{"id":143830,"date":"2020-03-29T11:58:38","date_gmt":"2020-03-29T08:58:38","guid":{"rendered":"http:\/\/wardoon.net\/?p=143830"},"modified":"2020-03-29T12:02:14","modified_gmt":"2020-03-29T09:02:14","slug":"cumar-filish-oo-meel-kusheegi-waayay-baaritaanka-qaraxii-lagu-dilay-eng-yariisow","status":"publish","type":"post","link":"https:\/\/wardoon.net\/so\/cumar-filish-oo-meel-kusheegi-waayay-baaritaanka-qaraxii-lagu-dilay-eng-yariisow\/","title":{"rendered":"DHAGAYSO:- Cumar Filish oo meel kusheegi waayay  baaritaanka qaraxii lagu dilay Eng Yariisow"},"content":{"rendered":"<p>Gudoomiyaha Maamulka Gobolka Banaadir ahna Duqa Magaalada Muqdisho, Cumar Maxamuud Maxamed (Cumar Filish) ayaan faah faahin badan ka bixin, halka uu ku dambeeyo baaritaanka Duqii hore ee Magaalada Muqdisho.<\/p>\n<p>Gudoomiyihii hore ee Maamulka Gobolka Banaadir ahaana Duqii Magaalada Muqdisho, Cabdiraxmaan Cumar Cismaan (Eng. Yariisow) ayaa ku geeriyooday qarax 24-kii bishii July ka dhacay Xarunta Dowladda Hoose ee Xamar. Qaraxa oo mid ismiidaamin lagu sheegay ayaa lagu eedeeyay in ay gaysatay gabar araga la\u2019eed. Qaraxaasi ayaa sidoo kale lagu dilay xubno ka tirsanaa Maamulka Gobolka Banaadir.<\/p>\n<p>Duqa Muqdisho oo la hadlay Barnaamijka Martida Mikrafoonka ee VOA ayaa ka gaabsaday in si daahfuran uu uga hadlo waxa ka soo baxay baaritaankii la sameeyay.<\/p>\n<p>Duqa Muqdisho waxa uu qiray in dhibaato dhacday, isla-markaana uu maamulkiisu xoogga saaray, sidii aanu markale u dhicin lahayn fal, kaasi oo kale ah.<\/p>\n<p>\u201cIn dhibaato dhacday waan ogahay, waana qirayaa. Dhibaatadaasoo sababtay inuu ku dhinto Duqii Muqdisho ee aniga iga horeeyay, ayna ku dhinteen hawlwadeeno aad iyo aad muhiim ugu ahaa Maamulka Gobolka Banaadir.\u201d Ayuu yiri Duqa Muqdisho.<\/p>\n<p>Sidoo kale waxa uu ka dhawaajiyay in laamaha amniga ay si gaar ahi gacanta ugu hayaan arrimahaasi, balse aanu maamulkiisu waxba kala socon natiijada ka soo baxday baaritaankaasi.<\/p>\n<p>\u201cRuntii arrintaas hay\u2019adaha amniga ayaa si gaar ah gacanta ugu haya. Anigu inta aan ka warqabo in dhib dhacay ayaan ogahay, waxaana xoogga saaray kiiyoo kale sidii uusan u dhici lahayn, taasaa xoogga saaray illaa hadana meelo fiicanee noo marayan, laakiin sidaasee ahayd iyo sidaasaa wax u dhacayn, cid baa iska leh ee anagu malihin.\u201d Ayuu yiri Cumar Filish.<\/p>\n<p>Masuuliyadda weerarkii lagu dilay Eng. Yariisow oo ay sheegatay Al Shabaab ayaa dood xoogan ka dhex dhalisay bulshada Soomaaliyeed, iyadoona ay dadku wax iska weydiinayeen sida ay Shabaabka ugu suurta-gashay inay beegsadeen Aqalkii Labaad ee dalka ugu muhiimsanaa, marka laga soo taggo Aqalka Villa Somalia.<\/p>\n<p>Aqalka Dowladda Hoose ee Xamar ayaa loogu adeeggaa saddexda milyan ee ku dhaqan Magaalada Caasimadda ah ee Muqdisho, iyadoo xilliyada qaarkoodna adeegyo loogu fidiyo dadka kale ee ka yimaada Gobolada Dalka, waana taa midda keentay in dadka qaarkii ay rumeystaan in Shabaabka laga gacan siiyay weerarkaasi.<\/p>\n<p>Khubarada ayaa ku doodaya inaanay Shabaabka gaysan kari lahayn weerarkaasi, haddii aysan jirin gacan gudaha ah, marka aad eegto sida uu u adag yahay ammaanka xaruntaasi, oo baaritaan adag qofka lagu marsiiyo marka uu booqanayo.<\/p>\n<p><iframe loading=\"lazy\" src=\"https:\/\/www.voasomali.com\/embed\/player\/0\/5349905.html?type=audio\" width=\"100%\" height=\"144\" frameborder=\"0\" scrolling=\"no\" allowfullscreen=\"allowfullscreen\"><\/iframe><\/p>\n","protected":false},"excerpt":{"rendered":"<p>Gudoomiyaha Maamulka Gobolka Banaadir ahna Duqa Magaalada Muqdisho, Cumar Maxamuud Maxamed (Cumar Filish) ayaan faah faahin badan ka bixin, halka uu ku dambeeyo baaritaanka Duqii hore ee Magaalada Muqdisho. Gudoomiyihii hore ee Maamulka Gobolka Banaadir ahaana Duqii Magaalada Muqdisho, Cabdiraxmaan Cumar Cismaan (Eng. Yariisow) ayaa ku geeriyooday qarax 24-kii bishii July ka dhacay Xarunta Dowladda [&hellip;]<\/p>\n","protected":false},"author":1,"featured_media":143831,"comment_status":"closed","ping_status":"open","sticky":false,"template":"","format":"standard","meta":{"rop_custom_images_group":[],"rop_custom_messages_group":[],"rop_publish_now":"initial","rop_publish_now_accounts":{"facebook_10221280388112155_325455220908133":""},"rop_publish_now_history":[],"rop_publish_now_status":"pending","footnotes":""},"categories":[3],"tags":[],"class_list":["post-143830","post","type-post","status-publish","format-standard","has-post-thumbnail","hentry","category-somali-news"],"yoast_head":"<!-- This site is optimized with the Yoast SEO plugin v25.6 - https:\/\/yoast.com\/wordpress\/plugins\/seo\/ -->\n<title>DHAGAYSO:- Cumar Filish oo meel kusheegi waayay baaritaanka qaraxii lagu dilay Eng Yariisow - Wardoon<\/title>\n<meta name=\"robots\" content=\"index, follow, max-snippet:-1, max-image-preview:large, max-video-preview:-1\" \/>\n<link rel=\"canonical\" href=\"https:\/\/wardoon.net\/so\/cumar-filish-oo-meel-kusheegi-waayay-baaritaanka-qaraxii-lagu-dilay-eng-yariisow\/\" \/>\n<meta property=\"og:locale\" content=\"en_US\" \/>\n<meta property=\"og:type\" content=\"article\" \/>\n<meta property=\"og:title\" content=\"DHAGAYSO:- Cumar Filish oo meel kusheegi waayay baaritaanka qaraxii lagu dilay Eng Yariisow - Wardoon\" \/>\n<meta property=\"og:description\" content=\"Gudoomiyaha Maamulka Gobolka Banaadir ahna Duqa Magaalada Muqdisho, Cumar Maxamuud Maxamed (Cumar Filish) ayaan faah faahin badan ka bixin, halka uu ku dambeeyo baaritaanka Duqii hore ee Magaalada Muqdisho. Gudoomiyihii hore ee Maamulka Gobolka Banaadir ahaana Duqii Magaalada Muqdisho, Cabdiraxmaan Cumar Cismaan (Eng. Yariisow) ayaa ku geeriyooday qarax 24-kii bishii July ka dhacay Xarunta Dowladda [&hellip;]\" \/>\n<meta property=\"og:url\" content=\"https:\/\/wardoon.net\/so\/cumar-filish-oo-meel-kusheegi-waayay-baaritaanka-qaraxii-lagu-dilay-eng-yariisow\/\" \/>\n<meta property=\"og:site_name\" content=\"Wardoon\" \/>\n<meta property=\"article:published_time\" content=\"2020-03-29T08:58:38+00:00\" \/>\n<meta property=\"article:modified_time\" content=\"2020-03-29T09:02:14+00:00\" \/>\n<meta property=\"og:image\" content=\"https:\/\/wardoon.net\/so\/wp-content\/uploads\/2020\/03\/download-4.jpg\" \/>\n\t<meta property=\"og:image:width\" content=\"275\" \/>\n\t<meta property=\"og:image:height\" content=\"183\" \/>\n\t<meta property=\"og:image:type\" content=\"image\/jpeg\" \/>\n<meta name=\"author\" content=\"admin\" \/>\n<meta name=\"twitter:card\" content=\"summary_large_image\" \/>\n<meta name=\"twitter:label1\" content=\"Written by\" \/>\n\t<meta name=\"twitter:data1\" content=\"admin\" \/>\n\t<meta name=\"twitter:label2\" content=\"Est. reading time\" \/>\n\t<meta name=\"twitter:data2\" content=\"2 minutes\" \/>\n<script type=\"application\/ld+json\" class=\"yoast-schema-graph\">{\"@context\":\"https:\/\/schema.org\",\"@graph\":[{\"@type\":\"WebPage\",\"@id\":\"https:\/\/wardoon.net\/so\/cumar-filish-oo-meel-kusheegi-waayay-baaritaanka-qaraxii-lagu-dilay-eng-yariisow\/\",\"url\":\"https:\/\/wardoon.net\/so\/cumar-filish-oo-meel-kusheegi-waayay-baaritaanka-qaraxii-lagu-dilay-eng-yariisow\/\",\"name\":\"DHAGAYSO:- Cumar Filish oo meel kusheegi waayay baaritaanka qaraxii lagu dilay Eng Yariisow - Wardoon\",\"isPartOf\":{\"@id\":\"http:\/\/wardoon.net\/so\/#website\"},\"primaryImageOfPage\":{\"@id\":\"https:\/\/wardoon.net\/so\/cumar-filish-oo-meel-kusheegi-waayay-baaritaanka-qaraxii-lagu-dilay-eng-yariisow\/#primaryimage\"},\"image\":{\"@id\":\"https:\/\/wardoon.net\/so\/cumar-filish-oo-meel-kusheegi-waayay-baaritaanka-qaraxii-lagu-dilay-eng-yariisow\/#primaryimage\"},\"thumbnailUrl\":\"https:\/\/wardoon.net\/so\/wp-content\/uploads\/2020\/03\/download-4.jpg\",\"datePublished\":\"2020-03-29T08:58:38+00:00\",\"dateModified\":\"2020-03-29T09:02:14+00:00\",\"author\":{\"@id\":\"http:\/\/wardoon.net\/so\/#\/schema\/person\/f8b1d5296096e3c329f5b915ba044a28\"},\"breadcrumb\":{\"@id\":\"https:\/\/wardoon.net\/so\/cumar-filish-oo-meel-kusheegi-waayay-baaritaanka-qaraxii-lagu-dilay-eng-yariisow\/#breadcrumb\"},\"inLanguage\":\"en-US\",\"potentialAction\":[{\"@type\":\"ReadAction\",\"target\":[\"https:\/\/wardoon.net\/so\/cumar-filish-oo-meel-kusheegi-waayay-baaritaanka-qaraxii-lagu-dilay-eng-yariisow\/\"]}]},{\"@type\":\"ImageObject\",\"inLanguage\":\"en-US\",\"@id\":\"https:\/\/wardoon.net\/so\/cumar-filish-oo-meel-kusheegi-waayay-baaritaanka-qaraxii-lagu-dilay-eng-yariisow\/#primaryimage\",\"url\":\"https:\/\/wardoon.net\/so\/wp-content\/uploads\/2020\/03\/download-4.jpg\",\"contentUrl\":\"https:\/\/wardoon.net\/so\/wp-content\/uploads\/2020\/03\/download-4.jpg\",\"width\":275,\"height\":183},{\"@type\":\"BreadcrumbList\",\"@id\":\"https:\/\/wardoon.net\/so\/cumar-filish-oo-meel-kusheegi-waayay-baaritaanka-qaraxii-lagu-dilay-eng-yariisow\/#breadcrumb\",\"itemListElement\":[{\"@type\":\"ListItem\",\"position\":1,\"name\":\"Home\",\"item\":\"http:\/\/wardoon.net\/so\/\"},{\"@type\":\"ListItem\",\"position\":2,\"name\":\"DHAGAYSO:- Cumar Filish oo meel kusheegi waayay baaritaanka qaraxii lagu dilay Eng Yariisow\"}]},{\"@type\":\"WebSite\",\"@id\":\"http:\/\/wardoon.net\/so\/#website\",\"url\":\"http:\/\/wardoon.net\/so\/\",\"name\":\"Wardoon\",\"description\":\"News Media\",\"potentialAction\":[{\"@type\":\"SearchAction\",\"target\":{\"@type\":\"EntryPoint\",\"urlTemplate\":\"http:\/\/wardoon.net\/so\/?s={search_term_string}\"},\"query-input\":{\"@type\":\"PropertyValueSpecification\",\"valueRequired\":true,\"valueName\":\"search_term_string\"}}],\"inLanguage\":\"en-US\"},{\"@type\":\"Person\",\"@id\":\"http:\/\/wardoon.net\/so\/#\/schema\/person\/f8b1d5296096e3c329f5b915ba044a28\",\"name\":\"admin\",\"image\":{\"@type\":\"ImageObject\",\"inLanguage\":\"en-US\",\"@id\":\"http:\/\/wardoon.net\/so\/#\/schema\/person\/image\/\",\"url\":\"https:\/\/secure.gravatar.com\/avatar\/23bb9e404592c76192c930b0cfbf0010?s=96&d=mm&r=g\",\"contentUrl\":\"https:\/\/secure.gravatar.com\/avatar\/23bb9e404592c76192c930b0cfbf0010?s=96&d=mm&r=g\",\"caption\":\"admin\"},\"url\":\"https:\/\/wardoon.net\/so\/author\/admin\/\"}]}<\/script>\n<!-- \/ Yoast SEO plugin. -->","yoast_head_json":{"title":"DHAGAYSO:- Cumar Filish oo meel kusheegi waayay baaritaanka qaraxii lagu dilay Eng Yariisow - Wardoon","robots":{"index":"index","follow":"follow","max-snippet":"max-snippet:-1","max-image-preview":"max-image-preview:large","max-video-preview":"max-video-preview:-1"},"canonical":"https:\/\/wardoon.net\/so\/cumar-filish-oo-meel-kusheegi-waayay-baaritaanka-qaraxii-lagu-dilay-eng-yariisow\/","og_locale":"en_US","og_type":"article","og_title":"DHAGAYSO:- Cumar Filish oo meel kusheegi waayay baaritaanka qaraxii lagu dilay Eng Yariisow - Wardoon","og_description":"Gudoomiyaha Maamulka Gobolka Banaadir ahna Duqa Magaalada Muqdisho, Cumar Maxamuud Maxamed (Cumar Filish) ayaan faah faahin badan ka bixin, halka uu ku dambeeyo baaritaanka Duqii hore ee Magaalada Muqdisho. Gudoomiyihii hore ee Maamulka Gobolka Banaadir ahaana Duqii Magaalada Muqdisho, Cabdiraxmaan Cumar Cismaan (Eng. Yariisow) ayaa ku geeriyooday qarax 24-kii bishii July ka dhacay Xarunta Dowladda [&hellip;]","og_url":"https:\/\/wardoon.net\/so\/cumar-filish-oo-meel-kusheegi-waayay-baaritaanka-qaraxii-lagu-dilay-eng-yariisow\/","og_site_name":"Wardoon","article_published_time":"2020-03-29T08:58:38+00:00","article_modified_time":"2020-03-29T09:02:14+00:00","og_image":[{"width":275,"height":183,"url":"https:\/\/wardoon.net\/so\/wp-content\/uploads\/2020\/03\/download-4.jpg","type":"image\/jpeg"}],"author":"admin","twitter_card":"summary_large_image","twitter_misc":{"Written by":"admin","Est. reading time":"2 minutes"},"schema":{"@context":"https:\/\/schema.org","@graph":[{"@type":"WebPage","@id":"https:\/\/wardoon.net\/so\/cumar-filish-oo-meel-kusheegi-waayay-baaritaanka-qaraxii-lagu-dilay-eng-yariisow\/","url":"https:\/\/wardoon.net\/so\/cumar-filish-oo-meel-kusheegi-waayay-baaritaanka-qaraxii-lagu-dilay-eng-yariisow\/","name":"DHAGAYSO:- Cumar Filish oo meel kusheegi waayay baaritaanka qaraxii lagu dilay Eng Yariisow - Wardoon","isPartOf":{"@id":"http:\/\/wardoon.net\/so\/#website"},"primaryImageOfPage":{"@id":"https:\/\/wardoon.net\/so\/cumar-filish-oo-meel-kusheegi-waayay-baaritaanka-qaraxii-lagu-dilay-eng-yariisow\/#primaryimage"},"image":{"@id":"https:\/\/wardoon.net\/so\/cumar-filish-oo-meel-kusheegi-waayay-baaritaanka-qaraxii-lagu-dilay-eng-yariisow\/#primaryimage"},"thumbnailUrl":"https:\/\/wardoon.net\/so\/wp-content\/uploads\/2020\/03\/download-4.jpg","datePublished":"2020-03-29T08:58:38+00:00","dateModified":"2020-03-29T09:02:14+00:00","author":{"@id":"http:\/\/wardoon.net\/so\/#\/schema\/person\/f8b1d5296096e3c329f5b915ba044a28"},"breadcrumb":{"@id":"https:\/\/wardoon.net\/so\/cumar-filish-oo-meel-kusheegi-waayay-baaritaanka-qaraxii-lagu-dilay-eng-yariisow\/#breadcrumb"},"inLanguage":"en-US","potentialAction":[{"@type":"ReadAction","target":["https:\/\/wardoon.net\/so\/cumar-filish-oo-meel-kusheegi-waayay-baaritaanka-qaraxii-lagu-dilay-eng-yariisow\/"]}]},{"@type":"ImageObject","inLanguage":"en-US","@id":"https:\/\/wardoon.net\/so\/cumar-filish-oo-meel-kusheegi-waayay-baaritaanka-qaraxii-lagu-dilay-eng-yariisow\/#primaryimage","url":"https:\/\/wardoon.net\/so\/wp-content\/uploads\/2020\/03\/download-4.jpg","contentUrl":"https:\/\/wardoon.net\/so\/wp-content\/uploads\/2020\/03\/download-4.jpg","width":275,"height":183},{"@type":"BreadcrumbList","@id":"https:\/\/wardoon.net\/so\/cumar-filish-oo-meel-kusheegi-waayay-baaritaanka-qaraxii-lagu-dilay-eng-yariisow\/#breadcrumb","itemListElement":[{"@type":"ListItem","position":1,"name":"Home","item":"http:\/\/wardoon.net\/so\/"},{"@type":"ListItem","position":2,"name":"DHAGAYSO:- Cumar Filish oo meel kusheegi waayay baaritaanka qaraxii lagu dilay Eng Yariisow"}]},{"@type":"WebSite","@id":"http:\/\/wardoon.net\/so\/#website","url":"http:\/\/wardoon.net\/so\/","name":"Wardoon","description":"News Media","potentialAction":[{"@type":"SearchAction","target":{"@type":"EntryPoint","urlTemplate":"http:\/\/wardoon.net\/so\/?s={search_term_string}"},"query-input":{"@type":"PropertyValueSpecification","valueRequired":true,"valueName":"search_term_string"}}],"inLanguage":"en-US"},{"@type":"Person","@id":"http:\/\/wardoon.net\/so\/#\/schema\/person\/f8b1d5296096e3c329f5b915ba044a28","name":"admin","image":{"@type":"ImageObject","inLanguage":"en-US","@id":"http:\/\/wardoon.net\/so\/#\/schema\/person\/image\/","url":"https:\/\/secure.gravatar.com\/avatar\/23bb9e404592c76192c930b0cfbf0010?s=96&d=mm&r=g","contentUrl":"https:\/\/secure.gravatar.com\/avatar\/23bb9e404592c76192c930b0cfbf0010?s=96&d=mm&r=g","caption":"admin"},"url":"https:\/\/wardoon.net\/so\/author\/admin\/"}]}},"_links":{"self":[{"href":"https:\/\/wardoon.net\/so\/wp-json\/wp\/v2\/posts\/143830"}],"collection":[{"href":"https:\/\/wardoon.net\/so\/wp-json\/wp\/v2\/posts"}],"about":[{"href":"https:\/\/wardoon.net\/so\/wp-json\/wp\/v2\/types\/post"}],"author":[{"embeddable":true,"href":"https:\/\/wardoon.net\/so\/wp-json\/wp\/v2\/users\/1"}],"replies":[{"embeddable":true,"href":"https:\/\/wardoon.net\/so\/wp-json\/wp\/v2\/comments?post=143830"}],"version-history":[{"count":3,"href":"https:\/\/wardoon.net\/so\/wp-json\/wp\/v2\/posts\/143830\/revisions"}],"predecessor-version":[{"id":143834,"href":"https:\/\/wardoon.net\/so\/wp-json\/wp\/v2\/posts\/143830\/revisions\/143834"}],"wp:featuredmedia":[{"embeddable":true,"href":"https:\/\/wardoon.net\/so\/wp-json\/wp\/v2\/media\/143831"}],"wp:attachment":[{"href":"https:\/\/wardoon.net\/so\/wp-json\/wp\/v2\/media?parent=143830"}],"wp:term":[{"taxonomy":"category","embeddable":true,"href":"https:\/\/wardoon.net\/so\/wp-json\/wp\/v2\/categories?post=143830"},{"taxonomy":"post_tag","embeddable":true,"href":"https:\/\/wardoon.net\/so\/wp-json\/wp\/v2\/tags?post=143830"}],"curies":[{"name":"wp","href":"https:\/\/api.w.org\/{rel}","templated":true}]}}