",\"potentialAction\":[{\"@type\":\"SearchAction\",\"target\":{\"@type\":\"EntryPoint\",\"urlTemplate\":\"http:\/\/wardoon.net\/so\/?s={search_term_string}\"},\"query-input\":{\"@type\":\"PropertyValueSpecification\",\"valueRequired\":true,\"valueName\":\"search_term_string\"}}],\"inLanguage\":\"en-US\"},{\"@type\":\"Person\",\"@id\":\"http:\/\/wardoon.net\/so\/#\/schema\/person\/f8b1d5296096e3c329f5b915ba044a28\",\"name\":\"admin\",\"image\":{\"@type\":\"ImageObject\",\"inLanguage\":\"en-US\",\"@id\":\"http:\/\/wardoon.net\/so\/#\/schema\/person\/image\/\",\"url\":\"https:\/\/secure.gravatar.com\/avatar\/23bb9e404592c76192c930b0cfbf0010?s=96&d=mm&r=g\",\"contentUrl\":\"https:\/\/secure.gravatar.com\/avatar\/23bb9e404592c76192c930b0cfbf0010?s=96&d=mm&r=g\",\"caption\":\"admin\"},\"url\":\"https:\/\/wardoon.net\/so\/author\/admin\/\"}]}<\/script>\n<!-- \/ Yoast SEO plugin. -->","yoast_head_json":{"title":"Kenya oo ka hadashay arrinta Cabdirashiid Janan - Wardoon","robots":{"index":"index","follow":"follow","max-snippet":"max-snippet:-1","max-image-preview":"max-image-preview:large","max-video-preview":"max-video-preview:-1"},"canonical":"https:\/\/wardoon.net\/so\/kenya-oo-ka-hadashay-arrinta-cabdirashiid-janan\/","og_locale":"en_US","og_type":"article","og_title":"Kenya oo ka hadashay arrinta Cabdirashiid Janan - Wardoon","og_description":"Dowladda Kenya ayaa markii ugu horreysay ka hadashay arrinta wasiirka amniga Jubbaland, Cabdirashiid Janan iyo dalabkii dowladda federaalka ee ku aadanaa inay u soo gacan geliso, si loogu maxkamadeeyo dalka. Xoghayaha wasaradda arrimaha dibadda Kenya, Macharia Kamau oo la hadlay wargeyska Daily Nation ayaa meesha ka saaray in xukuumaddu ay awoodo go\u2019aaminta wasiir Janan. Macharia [&hellip;]","og_url":"https:\/\/wardoon.net\/so\/kenya-oo-ka-hadashay-arrinta-cabdirashiid-janan\/","og_site_name":"Wardoon","article_published_time":"2020-02-09T09:50:12+00:00","og_image":[{"width":768,"height":512,"url":"https:\/\/wardoon.net\/so\/wp-content\/uploads\/2020\/02\/xaw-5.jpg","type":"image\/jpeg"}],"author":"admin","twitter_card":"summary_large_image","twitter_misc":{"Written by":"admin","Est. reading time":"1 minute"},"schema":{"@context":"https:\/\/schema.org","@graph":[{"@type":"WebPage","@id":"https:\/\/wardoon.net\/so\/kenya-oo-ka-hadashay-arrinta-cabdirashiid-janan\/","url":"https:\/\/wardoon.net\/so\/kenya-oo-ka-hadashay-arrinta-cabdirashiid-janan\/","name":"Kenya oo ka hadashay arrinta Cabdirashiid Janan - Wardoon","isPartOf":{"@id":"http:\/\/wardoon.net\/so\/#website"},"primaryImageOfPage":{"@id":"https:\/\/wardoon.net\/so\/kenya-oo-ka-hadashay-arrinta-cabdirashiid-janan\/#primaryimage"},"image":{"@id":"https:\/\/wardoon.net\/so\/kenya-oo-ka-hadashay-arrinta-cabdirashiid-janan\/#primaryimage"},"thumbnailUrl":"https:\/\/wardoon.net\/so\/wp-content\/uploads\/2020\/02\/xaw-5.jpg","datePublished":"2020-02-09T09:50:12+00:00","author":{"@id":"http:\/\/wardoon.net\/so\/#\/schema\/person\/f8b1d5296096e3c329f5b915ba044a28"},"breadcrumb":{"@id":"https:\/\/wardoon.net\/so\/kenya-oo-ka-hadashay-arrinta-cabdirashiid-janan\/#breadcrumb"},"inLanguage":"en-US","potentialAction":[{"@type":"ReadAction","target":["https:\/\/wardoon.net\/so\/kenya-oo-ka-hadashay-arrinta-cabdirashiid-janan\/"]}]},{"@type":"ImageObject","inLanguage":"en-US","@id":"https:\/\/wardoon.net\/so\/kenya-oo-ka-hadashay-arrinta-cabdirashiid-janan\/#primaryimage","url":"https:\/\/wardoon.net\/so\/wp-content\/uploads\/2020\/02\/xaw-5.jpg","contentUrl":"https:\/\/wardoon.net\/so\/wp-content\/uploads\/2020\/02\/xaw-5.jpg","width":768,"height":512},{"@type":"BreadcrumbList","@id":"https:\/\/wardoon.net\/so\/kenya-oo-ka-hadashay-arrinta-cabdirashiid-janan\/#breadcrumb","itemListElement":[{"@type":"ListItem","position":1,"name":"Home","item":"http:\/\/wardoon.net\/so\/"},{"@type":"ListItem","position":2,"name":"Kenya oo ka hadashay arrinta Cabdirashiid Janan"}]},{"@type":"WebSite","@id":"http:\/\/wardoon.net\/so\/#website","url":"http:\/\/wardoon.net\/so\/","name":"Wardoon","description":"News Media","potentialAction":[{"@type":"SearchAction","target":{"@type":"EntryPoint","urlTemplate":"http:\/\/wardoon.net\/so\/?s={search_term_string}"},"query-input":{"@type":"PropertyValueSpecification","valueRequired":true,"valueName":"search_term_string"}}],"inLanguage":"en-US"},{"@type":"Person","@id":"http:\/\/wardoon.net\/so\/#\/schema\/person\/f8b1d5296096e3c329f5b915ba044a28","name":"admin","image":{"@type":"ImageObject","inLanguage":"en-US","@id":"http:\/\/wardoon.net\/so\/#\/schema\/person\/image\/","url":"https:\/\/secure.gravatar.com\/avatar\/23bb9e404592c76192c930b0cfbf0010?s=96&d=mm&r=g","contentUrl":"https:\/\/secure.gravatar.com\/avatar\/23bb9e404592c76192c930b0cfbf0010?s=96&d=mm&r=g","caption":"admin"},"url":"https:\/\/wardoon.net\/so\/author\/admin\/"}]}},"_links":{"self":[{"href":"https:\/\/wardoon.net\/so\/wp-json\/wp\/v2\/posts\/141955"}],"collection":[{"href":"https:\/\/wardoon.net\/so\/wp-json\/wp\/v2\/posts"}],"about":[{"href":"https:\/\/wardoon.net\/so\/wp-json\/wp\/v2\/types\/post"}],"author":[{"embeddable":true,"href":"https:\/\/wardoon.net\/so\/wp-json\/wp\/v2\/users\/1"}],"replies":[{"embeddable":true,"href":"https:\/\/wardoon.net\/so\/wp-json\/wp\/v2\/comments?post=141955"}],"version-history":[{"count":1,"href":"https:\/\/wardoon.net\/so\/wp-json\/wp\/v2\/posts\/141955\/revisions"}],"predecessor-version":[{"id":141956,"href":"https:\/\/wardoon.net\/so\/wp-json\/wp\/v2\/posts\/141955\/revisions\/141956"}],"wp:featuredmedia":[{"embeddable":true,"href":"https:\/\/wardoon.net\/so\/wp-json\/wp\/v2\/media\/141917"}],"wp:attachment":[{"href":"https:\/\/wardoon.net\/so\/wp-json\/wp\/v2\/media?parent=141955"}],"wp:term":[{"taxonomy":"category","embeddable":true,"href":"https:\/\/wardoon.net\/so\/wp-json\/wp\/v2\/categories?post=141955"},{"taxonomy":"post_tag","embeddable":true,"href":"https:\/\/wardoon.net\/so\/wp-json\/wp\/v2\/tags?post=141955"}],"curies":[{"name":"wp","href":"https:\/\/api.w.org\/{rel}","templated":true}]}}