{"id":157889,"date":"2021-03-17T12:42:44","date_gmt":"2021-03-17T09:42:44","guid":{"rendered":"http:\/\/wardoon.net\/?p=157889"},"modified":"2021-03-17T12:42:44","modified_gmt":"2021-03-17T09:42:44","slug":"maxaad-ka-taqaannaa-qareennada-soomaaliya-ku-matalaya-dacwadda-badda-ee-icj","status":"publish","type":"post","link":"https:\/\/wardoon.net\/so\/maxaad-ka-taqaannaa-qareennada-soomaaliya-ku-matalaya-dacwadda-badda-ee-icj\/","title":{"rendered":"Maxaad ka taqaannaa qareennada Soomaaliya ku matalaya dacwadda badda ee ICJ?"},"content":{"rendered":"<p>Maxkamadda caalamiga ah ee Caddaaladda (ICJ) ayaa maalintii labaad dhageysaneysa dacwadda muranka badda ee u dhaxeysa Soomaaliya iyo Kenya, waxaana labada maalmood ee ugu horreysa fursadda la siiyay qareennada matalaya dowladda Soomaaliya.<\/p>\n<p>Waxaa kiiskan ka maqan qareennada dhinaca Kenya kaddib markii xukuumadda Nairobi ay isaga baxday dacwadda, iyadoo arrimo dhowr ah u sababeysay.<\/p>\n<p>Mid ka mid ah waa in Kenya ay maxkamadda ku eedeysay inaysan dhexdhexaad ka ahayn kiiska ku saabsan xad badeedka saddex xagalka ah ee uu cabirkiisu yahay 62,000 sq miles (160,000 sq km).<\/p>\n<p>Soomaaliya oo hadda kaligeed dacwadda laga dhageysanayo waxaa u taagan ilaa shan gar yaqaan oo heer caalami ah oo difaacaya doodda Soomaaliya ee ku aaddan in badda ay iyadu leedahay. Sidoo kale waxaa jira qareenno kale oo ka qeyb qaadanaya caawinta Soomaaliya.<\/p>\n<p><strong>Maxaan ka naqaannaa qareennada u doodaya Soomaaliya?<\/strong><\/p>\n<p>Markii ugu horreysay garyaqaannada Soomaaliya waxaa ka mid ahayd Muna Sharmaan oo si weyn loo bartay xilligii ay socotay dhageysigii dacwadda badda. Hase yeeshee waxay doorkaas ka baxday sanadkii bishii October ee sanadkii 2019-kii.<\/p>\n<p>Waxaa hadda Soomaaliya wakiil uga ah kiiska qareenno ajnabi ah.<\/p>\n<p>Qareennadan ayaa ah kuwo sumcad ku dhex leh shuruucda caalamiga, waxayna u kala dhasheen waddamo kala duwan.<\/p>\n<p><strong>1-Paul S Reichler<\/strong><\/p>\n<figure id=\"attachment_157890\" aria-describedby=\"caption-attachment-157890\" style=\"width: 800px\" class=\"wp-caption alignnone\"><img loading=\"lazy\" decoding=\"async\" class=\"wp-image-157890 size-full\" src=\"http:\/\/wardoon.net\/wp-content\/uploads\/2021\/03\/117594993_e32e46d0-8f93-4f8e-a4a5-e8e41cffc473.jpg\" alt=\"\" width=\"800\" height=\"450\" srcset=\"https:\/\/wardoon.net\/so\/wp-content\/uploads\/2021\/03\/117594993_e32e46d0-8f93-4f8e-a4a5-e8e41cffc473.jpg 800w, https:\/\/wardoon.net\/so\/wp-content\/uploads\/2021\/03\/117594993_e32e46d0-8f93-4f8e-a4a5-e8e41cffc473-300x169.jpg 300w, https:\/\/wardoon.net\/so\/wp-content\/uploads\/2021\/03\/117594993_e32e46d0-8f93-4f8e-a4a5-e8e41cffc473-768x432.jpg 768w, https:\/\/wardoon.net\/so\/wp-content\/uploads\/2021\/03\/117594993_e32e46d0-8f93-4f8e-a4a5-e8e41cffc473-696x392.jpg 696w, https:\/\/wardoon.net\/so\/wp-content\/uploads\/2021\/03\/117594993_e32e46d0-8f93-4f8e-a4a5-e8e41cffc473-747x420.jpg 747w\" sizes=\"(max-width: 800px) 100vw, 800px\" \/><figcaption id=\"caption-attachment-157890\" class=\"wp-caption-text\">Paul S Reichler<\/figcaption><\/figure>\n<p>Mr Paul S Reichler waa gar yaqaan khabiir ah oo u dhashay dalka Mareykanka. Waxa uu aqoon dheer oo takhasus ah u leeyahay sharciyada la xiriira muranka xad ka badda.<\/p>\n<p>Sidoo kale waxa uu ka tirsan yahay ururka ay ku bahoobeen garsooreyaasha ka howl gala maxkamadda ugu sarreysa dalka Mareykanka.<\/p>\n<p>Mr Reichler waxa uu kasoo qalin jabiyay kulliyadda cilmiga sharciga lagu barto ee Jaamacadda Harvard. Wuxuu si fasiix ah ugu hadlaa luuqadaha Ingiriiska iyo Spanish-ka.<\/p>\n<p><strong>2-Prof. Philippe Sands<\/strong><\/p>\n<figure id=\"attachment_157891\" aria-describedby=\"caption-attachment-157891\" style=\"width: 800px\" class=\"wp-caption alignnone\"><img loading=\"lazy\" decoding=\"async\" class=\"size-full wp-image-157891\" src=\"http:\/\/wardoon.net\/wp-content\/uploads\/2021\/03\/117594999_ba9a0db3-976d-40c3-8e6d-a008e8ea2242.jpg\" alt=\"\" width=\"800\" height=\"450\" srcset=\"https:\/\/wardoon.net\/so\/wp-content\/uploads\/2021\/03\/117594999_ba9a0db3-976d-40c3-8e6d-a008e8ea2242.jpg 800w, https:\/\/wardoon.net\/so\/wp-content\/uploads\/2021\/03\/117594999_ba9a0db3-976d-40c3-8e6d-a008e8ea2242-300x169.jpg 300w, https:\/\/wardoon.net\/so\/wp-content\/uploads\/2021\/03\/117594999_ba9a0db3-976d-40c3-8e6d-a008e8ea2242-768x432.jpg 768w, https:\/\/wardoon.net\/so\/wp-content\/uploads\/2021\/03\/117594999_ba9a0db3-976d-40c3-8e6d-a008e8ea2242-696x392.jpg 696w, https:\/\/wardoon.net\/so\/wp-content\/uploads\/2021\/03\/117594999_ba9a0db3-976d-40c3-8e6d-a008e8ea2242-747x420.jpg 747w\" sizes=\"(max-width: 800px) 100vw, 800px\" \/><figcaption id=\"caption-attachment-157891\" class=\"wp-caption-text\">Prof. Philippe Sands<\/figcaption><\/figure>\n<p>Prof. Philippe Sands, oo ay da&#8217;diisu tahay 60 sano waa qareen British-French ah oo ka tirsan garyaqaannada caanka ah ee dunida.<\/p>\n<p>Waxa uu ka soo qalinjabiyay jaamacadda Harvard qeybteeda sharciga.<\/p>\n<p>Prof. Sands waxa uu macalin ka yahay jaamacadda London iyo sido kale jaamacado kale oo ku kala yaalla dalalka Mareykanka, UK Canada, Faransiiska iyo Australia.<\/p>\n<p>Waxa uu horey isaga oo dhinacyo kala duwan matalaya qareen uga soo noqday oo uu hortagay maxkamada ICJ, maxkamada cadaaladda iyo xuquuqda aadanaha ee Yurub iyo maxkamadda dambiyada caalamiga ah ee ICC.<\/p>\n<p>Prof. Philippe Sands waxaa uu horey u qoray buugaag uu ka diyaariyay shuruucda caalamiga ah.<\/p>\n<p><strong>3-Prof. Alain Pellet<\/strong><\/p>\n<figure id=\"attachment_157892\" aria-describedby=\"caption-attachment-157892\" style=\"width: 800px\" class=\"wp-caption alignnone\"><img loading=\"lazy\" decoding=\"async\" class=\"size-full wp-image-157892\" src=\"http:\/\/wardoon.net\/wp-content\/uploads\/2021\/03\/117595572_3b9868e3-3039-44fb-bba7-5287db23e252.jpg\" alt=\"\" width=\"800\" height=\"450\" srcset=\"https:\/\/wardoon.net\/so\/wp-content\/uploads\/2021\/03\/117595572_3b9868e3-3039-44fb-bba7-5287db23e252.jpg 800w, https:\/\/wardoon.net\/so\/wp-content\/uploads\/2021\/03\/117595572_3b9868e3-3039-44fb-bba7-5287db23e252-300x169.jpg 300w, https:\/\/wardoon.net\/so\/wp-content\/uploads\/2021\/03\/117595572_3b9868e3-3039-44fb-bba7-5287db23e252-768x432.jpg 768w, https:\/\/wardoon.net\/so\/wp-content\/uploads\/2021\/03\/117595572_3b9868e3-3039-44fb-bba7-5287db23e252-696x392.jpg 696w, https:\/\/wardoon.net\/so\/wp-content\/uploads\/2021\/03\/117595572_3b9868e3-3039-44fb-bba7-5287db23e252-747x420.jpg 747w\" sizes=\"(max-width: 800px) 100vw, 800px\" \/><figcaption id=\"caption-attachment-157892\" class=\"wp-caption-text\">Prof. Alain Pellet<\/figcaption><\/figure>\n<p>Waa qareen 72 jir ah, oo u dhashay dalka Faransiiska islamarkana muddo dheer ku jiray xirfadda shuruucda caalamiga ah.<\/p>\n<p>Mr Pellet ayaa waxaa uu culuumta sharciga ka bartay Jaamacad ku taalla magaalada Paris oo lagu magacaabo de Paris Ouest &#8211; Nanterre La D\u00e9fense,.<\/p>\n<p>Prof. Alain Pellet ayaa sidoo klae horey la taliye dhanka sharciga ah ugu soo noqday dowladda Faransiiska.<\/p>\n<p><strong>4-Alina Miron<\/strong><\/p>\n<figure id=\"attachment_157893\" aria-describedby=\"caption-attachment-157893\" style=\"width: 800px\" class=\"wp-caption alignnone\"><img loading=\"lazy\" decoding=\"async\" class=\"size-full wp-image-157893\" src=\"http:\/\/wardoon.net\/wp-content\/uploads\/2021\/03\/117595575_51fad3ff-c38b-45b3-94b5-7ae78022901e.jpg\" alt=\"\" width=\"800\" height=\"450\" srcset=\"https:\/\/wardoon.net\/so\/wp-content\/uploads\/2021\/03\/117595575_51fad3ff-c38b-45b3-94b5-7ae78022901e.jpg 800w, https:\/\/wardoon.net\/so\/wp-content\/uploads\/2021\/03\/117595575_51fad3ff-c38b-45b3-94b5-7ae78022901e-300x169.jpg 300w, https:\/\/wardoon.net\/so\/wp-content\/uploads\/2021\/03\/117595575_51fad3ff-c38b-45b3-94b5-7ae78022901e-768x432.jpg 768w, https:\/\/wardoon.net\/so\/wp-content\/uploads\/2021\/03\/117595575_51fad3ff-c38b-45b3-94b5-7ae78022901e-696x392.jpg 696w, https:\/\/wardoon.net\/so\/wp-content\/uploads\/2021\/03\/117595575_51fad3ff-c38b-45b3-94b5-7ae78022901e-747x420.jpg 747w\" sizes=\"(max-width: 800px) 100vw, 800px\" \/><figcaption id=\"caption-attachment-157893\" class=\"wp-caption-text\">Alina Miron<\/figcaption><\/figure>\n<p>Garyaqaan Alina waa macallimad wax ka dhigta jaamacadda Angers ee dalka Faransiiska, oo ah waddanka ay kasoo jeeddo.<\/p>\n<p>Waxay horay iyada oo qareen u hor tagtay maxakamadaha ICJ iyo ITLOS.<\/p>\n<p>Waxay hadda ka mid tahay qareennada khibradda leh ee Soomaaliya ku matalaya dacwadda badda ee hor taalla maxkamadda Caddaaladda Adduunka ee ICJ.<\/p>\n<p>Mageeda waxaa lagu xusay bayaanka maxkamadda, shalayna waxay ka mid ahayd qareennadii hadlay.<\/p>\n<p><strong>5-Edward Craven<\/strong><\/p>\n<figure id=\"attachment_157894\" aria-describedby=\"caption-attachment-157894\" style=\"width: 800px\" class=\"wp-caption alignnone\"><img loading=\"lazy\" decoding=\"async\" class=\"wp-image-157894 size-full\" src=\"http:\/\/wardoon.net\/wp-content\/uploads\/2021\/03\/117595578_b882c718-865b-47c0-8b54-2d9a8f7fbe54.jpg\" alt=\"\" width=\"800\" height=\"450\" srcset=\"https:\/\/wardoon.net\/so\/wp-content\/uploads\/2021\/03\/117595578_b882c718-865b-47c0-8b54-2d9a8f7fbe54.jpg 800w, https:\/\/wardoon.net\/so\/wp-content\/uploads\/2021\/03\/117595578_b882c718-865b-47c0-8b54-2d9a8f7fbe54-300x169.jpg 300w, https:\/\/wardoon.net\/so\/wp-content\/uploads\/2021\/03\/117595578_b882c718-865b-47c0-8b54-2d9a8f7fbe54-768x432.jpg 768w, https:\/\/wardoon.net\/so\/wp-content\/uploads\/2021\/03\/117595578_b882c718-865b-47c0-8b54-2d9a8f7fbe54-696x392.jpg 696w, https:\/\/wardoon.net\/so\/wp-content\/uploads\/2021\/03\/117595578_b882c718-865b-47c0-8b54-2d9a8f7fbe54-747x420.jpg 747w\" sizes=\"(max-width: 800px) 100vw, 800px\" \/><figcaption id=\"caption-attachment-157894\" class=\"wp-caption-text\">Edward Craven<\/figcaption><\/figure>\n<p>Mr Craven &#8211; oo u dhashay dalka Ingiriiska &#8211; waa qareen caalami ah oo ku takhasusay noocyada kala duwan ee shuruucda caalamiga ah .<\/p>\n<p>Arrimaha uu ku xeel dheer yahay waxaa ka mid ah shuruucda caalamiga, shuruucda dib u soo celinta hantida, shuruucda deegaanka, shuruucda saxaafadda, shuruucda ganacsiga iyo shuruucda la xiriira dambiyada.<\/p>\n<p>Qareennada kale ee gacanta ka geysanaya kiiskan, dhanka Soomaaliyana ka socda waxaa ka mid ah Benjamin Salas Kantor oo ka howlgala shirkadda dhanka sharciyada ee Foley Hoag LLP. Waa qareen dalalka madaxa banaan ku matala shuruucda caalamig ah gaar ahaan murada caalamiga ah.<\/p>\n<p>Mr Kantor waxaa uu horey la taliye ugu ahaa madaxwaynaha Chile oo uu lasoo shaqeeyay sanadihii u dhaxeeyay 2018 iyo 2020.<\/p>\n<p>Nicholas Renzler ayaa isagana ka mid ah garyaqaannada la safan Soomaaliya, waana qareen ku taqasusay shuruucda caalamiga ah islamarkana dalalka ku matala maxkamadaha caalamiga ah.<\/p>\n","protected":false},"excerpt":{"rendered":"<p>Maxkamadda caalamiga ah ee Caddaaladda (ICJ) ayaa maalintii labaad dhageysaneysa dacwadda muranka badda ee u dhaxeysa Soomaaliya iyo Kenya, waxaana labada maalmood ee ugu horreysa fursadda la siiyay qareennada matalaya dowladda Soomaaliya. Waxaa kiiskan ka maqan qareennada dhinaca Kenya kaddib markii xukuumadda Nairobi ay isaga baxday dacwadda, iyadoo arrimo dhowr ah u sababeysay. Mid ka [&hellip;]<\/p>\n","protected":false},"author":1,"featured_media":157896,"comment_status":"closed","ping_status":"closed","sticky":false,"template":"","format":"standard","meta":{"rop_custom_images_group":[],"rop_custom_messages_group":[],"rop_publish_now":"initial","rop_publish_now_accounts":{"facebook_10221280388112155_325455220908133":""},"rop_publish_now_history":[],"rop_publish_now_status":"pending","footnotes":""},"categories":[3],"tags":[],"class_list":["post-157889","post","type-post","status-publish","format-standard","has-post-thumbnail","hentry","category-somali-news"],"yoast_head":"<!-- This site is optimized with the Yoast SEO plugin v25.6 - https:\/\/yoast.com\/wordpress\/plugins\/seo\/ -->\n<title>Maxaad ka taqaannaa qareennada Soomaaliya ku matalaya dacwadda badda ee ICJ? - Wardoon<\/title>\n<meta name=\"robots\" content=\"index, follow, max-snippet:-1, max-image-preview:large, max-video-preview:-1\" \/>\n<link rel=\"canonical\" href=\"http:\/\/wardoon.net\/so\/maxaad-ka-taqaannaa-qareennada-soomaaliya-ku-matalaya-dacwadda-badda-ee-icj\/\" \/>\n<meta property=\"og:locale\" content=\"en_US\" \/>\n<meta property=\"og:type\" content=\"article\" \/>\n<meta property=\"og:title\" content=\"Maxaad ka taqaannaa qareennada Soomaaliya ku matalaya dacwadda badda ee ICJ? - Wardoon\" \/>\n<meta property=\"og:description\" content=\"Maxkamadda caalamiga ah ee Caddaaladda (ICJ) ayaa maalintii labaad dhageysaneysa dacwadda muranka badda ee u dhaxeysa Soomaaliya iyo Kenya, waxaana labada maalmood ee ugu horreysa fursadda la siiyay qareennada matalaya dowladda Soomaaliya. Waxaa kiiskan ka maqan qareennada dhinaca Kenya kaddib markii xukuumadda Nairobi ay isaga baxday dacwadda, iyadoo arrimo dhowr ah u sababeysay. Mid ka [&hellip;]\" \/>\n<meta property=\"og:url\" content=\"http:\/\/wardoon.net\/so\/maxaad-ka-taqaannaa-qareennada-soomaaliya-ku-matalaya-dacwadda-badda-ee-icj\/\" \/>\n<meta property=\"og:site_name\" content=\"Wardoon\" \/>\n<meta property=\"article:published_time\" content=\"2021-03-17T09:42:44+00:00\" \/>\n<meta property=\"og:image\" content=\"http:\/\/wardoon.net\/so\/wp-content\/uploads\/2021\/03\/page.jpg\" \/>\n\t<meta property=\"og:image:width\" content=\"404\" \/>\n\t<meta property=\"og:image:height\" content=\"404\" \/>\n\t<meta property=\"og:image:type\" content=\"image\/jpeg\" \/>\n<meta name=\"author\" content=\"admin\" \/>\n<meta name=\"twitter:card\" content=\"summary_large_image\" \/>\n<meta name=\"twitter:label1\" content=\"Written by\" \/>\n\t<meta name=\"twitter:data1\" content=\"admin\" \/>\n\t<meta name=\"twitter:label2\" content=\"Est. reading time\" \/>\n\t<meta name=\"twitter:data2\" content=\"3 minutes\" \/>\n<script type=\"application\/ld+json\" class=\"yoast-schema-graph\">{\"@context\":\"https:\/\/schema.org\",\"@graph\":[{\"@type\":\"WebPage\",\"@id\":\"http:\/\/wardoon.net\/so\/maxaad-ka-taqaannaa-qareennada-soomaaliya-ku-matalaya-dacwadda-badda-ee-icj\/\",\"url\":\"http:\/\/wardoon.net\/so\/maxaad-ka-taqaannaa-qareennada-soomaaliya-ku-matalaya-dacwadda-badda-ee-icj\/\",\"name\":\"Maxaad ka taqaannaa qareennada Soomaaliya ku matalaya dacwadda badda ee ICJ? - Wardoon\",\"isPartOf\":{\"@id\":\"http:\/\/wardoon.net\/so\/#website\"},\"primaryImageOfPage\":{\"@id\":\"http:\/\/wardoon.net\/so\/maxaad-ka-taqaannaa-qareennada-soomaaliya-ku-matalaya-dacwadda-badda-ee-icj\/#primaryimage\"},\"image\":{\"@id\":\"http:\/\/wardoon.net\/so\/maxaad-ka-taqaannaa-qareennada-soomaaliya-ku-matalaya-dacwadda-badda-ee-icj\/#primaryimage\"},\"thumbnailUrl\":\"https:\/\/wardoon.net\/so\/wp-content\/uploads\/2021\/03\/page.jpg\",\"datePublished\":\"2021-03-17T09:42:44+00:00\",\"author\":{\"@id\":\"http:\/\/wardoon.net\/so\/#\/schema\/person\/f8b1d5296096e3c329f5b915ba044a28\"},\"breadcrumb\":{\"@id\":\"http:\/\/wardoon.net\/so\/maxaad-ka-taqaannaa-qareennada-soomaaliya-ku-matalaya-dacwadda-badda-ee-icj\/#breadcrumb\"},\"inLanguage\":\"en-US\",\"potentialAction\":[{\"@type\":\"ReadAction\",\"target\":[\"http:\/\/wardoon.net\/so\/maxaad-ka-taqaannaa-qareennada-soomaaliya-ku-matalaya-dacwadda-badda-ee-icj\/\"]}]},{\"@type\":\"ImageObject\",\"inLanguage\":\"en-US\",\"@id\":\"http:\/\/wardoon.net\/so\/maxaad-ka-taqaannaa-qareennada-soomaaliya-ku-matalaya-dacwadda-badda-ee-icj\/#primaryimage\",\"url\":\"https:\/\/wardoon.net\/so\/wp-content\/uploads\/2021\/03\/page.jpg\",\"contentUrl\":\"https:\/\/wardoon.net\/so\/wp-content\/uploads\/2021\/03\/page.jpg\",\"width\":404,\"height\":404},{\"@type\":\"BreadcrumbList\",\"@id\":\"http:\/\/wardoon.net\/so\/maxaad-ka-taqaannaa-qareennada-soomaaliya-ku-matalaya-dacwadda-badda-ee-icj\/#breadcrumb\",\"itemListElement\":[{\"@type\":\"ListItem\",\"position\":1,\"name\":\"Home\",\"item\":\"http:\/\/wardoon.net\/so\/\"},{\"@type\":\"ListItem\",\"position\":2,\"name\":\"Maxaad ka taqaannaa qareennada Soomaaliya ku matalaya dacwadda badda ee ICJ?\"}]},{\"@type\":\"WebSite\",\"@id\":\"http:\/\/wardoon.net\/so\/#website\",\"url\":\"http:\/\/wardoon.net\/so\/\",\"name\":\"Wardoon\",\"description\":\"News Media\",\"potentialAction\":[{\"@type\":\"SearchAction\",\"target\":{\"@type\":\"EntryPoint\",\"urlTemplate\":\"http:\/\/wardoon.net\/so\/?s={search_term_string}\"},\"query-input\":{\"@type\":\"PropertyValueSpecification\",\"valueRequired\":true,\"valueName\":\"search_term_string\"}}],\"inLanguage\":\"en-US\"},{\"@type\":\"Person\",\"@id\":\"http:\/\/wardoon.net\/so\/#\/schema\/person\/f8b1d5296096e3c329f5b915ba044a28\",\"name\":\"admin\",\"image\":{\"@type\":\"ImageObject\",\"inLanguage\":\"en-US\",\"@id\":\"http:\/\/wardoon.net\/so\/#\/schema\/person\/image\/\",\"url\":\"https:\/\/secure.gravatar.com\/avatar\/23bb9e404592c76192c930b0cfbf0010?s=96&d=mm&r=g\",\"contentUrl\":\"https:\/\/secure.gravatar.com\/avatar\/23bb9e404592c76192c930b0cfbf0010?s=96&d=mm&r=g\",\"caption\":\"admin\"},\"url\":\"https:\/\/wardoon.net\/so\/author\/admin\/\"}]}<\/script>\n<!-- \/ Yoast SEO plugin. -->","yoast_head_json":{"title":"Maxaad ka taqaannaa qareennada Soomaaliya ku matalaya dacwadda badda ee ICJ? - Wardoon","robots":{"index":"index","follow":"follow","max-snippet":"max-snippet:-1","max-image-preview":"max-image-preview:large","max-video-preview":"max-video-preview:-1"},"canonical":"http:\/\/wardoon.net\/so\/maxaad-ka-taqaannaa-qareennada-soomaaliya-ku-matalaya-dacwadda-badda-ee-icj\/","og_locale":"en_US","og_type":"article","og_title":"Maxaad ka taqaannaa qareennada Soomaaliya ku matalaya dacwadda badda ee ICJ? - Wardoon","og_description":"Maxkamadda caalamiga ah ee Caddaaladda (ICJ) ayaa maalintii labaad dhageysaneysa dacwadda muranka badda ee u dhaxeysa Soomaaliya iyo Kenya, waxaana labada maalmood ee ugu horreysa fursadda la siiyay qareennada matalaya dowladda Soomaaliya. Waxaa kiiskan ka maqan qareennada dhinaca Kenya kaddib markii xukuumadda Nairobi ay isaga baxday dacwadda, iyadoo arrimo dhowr ah u sababeysay. Mid ka [&hellip;]","og_url":"http:\/\/wardoon.net\/so\/maxaad-ka-taqaannaa-qareennada-soomaaliya-ku-matalaya-dacwadda-badda-ee-icj\/","og_site_name":"Wardoon","article_published_time":"2021-03-17T09:42:44+00:00","og_image":[{"width":404,"height":404,"url":"http:\/\/wardoon.net\/so\/wp-content\/uploads\/2021\/03\/page.jpg","type":"image\/jpeg"}],"author":"admin","twitter_card":"summary_large_image","twitter_misc":{"Written by":"admin","Est. reading time":"3 minutes"},"schema":{"@context":"https:\/\/schema.org","@graph":[{"@type":"WebPage","@id":"http:\/\/wardoon.net\/so\/maxaad-ka-taqaannaa-qareennada-soomaaliya-ku-matalaya-dacwadda-badda-ee-icj\/","url":"http:\/\/wardoon.net\/so\/maxaad-ka-taqaannaa-qareennada-soomaaliya-ku-matalaya-dacwadda-badda-ee-icj\/","name":"Maxaad ka taqaannaa qareennada Soomaaliya ku matalaya dacwadda badda ee ICJ? - Wardoon","isPartOf":{"@id":"http:\/\/wardoon.net\/so\/#website"},"primaryImageOfPage":{"@id":"http:\/\/wardoon.net\/so\/maxaad-ka-taqaannaa-qareennada-soomaaliya-ku-matalaya-dacwadda-badda-ee-icj\/#primaryimage"},"image":{"@id":"http:\/\/wardoon.net\/so\/maxaad-ka-taqaannaa-qareennada-soomaaliya-ku-matalaya-dacwadda-badda-ee-icj\/#primaryimage"},"thumbnailUrl":"https:\/\/wardoon.net\/so\/wp-content\/uploads\/2021\/03\/page.jpg","datePublished":"2021-03-17T09:42:44+00:00","author":{"@id":"http:\/\/wardoon.net\/so\/#\/schema\/person\/f8b1d5296096e3c329f5b915ba044a28"},"breadcrumb":{"@id":"http:\/\/wardoon.net\/so\/maxaad-ka-taqaannaa-qareennada-soomaaliya-ku-matalaya-dacwadda-badda-ee-icj\/#breadcrumb"},"inLanguage":"en-US","potentialAction":[{"@type":"ReadAction","target":["http:\/\/wardoon.net\/so\/maxaad-ka-taqaannaa-qareennada-soomaaliya-ku-matalaya-dacwadda-badda-ee-icj\/"]}]},{"@type":"ImageObject","inLanguage":"en-US","@id":"http:\/\/wardoon.net\/so\/maxaad-ka-taqaannaa-qareennada-soomaaliya-ku-matalaya-dacwadda-badda-ee-icj\/#primaryimage","url":"https:\/\/wardoon.net\/so\/wp-content\/uploads\/2021\/03\/page.jpg","contentUrl":"https:\/\/wardoon.net\/so\/wp-content\/uploads\/2021\/03\/page.jpg","width":404,"height":404},{"@type":"BreadcrumbList","@id":"http:\/\/wardoon.net\/so\/maxaad-ka-taqaannaa-qareennada-soomaaliya-ku-matalaya-dacwadda-badda-ee-icj\/#breadcrumb","itemListElement":[{"@type":"ListItem","position":1,"name":"Home","item":"http:\/\/wardoon.net\/so\/"},{"@type":"ListItem","position":2,"name":"Maxaad ka taqaannaa qareennada Soomaaliya ku matalaya dacwadda badda ee ICJ?"}]},{"@type":"WebSite","@id":"http:\/\/wardoon.net\/so\/#website","url":"http:\/\/wardoon.net\/so\/","name":"Wardoon","description":"News Media","potentialAction":[{"@type":"SearchAction","target":{"@type":"EntryPoint","urlTemplate":"http:\/\/wardoon.net\/so\/?s={search_term_string}"},"query-input":{"@type":"PropertyValueSpecification","valueRequired":true,"valueName":"search_term_string"}}],"inLanguage":"en-US"},{"@type":"Person","@id":"http:\/\/wardoon.net\/so\/#\/schema\/person\/f8b1d5296096e3c329f5b915ba044a28","name":"admin","image":{"@type":"ImageObject","inLanguage":"en-US","@id":"http:\/\/wardoon.net\/so\/#\/schema\/person\/image\/","url":"https:\/\/secure.gravatar.com\/avatar\/23bb9e404592c76192c930b0cfbf0010?s=96&d=mm&r=g","contentUrl":"https:\/\/secure.gravatar.com\/avatar\/23bb9e404592c76192c930b0cfbf0010?s=96&d=mm&r=g","caption":"admin"},"url":"https:\/\/wardoon.net\/so\/author\/admin\/"}]}},"_links":{"self":[{"href":"https:\/\/wardoon.net\/so\/wp-json\/wp\/v2\/posts\/157889"}],"collection":[{"href":"https:\/\/wardoon.net\/so\/wp-json\/wp\/v2\/posts"}],"about":[{"href":"https:\/\/wardoon.net\/so\/wp-json\/wp\/v2\/types\/post"}],"author":[{"embeddable":true,"href":"https:\/\/wardoon.net\/so\/wp-json\/wp\/v2\/users\/1"}],"replies":[{"embeddable":true,"href":"https:\/\/wardoon.net\/so\/wp-json\/wp\/v2\/comments?post=157889"}],"version-history":[{"count":2,"href":"https:\/\/wardoon.net\/so\/wp-json\/wp\/v2\/posts\/157889\/revisions"}],"predecessor-version":[{"id":157897,"href":"https:\/\/wardoon.net\/so\/wp-json\/wp\/v2\/posts\/157889\/revisions\/157897"}],"wp:featuredmedia":[{"embeddable":true,"href":"https:\/\/wardoon.net\/so\/wp-json\/wp\/v2\/media\/157896"}],"wp:attachment":[{"href":"https:\/\/wardoon.net\/so\/wp-json\/wp\/v2\/media?parent=157889"}],"wp:term":[{"taxonomy":"category","embeddable":true,"href":"https:\/\/wardoon.net\/so\/wp-json\/wp\/v2\/categories?post=157889"},{"taxonomy":"post_tag","embeddable":true,"href":"https:\/\/wardoon.net\/so\/wp-json\/wp\/v2\/tags?post=157889"}],"curies":[{"name":"wp","href":"https:\/\/api.w.org\/{rel}","templated":true}]}}