{"id":150893,"date":"2020-09-27T12:35:22","date_gmt":"2020-09-27T09:35:22","guid":{"rendered":"http:\/\/wardoon.net\/?p=150893"},"modified":"2020-09-27T12:46:00","modified_gmt":"2020-09-27T09:46:00","slug":"daawo-suaalo-adag-oo-lawaydiiyay-farmaajo","status":"publish","type":"post","link":"https:\/\/wardoon.net\/so\/daawo-suaalo-adag-oo-lawaydiiyay-farmaajo\/","title":{"rendered":"Daawo Su\u2019aalo Adag oo lawaydiiyay Farmaajo"},"content":{"rendered":"<p><img loading=\"lazy\" decoding=\"async\" class=\"alignnone size-full wp-image-150896\" src=\"http:\/\/wardoon.net\/wp-content\/uploads\/2020\/09\/suaalo-weydiin..jpg\" alt=\"\" width=\"640\" height=\"411\" srcset=\"https:\/\/wardoon.net\/so\/wp-content\/uploads\/2020\/09\/suaalo-weydiin..jpg 640w, https:\/\/wardoon.net\/so\/wp-content\/uploads\/2020\/09\/suaalo-weydiin.-300x193.jpg 300w\" sizes=\"(max-width: 640px) 100vw, 640px\" \/>Madaxweynaha Soomaaliya Maxamed C\/llaahi Farmaajo oo marti ku ahaa dood cilmiyeed uu soo agaasimay Machadka RAAS oo looga hadlayay halka uu dalka u socda heshiiska doorashada kaddib ayaa su\u2019aalo lagu weydiiyay.<\/p>\n<p>Dood cilmiyeedkan oo xalay lagu qabtay Xarunta Madaxtooyada, isla markaana dhowr Telefishin toos looga daawanayay ayaa dadka ka qeyb galay su\u2019aalo laga keenay, kuwaasoo u muuqday dad la soo xulay.<\/p>\n<p>Madaxweynaha ayaa dhowr su\u2019aalood oo la weydiiyay, qaarna aan si toos uga jawaaban oo uu sheegay inay ku adag tahay su\u2019aasha iyo su\u2019aalo qaarna waa uu ka booday.<\/p>\n<p>Su\u2019aal ka mid aheyd arrinta doorashada Sool iyo Sanaag oo mar walba lagu muransan yahay doorashadooda oo ay weydiisay gabar ayuu sheegay inay adag tahay oo aanu ka jawaabi karin.<\/p>\n<p>Arrinta Qadiyaddii Qalbi Dhagax iyo Liiskii Argagixisada ee lagu daray ayaa wiil dalinyaro ah oo weydiiyay Madaxweynuhu ka jawaabin, waxaana taas bedelkeed wariyihii daadihinayay ku sheegay inuu mowduuca ka baxay.<\/p>\n<p>Madaxweynaha ayaa la weydiiyay arrinta Kuraastii 13-ka kursi ee Gobolka Banaadir oo qofkii su;aashaas weydiiyay ku yiri hala weydiiyo Guddoomiyeyaasha Labada Aqal.<\/p>\n<p>Mar wax laga weydiiyay arrinta wada hadalada Soomaaliya iyo Somaliland, gaar ahaan shirkii ka dhacay Jabuuti ayuu sheegay inuu isaga lahaa oo uu soo agaasimay, isla markaana Mareykanka iyo Midowga Yurub ka gaday.<\/p>\n<p>Sidoo kale Madaxweynaha ayaa la weydiinayay inuu Musharax yahay, ayuu uga jawaabay in waqtigeeda hala gaaro.<\/p>\n<p>Baraha bulshada ayaa si weyn looga falceliyay dooddii su\u2019aalaha lagu weydiinayay Madaxweyne Farmaajo, gaar ahaan sida uu uga hadlay arrinta Sool iyo Sanaag oo aanu jawaabahooda si cad uga bixin, kuna sheegay inay ku adkaatay.<\/p>\n<p>Madaxweyne Farmaajo ayaa muddo saddex sano iyo bar oo uu xilka hayay aanu si toos ah u soo hor-fariisan shacabka ama madal fagaare ah oo su\u2019aalo lagu weydiiyo ka qeyb gelin, balse dooddii xalay ayaa aheyd mid aad dadka ula yaabeen in su\u2019aalihii Madaxweynuhu aanu jawaabahooda bixin, kuwa kalena hala weydiiyo cid kale.<\/p>\n<p>Dadka odorasa siyaasadda ayaa sheegay in dadkii xalay inay ka qeyb galaan aheyd dood cilmiyeedka si su\u2019aalo ku saabsan xaalada dalka weydiiyaan aan lagu casuumin, balse taa bedelkeed dhalinyarada la casuumay ay u badnaayeen kuwo ka soo jeeda Gobolada reer Waqooyi.<\/p>\n<p><iframe loading=\"lazy\" src=\"https:\/\/www.youtube.com\/embed\/itiUm-UtZKc\" width=\"720\" height=\"405\" frameborder=\"0\" allowfullscreen=\"allowfullscreen\"><\/iframe><\/p>\n<p><img loading=\"lazy\" decoding=\"async\" class=\"alignnone size-full wp-image-150898\" src=\"http:\/\/wardoon.net\/wp-content\/uploads\/2020\/09\/120073838_3392854897465631_6616971773220765264_o.jpg\" alt=\"\" width=\"696\" height=\"464\" srcset=\"https:\/\/wardoon.net\/so\/wp-content\/uploads\/2020\/09\/120073838_3392854897465631_6616971773220765264_o.jpg 696w, https:\/\/wardoon.net\/so\/wp-content\/uploads\/2020\/09\/120073838_3392854897465631_6616971773220765264_o-300x200.jpg 300w, https:\/\/wardoon.net\/so\/wp-content\/uploads\/2020\/09\/120073838_3392854897465631_6616971773220765264_o-630x420.jpg 630w\" sizes=\"(max-width: 696px) 100vw, 696px\" \/> <img loading=\"lazy\" decoding=\"async\" class=\"alignnone size-full wp-image-150899\" src=\"http:\/\/wardoon.net\/wp-content\/uploads\/2020\/09\/120075589_3392854884132299_6206546374644250749_o.jpg\" alt=\"\" width=\"696\" height=\"464\" srcset=\"https:\/\/wardoon.net\/so\/wp-content\/uploads\/2020\/09\/120075589_3392854884132299_6206546374644250749_o.jpg 696w, https:\/\/wardoon.net\/so\/wp-content\/uploads\/2020\/09\/120075589_3392854884132299_6206546374644250749_o-300x200.jpg 300w, https:\/\/wardoon.net\/so\/wp-content\/uploads\/2020\/09\/120075589_3392854884132299_6206546374644250749_o-630x420.jpg 630w\" sizes=\"(max-width: 696px) 100vw, 696px\" \/> <img loading=\"lazy\" decoding=\"async\" class=\"alignnone size-full wp-image-150900\" src=\"http:\/\/wardoon.net\/wp-content\/uploads\/2020\/09\/120096324_3392854894132298_1708057764331361639_o.jpg\" alt=\"\" width=\"696\" height=\"464\" srcset=\"https:\/\/wardoon.net\/so\/wp-content\/uploads\/2020\/09\/120096324_3392854894132298_1708057764331361639_o.jpg 696w, https:\/\/wardoon.net\/so\/wp-content\/uploads\/2020\/09\/120096324_3392854894132298_1708057764331361639_o-300x200.jpg 300w, https:\/\/wardoon.net\/so\/wp-content\/uploads\/2020\/09\/120096324_3392854894132298_1708057764331361639_o-630x420.jpg 630w\" sizes=\"(max-width: 696px) 100vw, 696px\" \/> <img loading=\"lazy\" decoding=\"async\" class=\"alignnone size-full wp-image-150901\" src=\"http:\/\/wardoon.net\/wp-content\/uploads\/2020\/09\/120107446_3392854954132292_4219140898565435640_o.jpg\" alt=\"\" width=\"696\" height=\"448\" srcset=\"https:\/\/wardoon.net\/so\/wp-content\/uploads\/2020\/09\/120107446_3392854954132292_4219140898565435640_o.jpg 696w, https:\/\/wardoon.net\/so\/wp-content\/uploads\/2020\/09\/120107446_3392854954132292_4219140898565435640_o-300x193.jpg 300w, https:\/\/wardoon.net\/so\/wp-content\/uploads\/2020\/09\/120107446_3392854954132292_4219140898565435640_o-653x420.jpg 653w\" sizes=\"(max-width: 696px) 100vw, 696px\" \/> <img loading=\"lazy\" decoding=\"async\" class=\"alignnone size-full wp-image-150896\" src=\"http:\/\/wardoon.net\/wp-content\/uploads\/2020\/09\/suaalo-weydiin..jpg\" alt=\"\" width=\"640\" height=\"411\" srcset=\"https:\/\/wardoon.net\/so\/wp-content\/uploads\/2020\/09\/suaalo-weydiin..jpg 640w, https:\/\/wardoon.net\/so\/wp-content\/uploads\/2020\/09\/suaalo-weydiin.-300x193.jpg 300w\" sizes=\"(max-width: 640px) 100vw, 640px\" \/><\/p>\n","protected":false},"excerpt":{"rendered":"<p>Madaxweynaha Soomaaliya Maxamed C\/llaahi Farmaajo oo marti ku ahaa dood cilmiyeed uu soo agaasimay Machadka RAAS oo looga hadlayay halka uu dalka u socda heshiiska doorashada kaddib ayaa su\u2019aalo lagu weydiiyay. Dood cilmiyeedkan oo xalay lagu qabtay Xarunta Madaxtooyada, isla markaana dhowr Telefishin toos looga daawanayay ayaa dadka ka qeyb galay su\u2019aalo laga keenay, kuwaasoo [&hellip;]<\/p>\n","protected":false},"author":1,"featured_media":150891,"comment_status":"closed","ping_status":"closed","sticky":false,"template":"","format":"standard","meta":{"rop_custom_images_group":[],"rop_custom_messages_group":[],"rop_publish_now":"initial","rop_publish_now_accounts":{"facebook_10221280388112155_325455220908133":""},"rop_publish_now_history":[],"rop_publish_now_status":"pending","footnotes":""},"categories":[3],"tags":[],"class_list":["post-150893","post","type-post","status-publish","format-standard","has-post-thumbnail","hentry","category-somali-news"],"yoast_head":"<!-- This site is optimized with the Yoast SEO plugin v25.6 - https:\/\/yoast.com\/wordpress\/plugins\/seo\/ -->\n<title>Daawo Su\u2019aalo Adag oo lawaydiiyay Farmaajo - Wardoon<\/title>\n<meta name=\"robots\" content=\"index, follow, max-snippet:-1, max-image-preview:large, max-video-preview:-1\" \/>\n<link rel=\"canonical\" href=\"https:\/\/wardoon.net\/so\/daawo-suaalo-adag-oo-lawaydiiyay-farmaajo\/\" \/>\n<meta property=\"og:locale\" content=\"en_US\" \/>\n<meta property=\"og:type\" content=\"article\" \/>\n<meta property=\"og:title\" content=\"Daawo Su\u2019aalo Adag oo lawaydiiyay Farmaajo - Wardoon\" \/>\n<meta property=\"og:description\" content=\"Madaxweynaha Soomaaliya Maxamed C\/llaahi Farmaajo oo marti ku ahaa dood cilmiyeed uu soo agaasimay Machadka RAAS oo looga hadlayay halka uu dalka u socda heshiiska doorashada kaddib ayaa su\u2019aalo lagu weydiiyay. Dood cilmiyeedkan oo xalay lagu qabtay Xarunta Madaxtooyada, isla markaana dhowr Telefishin toos looga daawanayay ayaa dadka ka qeyb galay su\u2019aalo laga keenay, kuwaasoo [&hellip;]\" \/>\n<meta property=\"og:url\" content=\"https:\/\/wardoon.net\/so\/daawo-suaalo-adag-oo-lawaydiiyay-farmaajo\/\" \/>\n<meta property=\"og:site_name\" content=\"Wardoon\" \/>\n<meta property=\"article:published_time\" content=\"2020-09-27T09:35:22+00:00\" \/>\n<meta property=\"article:modified_time\" content=\"2020-09-27T09:46:00+00:00\" \/>\n<meta property=\"og:image\" content=\"https:\/\/wardoon.net\/so\/wp-content\/uploads\/2020\/09\/Capture-43.png\" \/>\n\t<meta property=\"og:image:width\" content=\"556\" \/>\n\t<meta property=\"og:image:height\" content=\"374\" \/>\n\t<meta property=\"og:image:type\" content=\"image\/png\" \/>\n<meta name=\"author\" content=\"admin\" \/>\n<meta name=\"twitter:card\" content=\"summary_large_image\" \/>\n<meta name=\"twitter:label1\" content=\"Written by\" \/>\n\t<meta name=\"twitter:data1\" content=\"admin\" \/>\n\t<meta name=\"twitter:label2\" content=\"Est. reading time\" \/>\n\t<meta name=\"twitter:data2\" content=\"2 minutes\" \/>\n<script type=\"application\/ld+json\" class=\"yoast-schema-graph\">{\"@context\":\"https:\/\/schema.org\",\"@graph\":[{\"@type\":\"WebPage\",\"@id\":\"https:\/\/wardoon.net\/so\/daawo-suaalo-adag-oo-lawaydiiyay-farmaajo\/\",\"url\":\"https:\/\/wardoon.net\/so\/daawo-suaalo-adag-oo-lawaydiiyay-farmaajo\/\",\"name\":\"Daawo Su\u2019aalo Adag oo lawaydiiyay Farmaajo - Wardoon\",\"isPartOf\":{\"@id\":\"https:\/\/wardoon.net\/so\/#website\"},\"primaryImageOfPage\":{\"@id\":\"https:\/\/wardoon.net\/so\/daawo-suaalo-adag-oo-lawaydiiyay-farmaajo\/#primaryimage\"},\"image\":{\"@id\":\"https:\/\/wardoon.net\/so\/daawo-suaalo-adag-oo-lawaydiiyay-farmaajo\/#primaryimage\"},\"thumbnailUrl\":\"https:\/\/wardoon.net\/so\/wp-content\/uploads\/2020\/09\/Capture-43.png\",\"datePublished\":\"2020-09-27T09:35:22+00:00\",\"dateModified\":\"2020-09-27T09:46:00+00:00\",\"author\":{\"@id\":\"https:\/\/wardoon.net\/so\/#\/schema\/person\/f8b1d5296096e3c329f5b915ba044a28\"},\"breadcrumb\":{\"@id\":\"https:\/\/wardoon.net\/so\/daawo-suaalo-adag-oo-lawaydiiyay-farmaajo\/#breadcrumb\"},\"inLanguage\":\"en-US\",\"potentialAction\":[{\"@type\":\"ReadAction\",\"target\":[\"https:\/\/wardoon.net\/so\/daawo-suaalo-adag-oo-lawaydiiyay-farmaajo\/\"]}]},{\"@type\":\"ImageObject\",\"inLanguage\":\"en-US\",\"@id\":\"https:\/\/wardoon.net\/so\/daawo-suaalo-adag-oo-lawaydiiyay-farmaajo\/#primaryimage\",\"url\":\"https:\/\/wardoon.net\/so\/wp-content\/uploads\/2020\/09\/Capture-43.png\",\"contentUrl\":\"https:\/\/wardoon.net\/so\/wp-content\/uploads\/2020\/09\/Capture-43.png\",\"width\":556,\"height\":374},{\"@type\":\"BreadcrumbList\",\"@id\":\"https:\/\/wardoon.net\/so\/daawo-suaalo-adag-oo-lawaydiiyay-farmaajo\/#breadcrumb\",\"itemListElement\":[{\"@type\":\"ListItem\",\"position\":1,\"name\":\"Home\",\"item\":\"https:\/\/wardoon.net\/so\/\"},{\"@type\":\"ListItem\",\"position\":2,\"name\":\"Daawo Su\u2019aalo Adag oo lawaydiiyay Farmaajo\"}]},{\"@type\":\"WebSite\",\"@id\":\"https:\/\/wardoon.net\/so\/#website\",\"url\":\"https:\/\/wardoon.net\/so\/\",\"name\":\"Wardoon\",\"description\":\"News Media\",\"potentialAction\":[{\"@type\":\"SearchAction\",\"target\":{\"@type\":\"EntryPoint\",\"urlTemplate\":\"https:\/\/wardoon.net\/so\/?s={search_term_string}\"},\"query-input\":{\"@type\":\"PropertyValueSpecification\",\"valueRequired\":true,\"valueName\":\"search_term_string\"}}],\"inLanguage\":\"en-US\"},{\"@type\":\"Person\",\"@id\":\"https:\/\/wardoon.net\/so\/#\/schema\/person\/f8b1d5296096e3c329f5b915ba044a28\",\"name\":\"admin\",\"image\":{\"@type\":\"ImageObject\",\"inLanguage\":\"en-US\",\"@id\":\"https:\/\/wardoon.net\/so\/#\/schema\/person\/image\/\",\"url\":\"https:\/\/secure.gravatar.com\/avatar\/23bb9e404592c76192c930b0cfbf0010?s=96&d=mm&r=g\",\"contentUrl\":\"https:\/\/secure.gravatar.com\/avatar\/23bb9e404592c76192c930b0cfbf0010?s=96&d=mm&r=g\",\"caption\":\"admin\"},\"url\":\"https:\/\/wardoon.net\/so\/author\/admin\/\"}]}<\/script>\n<!-- \/ Yoast SEO plugin. -->","yoast_head_json":{"title":"Daawo Su\u2019aalo Adag oo lawaydiiyay Farmaajo - Wardoon","robots":{"index":"index","follow":"follow","max-snippet":"max-snippet:-1","max-image-preview":"max-image-preview:large","max-video-preview":"max-video-preview:-1"},"canonical":"https:\/\/wardoon.net\/so\/daawo-suaalo-adag-oo-lawaydiiyay-farmaajo\/","og_locale":"en_US","og_type":"article","og_title":"Daawo Su\u2019aalo Adag oo lawaydiiyay Farmaajo - Wardoon","og_description":"Madaxweynaha Soomaaliya Maxamed C\/llaahi Farmaajo oo marti ku ahaa dood cilmiyeed uu soo agaasimay Machadka RAAS oo looga hadlayay halka uu dalka u socda heshiiska doorashada kaddib ayaa su\u2019aalo lagu weydiiyay. Dood cilmiyeedkan oo xalay lagu qabtay Xarunta Madaxtooyada, isla markaana dhowr Telefishin toos looga daawanayay ayaa dadka ka qeyb galay su\u2019aalo laga keenay, kuwaasoo [&hellip;]","og_url":"https:\/\/wardoon.net\/so\/daawo-suaalo-adag-oo-lawaydiiyay-farmaajo\/","og_site_name":"Wardoon","article_published_time":"2020-09-27T09:35:22+00:00","article_modified_time":"2020-09-27T09:46:00+00:00","og_image":[{"width":556,"height":374,"url":"https:\/\/wardoon.net\/so\/wp-content\/uploads\/2020\/09\/Capture-43.png","type":"image\/png"}],"author":"admin","twitter_card":"summary_large_image","twitter_misc":{"Written by":"admin","Est. reading time":"2 minutes"},"schema":{"@context":"https:\/\/schema.org","@graph":[{"@type":"WebPage","@id":"https:\/\/wardoon.net\/so\/daawo-suaalo-adag-oo-lawaydiiyay-farmaajo\/","url":"https:\/\/wardoon.net\/so\/daawo-suaalo-adag-oo-lawaydiiyay-farmaajo\/","name":"Daawo Su\u2019aalo Adag oo lawaydiiyay Farmaajo - Wardoon","isPartOf":{"@id":"https:\/\/wardoon.net\/so\/#website"},"primaryImageOfPage":{"@id":"https:\/\/wardoon.net\/so\/daawo-suaalo-adag-oo-lawaydiiyay-farmaajo\/#primaryimage"},"image":{"@id":"https:\/\/wardoon.net\/so\/daawo-suaalo-adag-oo-lawaydiiyay-farmaajo\/#primaryimage"},"thumbnailUrl":"https:\/\/wardoon.net\/so\/wp-content\/uploads\/2020\/09\/Capture-43.png","datePublished":"2020-09-27T09:35:22+00:00","dateModified":"2020-09-27T09:46:00+00:00","author":{"@id":"https:\/\/wardoon.net\/so\/#\/schema\/person\/f8b1d5296096e3c329f5b915ba044a28"},"breadcrumb":{"@id":"https:\/\/wardoon.net\/so\/daawo-suaalo-adag-oo-lawaydiiyay-farmaajo\/#breadcrumb"},"inLanguage":"en-US","potentialAction":[{"@type":"ReadAction","target":["https:\/\/wardoon.net\/so\/daawo-suaalo-adag-oo-lawaydiiyay-farmaajo\/"]}]},{"@type":"ImageObject","inLanguage":"en-US","@id":"https:\/\/wardoon.net\/so\/daawo-suaalo-adag-oo-lawaydiiyay-farmaajo\/#primaryimage","url":"https:\/\/wardoon.net\/so\/wp-content\/uploads\/2020\/09\/Capture-43.png","contentUrl":"https:\/\/wardoon.net\/so\/wp-content\/uploads\/2020\/09\/Capture-43.png","width":556,"height":374},{"@type":"BreadcrumbList","@id":"https:\/\/wardoon.net\/so\/daawo-suaalo-adag-oo-lawaydiiyay-farmaajo\/#breadcrumb","itemListElement":[{"@type":"ListItem","position":1,"name":"Home","item":"https:\/\/wardoon.net\/so\/"},{"@type":"ListItem","position":2,"name":"Daawo Su\u2019aalo Adag oo lawaydiiyay Farmaajo"}]},{"@type":"WebSite","@id":"https:\/\/wardoon.net\/so\/#website","url":"https:\/\/wardoon.net\/so\/","name":"Wardoon","description":"News Media","potentialAction":[{"@type":"SearchAction","target":{"@type":"EntryPoint","urlTemplate":"https:\/\/wardoon.net\/so\/?s={search_term_string}"},"query-input":{"@type":"PropertyValueSpecification","valueRequired":true,"valueName":"search_term_string"}}],"inLanguage":"en-US"},{"@type":"Person","@id":"https:\/\/wardoon.net\/so\/#\/schema\/person\/f8b1d5296096e3c329f5b915ba044a28","name":"admin","image":{"@type":"ImageObject","inLanguage":"en-US","@id":"https:\/\/wardoon.net\/so\/#\/schema\/person\/image\/","url":"https:\/\/secure.gravatar.com\/avatar\/23bb9e404592c76192c930b0cfbf0010?s=96&d=mm&r=g","contentUrl":"https:\/\/secure.gravatar.com\/avatar\/23bb9e404592c76192c930b0cfbf0010?s=96&d=mm&r=g","caption":"admin"},"url":"https:\/\/wardoon.net\/so\/author\/admin\/"}]}},"_links":{"self":[{"href":"https:\/\/wardoon.net\/so\/wp-json\/wp\/v2\/posts\/150893"}],"collection":[{"href":"https:\/\/wardoon.net\/so\/wp-json\/wp\/v2\/posts"}],"about":[{"href":"https:\/\/wardoon.net\/so\/wp-json\/wp\/v2\/types\/post"}],"author":[{"embeddable":true,"href":"https:\/\/wardoon.net\/so\/wp-json\/wp\/v2\/users\/1"}],"replies":[{"embeddable":true,"href":"https:\/\/wardoon.net\/so\/wp-json\/wp\/v2\/comments?post=150893"}],"version-history":[{"count":3,"href":"https:\/\/wardoon.net\/so\/wp-json\/wp\/v2\/posts\/150893\/revisions"}],"predecessor-version":[{"id":150902,"href":"https:\/\/wardoon.net\/so\/wp-json\/wp\/v2\/posts\/150893\/revisions\/150902"}],"wp:featuredmedia":[{"embeddable":true,"href":"https:\/\/wardoon.net\/so\/wp-json\/wp\/v2\/media\/150891"}],"wp:attachment":[{"href":"https:\/\/wardoon.net\/so\/wp-json\/wp\/v2\/media?parent=150893"}],"wp:term":[{"taxonomy":"category","embeddable":true,"href":"https:\/\/wardoon.net\/so\/wp-json\/wp\/v2\/categories?post=150893"},{"taxonomy":"post_tag","embeddable":true,"href":"https:\/\/wardoon.net\/so\/wp-json\/wp\/v2\/tags?post=150893"}],"curies":[{"name":"wp","href":"https:\/\/api.w.org\/{rel}","templated":true}]}}