{"id":157334,"date":"2021-03-05T13:29:26","date_gmt":"2021-03-05T10:29:26","guid":{"rendered":"http:\/\/wardoon.net\/?p=157334"},"modified":"2021-03-05T13:30:57","modified_gmt":"2021-03-05T10:30:57","slug":"dambiyo-dagaal-ayaa-ka-dhacay-tigray","status":"publish","type":"post","link":"https:\/\/wardoon.net\/so\/dambiyo-dagaal-ayaa-ka-dhacay-tigray\/","title":{"rendered":"Dambiyo dagaal ayaa ka dhacay Tigray"},"content":{"rendered":"<p><img loading=\"lazy\" decoding=\"async\" class=\"alignnone size-full wp-image-157335\" src=\"http:\/\/wardoon.net\/wp-content\/uploads\/2021\/03\/Capture-8.png\" alt=\"\" width=\"913\" height=\"575\" srcset=\"https:\/\/wardoon.net\/so\/wp-content\/uploads\/2021\/03\/Capture-8.png 913w, https:\/\/wardoon.net\/so\/wp-content\/uploads\/2021\/03\/Capture-8-300x189.png 300w, https:\/\/wardoon.net\/so\/wp-content\/uploads\/2021\/03\/Capture-8-768x484.png 768w, https:\/\/wardoon.net\/so\/wp-content\/uploads\/2021\/03\/Capture-8-696x438.png 696w, https:\/\/wardoon.net\/so\/wp-content\/uploads\/2021\/03\/Capture-8-667x420.png 667w\" sizes=\"(max-width: 913px) 100vw, 913px\" \/><\/p>\n<p>Madaxa xuquuqda aadanaha QM ayaa maanta weydiisatay Ethiopia inay ogolaato kormeerayaal yimaada gobolka Tigray, si ay baaritaan ugu sameeyaan warbixino la xiriira dilal iyo rabshado galmo, oo laga yaabo inay ka dhigan yihiin dambiyo dagaal oo gobolka ka dhacayey tan iyo daba-yaaqadii 2020.<\/p>\n<p>\u201cDhibanayaasha iyo kuwa ka bad-baaday xadgudubyadan waa inaan loo diidin xuquuqda ay u leeyihiin runta iyo cadaaladda,\u201d ayey Michelle Bachelet ku tiri bayaan ay soo saartay, ayada oo muujisay inay ka cabsi qabto in xadgudubyada ay sii socdaan, haddii aan la helin baaritaan dibedda ah.<\/p>\n<p>Dagaal u dhaxeeya ciidamada federaalka Ethiopia ee ra\u2019iisul wasaare Abiy Ahmed iyo kuwa ururka xukuma gobolka ee TPLF ayaa dilay kumanaan qof, kuna qasbay boqolaal kun oo kale inay ka qaxaan guryahooda.<\/p>\n<p>\u201cXadgudubyo darran oo ka dhan ah xeerarka caalamiga ah, oo ay suurta-gal tahay inay ka dhigan yihiin dambiyo dagaal iyo dambiyo ka dhan ah bani\u2019aadannimada, ayaa waxaa suurta-gal ah inay gaysteen dhinacyo kala duwan,\u201d ayey tiri Bachelet, ayada oo xustay ciidamada Ethiopia, TPLF, Militariga Eritrea iyo ciidamada gobolka deriska ah ee Amxaarada.<\/p>\n<p>Warbixinta Bachelet ayaa sheegtay in 136 kiis oo kufsi ah lasoo weriyey intii u dhaxeysay December illaa Janaayo, ayada oo ay jiraan tilmaamo muujinaya kuwa badan oo aan lasoo werin. Waxay sidoo kale xustay kiisaska dilal ula kac ah oo loo gaystay shacab.<\/p>\n<p>Dowladda Abiy, maamulka Tigray, TPLF iyo sidoo kale kale mas\u2019uuliyiinta Amxaarada iyo Eritrea ayaan laga helin jawaab deg deg oo ku aadan bayaanka QM.<\/p>\n<p>Ayada oo goobjoogeyaal ay xuseen kiisas xadgudub, oo ay ka mid yihiin dil, bililiqo iyo xasuuq ka dhan ah qaxooti, ayaa dhinacyada dagaalamaya waxa uu midba mid kale ku eedeyey dhibaatada dhacday.<\/p>\n<p>Abiy ayaa guul sheegtay markii TPLF ay ka baxday caasimadda gooblka ee Mekelle, dhammaadkii bishii November 2020, hase yeeshee dagaal hoosaad ayaa kasii socday meelaha qaar, sida ay sheegeen dad ku sugan Tigray iyo qiimeynta QM.<\/p>\n<p>\u201cWarbixino laga naxo oo ku saabsan kufsi iyo rabshado jinsi ku saleysan, dilal ka baxsan cadaaladda, burbur baahsan iyo bililiqeysiga hanti dowladeed iyo mid gaar loo leeyahay, oo ay gaysanayaan dhammaan dhinacyada, ayaa nalala wadaagayaa,\u201d ayey tiri madaxa xuquuqda aadanah ee QM Michelle Bachelet.<\/p>\n<p>Dowladda madaxweyne Isais Afwerki ee Asmara ayaa horey u beenisay inay wax lug ah ku leedahay dagaalka, halka maamul Abiy ee Addis Ababa, uu marar badan ku celiyey inuus oo celinayo amarka iyo kala dambeynta.<\/p>\n<p>Xafiiska Abiy ayaa bayaan uu soo saaray Arbacadii ku sheegay inuu baarayo tuhunada ku saabsan xadgudubyada, uuna cadaaladda horkeeni doono kuwa gaystay.<\/p>\n<p><a href=\"https:\/\/www.ohchr.org\/EN\/NewsEvents\/Pages\/DisplayNews.aspx?NewsID=26838&amp;LangID=E\"><span style=\"color: #ff0000;\"><strong>HALKAN KA AQRI SHEEKADAN<\/strong><\/span><\/a><\/p>\n","protected":false},"excerpt":{"rendered":"<p>Madaxa xuquuqda aadanaha QM ayaa maanta weydiisatay Ethiopia inay ogolaato kormeerayaal yimaada gobolka Tigray, si ay baaritaan ugu sameeyaan warbixino la xiriira dilal iyo rabshado galmo, oo laga yaabo inay ka dhigan yihiin dambiyo dagaal oo gobolka ka dhacayey tan iyo daba-yaaqadii 2020. \u201cDhibanayaasha iyo kuwa ka bad-baaday xadgudubyadan waa inaan loo diidin xuquuqda ay [&hellip;]<\/p>\n","protected":false},"author":1,"featured_media":157335,"comment_status":"closed","ping_status":"closed","sticky":false,"template":"","format":"standard","meta":{"rop_custom_images_group":[],"rop_custom_messages_group":[],"rop_publish_now":"initial","rop_publish_now_accounts":{"facebook_10221280388112155_325455220908133":""},"rop_publish_now_history":[],"rop_publish_now_status":"pending","footnotes":""},"categories":[3],"tags":[],"class_list":["post-157334","post","type-post","status-publish","format-standard","has-post-thumbnail","hentry","category-somali-news"],"yoast_head":"<!-- This site is optimized with the Yoast SEO plugin v25.6 - https:\/\/yoast.com\/wordpress\/plugins\/seo\/ -->\n<title>Dambiyo dagaal ayaa ka dhacay Tigray - Wardoon<\/title>\n<meta name=\"robots\" content=\"index, follow, max-snippet:-1, max-image-preview:large, max-video-preview:-1\" \/>\n<link rel=\"canonical\" href=\"https:\/\/wardoon.net\/so\/dambiyo-dagaal-ayaa-ka-dhacay-tigray\/\" \/>\n<meta property=\"og:locale\" content=\"en_US\" \/>\n<meta property=\"og:type\" content=\"article\" \/>\n<meta property=\"og:title\" content=\"Dambiyo dagaal ayaa ka dhacay Tigray - Wardoon\" \/>\n<meta property=\"og:description\" content=\"Madaxa xuquuqda aadanaha QM ayaa maanta weydiisatay Ethiopia inay ogolaato kormeerayaal yimaada gobolka Tigray, si ay baaritaan ugu sameeyaan warbixino la xiriira dilal iyo rabshado galmo, oo laga yaabo inay ka dhigan yihiin dambiyo dagaal oo gobolka ka dhacayey tan iyo daba-yaaqadii 2020. \u201cDhibanayaasha iyo kuwa ka bad-baaday xadgudubyadan waa inaan loo diidin xuquuqda ay [&hellip;]\" \/>\n<meta property=\"og:url\" content=\"https:\/\/wardoon.net\/so\/dambiyo-dagaal-ayaa-ka-dhacay-tigray\/\" \/>\n<meta property=\"og:site_name\" content=\"Wardoon\" \/>\n<meta property=\"article:published_time\" content=\"2021-03-05T10:29:26+00:00\" \/>\n<meta property=\"article:modified_time\" content=\"2021-03-05T10:30:57+00:00\" \/>\n<meta property=\"og:image\" content=\"https:\/\/wardoon.net\/so\/wp-content\/uploads\/2021\/03\/Capture-8.png\" \/>\n\t<meta property=\"og:image:width\" content=\"913\" \/>\n\t<meta property=\"og:image:height\" content=\"575\" \/>\n\t<meta property=\"og:image:type\" content=\"image\/png\" \/>\n<meta name=\"author\" content=\"admin\" \/>\n<meta name=\"twitter:card\" content=\"summary_large_image\" \/>\n<meta name=\"twitter:label1\" content=\"Written by\" \/>\n\t<meta name=\"twitter:data1\" content=\"admin\" \/>\n\t<meta name=\"twitter:label2\" content=\"Est. reading time\" \/>\n\t<meta name=\"twitter:data2\" content=\"2 minutes\" \/>\n<script type=\"application\/ld+json\" class=\"yoast-schema-graph\">{\"@context\":\"https:\/\/schema.org\",\"@graph\":[{\"@type\":\"WebPage\",\"@id\":\"https:\/\/wardoon.net\/so\/dambiyo-dagaal-ayaa-ka-dhacay-tigray\/\",\"url\":\"https:\/\/wardoon.net\/so\/dambiyo-dagaal-ayaa-ka-dhacay-tigray\/\",\"name\":\"Dambiyo dagaal ayaa ka dhacay Tigray - Wardoon\",\"isPartOf\":{\"@id\":\"https:\/\/wardoon.net\/so\/#website\"},\"primaryImageOfPage\":{\"@id\":\"https:\/\/wardoon.net\/so\/dambiyo-dagaal-ayaa-ka-dhacay-tigray\/#primaryimage\"},\"image\":{\"@id\":\"https:\/\/wardoon.net\/so\/dambiyo-dagaal-ayaa-ka-dhacay-tigray\/#primaryimage\"},\"thumbnailUrl\":\"https:\/\/wardoon.net\/so\/wp-content\/uploads\/2021\/03\/Capture-8.png\",\"datePublished\":\"2021-03-05T10:29:26+00:00\",\"dateModified\":\"2021-03-05T10:30:57+00:00\",\"author\":{\"@id\":\"https:\/\/wardoon.net\/so\/#\/schema\/person\/f8b1d5296096e3c329f5b915ba044a28\"},\"breadcrumb\":{\"@id\":\"https:\/\/wardoon.net\/so\/dambiyo-dagaal-ayaa-ka-dhacay-tigray\/#breadcrumb\"},\"inLanguage\":\"en-US\",\"potentialAction\":[{\"@type\":\"ReadAction\",\"target\":[\"https:\/\/wardoon.net\/so\/dambiyo-dagaal-ayaa-ka-dhacay-tigray\/\"]}]},{\"@type\":\"ImageObject\",\"inLanguage\":\"en-US\",\"@id\":\"https:\/\/wardoon.net\/so\/dambiyo-dagaal-ayaa-ka-dhacay-tigray\/#primaryimage\",\"url\":\"https:\/\/wardoon.net\/so\/wp-content\/uploads\/2021\/03\/Capture-8.png\",\"contentUrl\":\"https:\/\/wardoon.net\/so\/wp-content\/uploads\/2021\/03\/Capture-8.png\",\"width\":913,\"height\":575},{\"@type\":\"BreadcrumbList\",\"@id\":\"https:\/\/wardoon.net\/so\/dambiyo-dagaal-ayaa-ka-dhacay-tigray\/#breadcrumb\",\"itemListElement\":[{\"@type\":\"ListItem\",\"position\":1,\"name\":\"Home\",\"item\":\"https:\/\/wardoon.net\/so\/\"},{\"@type\":\"ListItem\",\"position\":2,\"name\":\"Dambiyo dagaal ayaa ka dhacay Tigray\"}]},{\"@type\":\"WebSite\",\"@id\":\"https:\/\/wardoon.net\/so\/#website\",\"url\":\"https:\/\/wardoon.net\/so\/\",\"name\":\"Wardoon\",\"description\":\"News Media\",\"potentialAction\":[{\"@type\":\"SearchAction\",\"target\":{\"@type\":\"EntryPoint\",\"urlTemplate\":\"https:\/\/wardoon.net\/so\/?s={search_term_string}\"},\"query-input\":{\"@type\":\"PropertyValueSpecification\",\"valueRequired\":true,\"valueName\":\"search_term_string\"}}],\"inLanguage\":\"en-US\"},{\"@type\":\"Person\",\"@id\":\"https:\/\/wardoon.net\/so\/#\/schema\/person\/f8b1d5296096e3c329f5b915ba044a28\",\"name\":\"admin\",\"image\":{\"@type\":\"ImageObject\",\"inLanguage\":\"en-US\",\"@id\":\"https:\/\/wardoon.net\/so\/#\/schema\/person\/image\/\",\"url\":\"https:\/\/secure.gravatar.com\/avatar\/23bb9e404592c76192c930b0cfbf0010?s=96&d=mm&r=g\",\"contentUrl\":\"https:\/\/secure.gravatar.com\/avatar\/23bb9e404592c76192c930b0cfbf0010?s=96&d=mm&r=g\",\"caption\":\"admin\"},\"url\":\"https:\/\/wardoon.net\/so\/author\/admin\/\"}]}<\/script>\n<!-- \/ Yoast SEO plugin. -->","yoast_head_json":{"title":"Dambiyo dagaal ayaa ka dhacay Tigray - Wardoon","robots":{"index":"index","follow":"follow","max-snippet":"max-snippet:-1","max-image-preview":"max-image-preview:large","max-video-preview":"max-video-preview:-1"},"canonical":"https:\/\/wardoon.net\/so\/dambiyo-dagaal-ayaa-ka-dhacay-tigray\/","og_locale":"en_US","og_type":"article","og_title":"Dambiyo dagaal ayaa ka dhacay Tigray - Wardoon","og_description":"Madaxa xuquuqda aadanaha QM ayaa maanta weydiisatay Ethiopia inay ogolaato kormeerayaal yimaada gobolka Tigray, si ay baaritaan ugu sameeyaan warbixino la xiriira dilal iyo rabshado galmo, oo laga yaabo inay ka dhigan yihiin dambiyo dagaal oo gobolka ka dhacayey tan iyo daba-yaaqadii 2020. \u201cDhibanayaasha iyo kuwa ka bad-baaday xadgudubyadan waa inaan loo diidin xuquuqda ay [&hellip;]","og_url":"https:\/\/wardoon.net\/so\/dambiyo-dagaal-ayaa-ka-dhacay-tigray\/","og_site_name":"Wardoon","article_published_time":"2021-03-05T10:29:26+00:00","article_modified_time":"2021-03-05T10:30:57+00:00","og_image":[{"width":913,"height":575,"url":"https:\/\/wardoon.net\/so\/wp-content\/uploads\/2021\/03\/Capture-8.png","type":"image\/png"}],"author":"admin","twitter_card":"summary_large_image","twitter_misc":{"Written by":"admin","Est. reading time":"2 minutes"},"schema":{"@context":"https:\/\/schema.org","@graph":[{"@type":"WebPage","@id":"https:\/\/wardoon.net\/so\/dambiyo-dagaal-ayaa-ka-dhacay-tigray\/","url":"https:\/\/wardoon.net\/so\/dambiyo-dagaal-ayaa-ka-dhacay-tigray\/","name":"Dambiyo dagaal ayaa ka dhacay Tigray - Wardoon","isPartOf":{"@id":"https:\/\/wardoon.net\/so\/#website"},"primaryImageOfPage":{"@id":"https:\/\/wardoon.net\/so\/dambiyo-dagaal-ayaa-ka-dhacay-tigray\/#primaryimage"},"image":{"@id":"https:\/\/wardoon.net\/so\/dambiyo-dagaal-ayaa-ka-dhacay-tigray\/#primaryimage"},"thumbnailUrl":"https:\/\/wardoon.net\/so\/wp-content\/uploads\/2021\/03\/Capture-8.png","datePublished":"2021-03-05T10:29:26+00:00","dateModified":"2021-03-05T10:30:57+00:00","author":{"@id":"https:\/\/wardoon.net\/so\/#\/schema\/person\/f8b1d5296096e3c329f5b915ba044a28"},"breadcrumb":{"@id":"https:\/\/wardoon.net\/so\/dambiyo-dagaal-ayaa-ka-dhacay-tigray\/#breadcrumb"},"inLanguage":"en-US","potentialAction":[{"@type":"ReadAction","target":["https:\/\/wardoon.net\/so\/dambiyo-dagaal-ayaa-ka-dhacay-tigray\/"]}]},{"@type":"ImageObject","inLanguage":"en-US","@id":"https:\/\/wardoon.net\/so\/dambiyo-dagaal-ayaa-ka-dhacay-tigray\/#primaryimage","url":"https:\/\/wardoon.net\/so\/wp-content\/uploads\/2021\/03\/Capture-8.png","contentUrl":"https:\/\/wardoon.net\/so\/wp-content\/uploads\/2021\/03\/Capture-8.png","width":913,"height":575},{"@type":"BreadcrumbList","@id":"https:\/\/wardoon.net\/so\/dambiyo-dagaal-ayaa-ka-dhacay-tigray\/#breadcrumb","itemListElement":[{"@type":"ListItem","position":1,"name":"Home","item":"https:\/\/wardoon.net\/so\/"},{"@type":"ListItem","position":2,"name":"Dambiyo dagaal ayaa ka dhacay Tigray"}]},{"@type":"WebSite","@id":"https:\/\/wardoon.net\/so\/#website","url":"https:\/\/wardoon.net\/so\/","name":"Wardoon","description":"News Media","potentialAction":[{"@type":"SearchAction","target":{"@type":"EntryPoint","urlTemplate":"https:\/\/wardoon.net\/so\/?s={search_term_string}"},"query-input":{"@type":"PropertyValueSpecification","valueRequired":true,"valueName":"search_term_string"}}],"inLanguage":"en-US"},{"@type":"Person","@id":"https:\/\/wardoon.net\/so\/#\/schema\/person\/f8b1d5296096e3c329f5b915ba044a28","name":"admin","image":{"@type":"ImageObject","inLanguage":"en-US","@id":"https:\/\/wardoon.net\/so\/#\/schema\/person\/image\/","url":"https:\/\/secure.gravatar.com\/avatar\/23bb9e404592c76192c930b0cfbf0010?s=96&d=mm&r=g","contentUrl":"https:\/\/secure.gravatar.com\/avatar\/23bb9e404592c76192c930b0cfbf0010?s=96&d=mm&r=g","caption":"admin"},"url":"https:\/\/wardoon.net\/so\/author\/admin\/"}]}},"_links":{"self":[{"href":"https:\/\/wardoon.net\/so\/wp-json\/wp\/v2\/posts\/157334"}],"collection":[{"href":"https:\/\/wardoon.net\/so\/wp-json\/wp\/v2\/posts"}],"about":[{"href":"https:\/\/wardoon.net\/so\/wp-json\/wp\/v2\/types\/post"}],"author":[{"embeddable":true,"href":"https:\/\/wardoon.net\/so\/wp-json\/wp\/v2\/users\/1"}],"replies":[{"embeddable":true,"href":"https:\/\/wardoon.net\/so\/wp-json\/wp\/v2\/comments?post=157334"}],"version-history":[{"count":3,"href":"https:\/\/wardoon.net\/so\/wp-json\/wp\/v2\/posts\/157334\/revisions"}],"predecessor-version":[{"id":157338,"href":"https:\/\/wardoon.net\/so\/wp-json\/wp\/v2\/posts\/157334\/revisions\/157338"}],"wp:featuredmedia":[{"embeddable":true,"href":"https:\/\/wardoon.net\/so\/wp-json\/wp\/v2\/media\/157335"}],"wp:attachment":[{"href":"https:\/\/wardoon.net\/so\/wp-json\/wp\/v2\/media?parent=157334"}],"wp:term":[{"taxonomy":"category","embeddable":true,"href":"https:\/\/wardoon.net\/so\/wp-json\/wp\/v2\/categories?post=157334"},{"taxonomy":"post_tag","embeddable":true,"href":"https:\/\/wardoon.net\/so\/wp-json\/wp\/v2\/tags?post=157334"}],"curies":[{"name":"wp","href":"https:\/\/api.w.org\/{rel}","templated":true}]}}