{"id":161928,"date":"2021-08-21T12:52:51","date_gmt":"2021-08-21T09:52:51","guid":{"rendered":"http:\/\/wardoon.net\/?p=161928"},"modified":"2021-08-21T12:52:51","modified_gmt":"2021-08-21T09:52:51","slug":"dhagayso-uhuru-kenyatta-oo-laga-diiday-qorshe-uu-watay","status":"publish","type":"post","link":"https:\/\/wardoon.net\/so\/dhagayso-uhuru-kenyatta-oo-laga-diiday-qorshe-uu-watay\/","title":{"rendered":"DHAGAYSO:-Uhuru Kenyatta oo laga diiday qorshe uu watay"},"content":{"rendered":"<p class=\"p1\"><a href=\"http:\/\/wardoon.net\/wp-content\/uploads\/2021\/08\/udinga.webp\"><img loading=\"lazy\" decoding=\"async\" class=\"alignnone size-full wp-image-161930\" src=\"http:\/\/wardoon.net\/wp-content\/uploads\/2021\/08\/udinga.webp\" alt=\"\" width=\"1023\" height=\"575\" srcset=\"https:\/\/wardoon.net\/so\/wp-content\/uploads\/2021\/08\/udinga.webp 1023w, https:\/\/wardoon.net\/so\/wp-content\/uploads\/2021\/08\/udinga-300x169.webp 300w, https:\/\/wardoon.net\/so\/wp-content\/uploads\/2021\/08\/udinga-768x432.webp 768w, https:\/\/wardoon.net\/so\/wp-content\/uploads\/2021\/08\/udinga-696x391.webp 696w, https:\/\/wardoon.net\/so\/wp-content\/uploads\/2021\/08\/udinga-747x420.webp 747w\" sizes=\"(max-width: 1023px) 100vw, 1023px\" \/><\/a><\/p>\n<p class=\"p1\">Maxkamadda Racfaanka Kenya ayaa diiday qorshe ay dowladda ku dooneysay inay isbeddel ku sameyso dastuurka, taasi oo dhabarjab weyn ku ah madaxweyne Uhuru Kenyatta oo billaabay hindisahan muranka badan dhaliyey.<span class=\"Apple-converted-space\">\u00a0<\/span><\/p>\n<p class=\"p1\">Guddi ka kooban toddoba garsoore ayaa ayiday go\u2019aan horey oo ay gaartay maxkamad kale, oo sharci-darro ku tilmaamtay hindisaha, go\u2019aankan oo beddeli doona saaxadda siyaasadda Kenya, wax kayar hal sano kahor inta aan loo dareerin goobaha codbixinta.<\/p>\n<p class=\"p1\">Kenyatta ayaa ku dooday in hindisahan uu siyaasadda dalka ka dhigi lahaa mid loo dhan yahay, uuna soo geba-gebeyn lahaa rabshadaha doorasho ee dalka kusoo noqnoqday.<\/p>\n<p class=\"p1\">Madaxweynaha Maxkamadda Danile Musinga ayaa go\u2019aankan soo saaray kadib kulan qaatay 10 saac oo toos looga daawanayey taleefishinka.<\/p>\n<p class=\"p1\">\u201cIsbeddel dastuuri ah waxaa billaabi kara kaliya baarlamanka, ama hindise cod dadweyne,\u201d ayuu yiri, isaga oo intaas ku daray in Kenyatta maxkamada madani ah lagula kori karo billaabidda hindisaha.<\/p>\n<p class=\"p1\">Hindisaha lasoo jeediyey ayaa yimid kadib heshiis ay galeen Kenyatta iyo mucaaradkiisa muddada fog Raila Odinga.<\/p>\n<p class=\"p1\">Hindisahan oo loogu yeeray BBI, wuxuu dib u qaabeyn ku sameyn lahaa hanaanka doorasho ee iminka oo ah, in cidda ugu codadadka badan ay qaadato xilka uga sarreeya dalka, wuxuuna awoodda baarlamanka iyo tan fulinta ka dhigi lahaa mid siman. Wuxuu sidoo kale abuuri lahaa jagada ra\u2019iisul wasaaraha.<\/p>\n<p class=\"p1\">Dadka dhalleeceeya qorshahan ayaa ku macneeyey mid Kenyatta, oo aan u ordi karin doorashada madaxweyne ee dhaceysa 9-ka August 2022, maadaama uu dhameystay labadiisa muddo xileed, u ogolaaneysa inuu xilka sii hayo isaga oo abuuraya jagada ra\u2019iisul wasaraaha.<\/p>\n<p class=\"p1\">Go\u2019aanka Jimcihii soo baxay ayaa ogolaanaya in hanaanka doorashada dalka uu ku socdo jadwalkii loo dejiyey, haddii aan kiiska loo qaadin maxkamadda Sare ee dalka.<\/p>\n<p class=\"p1\">Hase yeeshee hoggaamiyeyaasha siyaasadda dalka ayey u badan tahay inay dib uga fakaraan hindisaha, si ay isbaheysiyo siyaasadeed u dhisaan kahor doorashada sanadka dambe, maadaama waqtigu gabaabsi yahay.<\/p>\n<p><iframe loading=\"lazy\" src=\"https:\/\/www.voasomali.com\/embed\/player\/0\/6010835.html?type=audio\" width=\"100%\" height=\"144\" frameborder=\"0\" scrolling=\"no\" allowfullscreen=\"allowfullscreen\"><\/iframe><\/p>\n","protected":false},"excerpt":{"rendered":"<p>Maxkamadda Racfaanka Kenya ayaa diiday qorshe ay dowladda ku dooneysay inay isbeddel ku sameyso dastuurka, taasi oo dhabarjab weyn ku ah madaxweyne Uhuru Kenyatta oo billaabay hindisahan muranka badan dhaliyey.\u00a0 Guddi ka kooban toddoba garsoore ayaa ayiday go\u2019aan horey oo ay gaartay maxkamad kale, oo sharci-darro ku tilmaamtay hindisaha, go\u2019aankan oo beddeli doona saaxadda siyaasadda [&hellip;]<\/p>\n","protected":false},"author":1,"featured_media":161929,"comment_status":"closed","ping_status":"closed","sticky":false,"template":"","format":"standard","meta":{"rop_custom_images_group":[],"rop_custom_messages_group":[],"rop_publish_now":"initial","rop_publish_now_accounts":{"facebook_10221280388112155_325455220908133":""},"rop_publish_now_history":[],"rop_publish_now_status":"pending","footnotes":""},"categories":[3],"tags":[],"class_list":["post-161928","post","type-post","status-publish","format-standard","has-post-thumbnail","hentry","category-somali-news"],"yoast_head":"<!-- This site is optimized with the Yoast SEO plugin v25.6 - https:\/\/yoast.com\/wordpress\/plugins\/seo\/ -->\n<title>DHAGAYSO:-Uhuru Kenyatta oo laga diiday qorshe uu watay - Wardoon<\/title>\n<meta name=\"robots\" content=\"index, follow, max-snippet:-1, max-image-preview:large, max-video-preview:-1\" \/>\n<link rel=\"canonical\" href=\"https:\/\/wardoon.net\/so\/dhagayso-uhuru-kenyatta-oo-laga-diiday-qorshe-uu-watay\/\" \/>\n<meta property=\"og:locale\" content=\"en_US\" \/>\n<meta property=\"og:type\" content=\"article\" \/>\n<meta property=\"og:title\" content=\"DHAGAYSO:-Uhuru Kenyatta oo laga diiday qorshe uu watay - Wardoon\" \/>\n<meta property=\"og:description\" content=\"Maxkamadda Racfaanka Kenya ayaa diiday qorshe ay dowladda ku dooneysay inay isbeddel ku sameyso dastuurka, taasi oo dhabarjab weyn ku ah madaxweyne Uhuru Kenyatta oo billaabay hindisahan muranka badan dhaliyey.\u00a0 Guddi ka kooban toddoba garsoore ayaa ayiday go\u2019aan horey oo ay gaartay maxkamad kale, oo sharci-darro ku tilmaamtay hindisaha, go\u2019aankan oo beddeli doona saaxadda siyaasadda [&hellip;]\" \/>\n<meta property=\"og:url\" content=\"https:\/\/wardoon.net\/so\/dhagayso-uhuru-kenyatta-oo-laga-diiday-qorshe-uu-watay\/\" \/>\n<meta property=\"og:site_name\" content=\"Wardoon\" \/>\n<meta property=\"article:published_time\" content=\"2021-08-21T09:52:51+00:00\" \/>\n<meta property=\"og:image\" content=\"https:\/\/wardoon.net\/so\/wp-content\/uploads\/2021\/08\/Uhuru-Kenyatta-scaled-1.jpeg\" \/>\n\t<meta property=\"og:image:width\" content=\"2560\" \/>\n\t<meta property=\"og:image:height\" content=\"1833\" \/>\n\t<meta property=\"og:image:type\" content=\"image\/jpeg\" \/>\n<meta name=\"author\" content=\"admin\" \/>\n<meta name=\"twitter:card\" content=\"summary_large_image\" \/>\n<meta name=\"twitter:label1\" content=\"Written by\" \/>\n\t<meta name=\"twitter:data1\" content=\"admin\" \/>\n\t<meta name=\"twitter:label2\" content=\"Est. reading time\" \/>\n\t<meta name=\"twitter:data2\" content=\"1 minute\" \/>\n<script type=\"application\/ld+json\" class=\"yoast-schema-graph\">{\"@context\":\"https:\/\/schema.org\",\"@graph\":[{\"@type\":\"WebPage\",\"@id\":\"https:\/\/wardoon.net\/so\/dhagayso-uhuru-kenyatta-oo-laga-diiday-qorshe-uu-watay\/\",\"url\":\"https:\/\/wardoon.net\/so\/dhagayso-uhuru-kenyatta-oo-laga-diiday-qorshe-uu-watay\/\",\"name\":\"DHAGAYSO:-Uhuru Kenyatta oo laga diiday qorshe uu watay - Wardoon\",\"isPartOf\":{\"@id\":\"https:\/\/wardoon.net\/so\/#website\"},\"primaryImageOfPage\":{\"@id\":\"https:\/\/wardoon.net\/so\/dhagayso-uhuru-kenyatta-oo-laga-diiday-qorshe-uu-watay\/#primaryimage\"},\"image\":{\"@id\":\"https:\/\/wardoon.net\/so\/dhagayso-uhuru-kenyatta-oo-laga-diiday-qorshe-uu-watay\/#primaryimage\"},\"thumbnailUrl\":\"https:\/\/wardoon.net\/so\/wp-content\/uploads\/2021\/08\/Uhuru-Kenyatta-scaled-1.jpeg\",\"datePublished\":\"2021-08-21T09:52:51+00:00\",\"author\":{\"@id\":\"https:\/\/wardoon.net\/so\/#\/schema\/person\/f8b1d5296096e3c329f5b915ba044a28\"},\"breadcrumb\":{\"@id\":\"https:\/\/wardoon.net\/so\/dhagayso-uhuru-kenyatta-oo-laga-diiday-qorshe-uu-watay\/#breadcrumb\"},\"inLanguage\":\"en-US\",\"potentialAction\":[{\"@type\":\"ReadAction\",\"target\":[\"https:\/\/wardoon.net\/so\/dhagayso-uhuru-kenyatta-oo-laga-diiday-qorshe-uu-watay\/\"]}]},{\"@type\":\"ImageObject\",\"inLanguage\":\"en-US\",\"@id\":\"https:\/\/wardoon.net\/so\/dhagayso-uhuru-kenyatta-oo-laga-diiday-qorshe-uu-watay\/#primaryimage\",\"url\":\"https:\/\/wardoon.net\/so\/wp-content\/uploads\/2021\/08\/Uhuru-Kenyatta-scaled-1.jpeg\",\"contentUrl\":\"https:\/\/wardoon.net\/so\/wp-content\/uploads\/2021\/08\/Uhuru-Kenyatta-scaled-1.jpeg\",\"width\":2560,\"height\":1833},{\"@type\":\"BreadcrumbList\",\"@id\":\"https:\/\/wardoon.net\/so\/dhagayso-uhuru-kenyatta-oo-laga-diiday-qorshe-uu-watay\/#breadcrumb\",\"itemListElement\":[{\"@type\":\"ListItem\",\"position\":1,\"name\":\"Home\",\"item\":\"https:\/\/wardoon.net\/so\/\"},{\"@type\":\"ListItem\",\"position\":2,\"name\":\"DHAGAYSO:-Uhuru Kenyatta oo laga diiday qorshe uu watay\"}]},{\"@type\":\"WebSite\",\"@id\":\"https:\/\/wardoon.net\/so\/#website\",\"url\":\"https:\/\/wardoon.net\/so\/\",\"name\":\"Wardoon\",\"description\":\"News Media\",\"potentialAction\":[{\"@type\":\"SearchAction\",\"target\":{\"@type\":\"EntryPoint\",\"urlTemplate\":\"https:\/\/wardoon.net\/so\/?s={search_term_string}\"},\"query-input\":{\"@type\":\"PropertyValueSpecification\",\"valueRequired\":true,\"valueName\":\"search_term_string\"}}],\"inLanguage\":\"en-US\"},{\"@type\":\"Person\",\"@id\":\"https:\/\/wardoon.net\/so\/#\/schema\/person\/f8b1d5296096e3c329f5b915ba044a28\",\"name\":\"admin\",\"image\":{\"@type\":\"ImageObject\",\"inLanguage\":\"en-US\",\"@id\":\"https:\/\/wardoon.net\/so\/#\/schema\/person\/image\/\",\"url\":\"https:\/\/secure.gravatar.com\/avatar\/23bb9e404592c76192c930b0cfbf0010?s=96&d=mm&r=g\",\"contentUrl\":\"https:\/\/secure.gravatar.com\/avatar\/23bb9e404592c76192c930b0cfbf0010?s=96&d=mm&r=g\",\"caption\":\"admin\"},\"url\":\"https:\/\/wardoon.net\/so\/author\/admin\/\"}]}<\/script>\n<!-- \/ Yoast SEO plugin. -->","yoast_head_json":{"title":"DHAGAYSO:-Uhuru Kenyatta oo laga diiday qorshe uu watay - Wardoon","robots":{"index":"index","follow":"follow","max-snippet":"max-snippet:-1","max-image-preview":"max-image-preview:large","max-video-preview":"max-video-preview:-1"},"canonical":"https:\/\/wardoon.net\/so\/dhagayso-uhuru-kenyatta-oo-laga-diiday-qorshe-uu-watay\/","og_locale":"en_US","og_type":"article","og_title":"DHAGAYSO:-Uhuru Kenyatta oo laga diiday qorshe uu watay - Wardoon","og_description":"Maxkamadda Racfaanka Kenya ayaa diiday qorshe ay dowladda ku dooneysay inay isbeddel ku sameyso dastuurka, taasi oo dhabarjab weyn ku ah madaxweyne Uhuru Kenyatta oo billaabay hindisahan muranka badan dhaliyey.\u00a0 Guddi ka kooban toddoba garsoore ayaa ayiday go\u2019aan horey oo ay gaartay maxkamad kale, oo sharci-darro ku tilmaamtay hindisaha, go\u2019aankan oo beddeli doona saaxadda siyaasadda [&hellip;]","og_url":"https:\/\/wardoon.net\/so\/dhagayso-uhuru-kenyatta-oo-laga-diiday-qorshe-uu-watay\/","og_site_name":"Wardoon","article_published_time":"2021-08-21T09:52:51+00:00","og_image":[{"width":2560,"height":1833,"url":"https:\/\/wardoon.net\/so\/wp-content\/uploads\/2021\/08\/Uhuru-Kenyatta-scaled-1.jpeg","type":"image\/jpeg"}],"author":"admin","twitter_card":"summary_large_image","twitter_misc":{"Written by":"admin","Est. reading time":"1 minute"},"schema":{"@context":"https:\/\/schema.org","@graph":[{"@type":"WebPage","@id":"https:\/\/wardoon.net\/so\/dhagayso-uhuru-kenyatta-oo-laga-diiday-qorshe-uu-watay\/","url":"https:\/\/wardoon.net\/so\/dhagayso-uhuru-kenyatta-oo-laga-diiday-qorshe-uu-watay\/","name":"DHAGAYSO:-Uhuru Kenyatta oo laga diiday qorshe uu watay - Wardoon","isPartOf":{"@id":"https:\/\/wardoon.net\/so\/#website"},"primaryImageOfPage":{"@id":"https:\/\/wardoon.net\/so\/dhagayso-uhuru-kenyatta-oo-laga-diiday-qorshe-uu-watay\/#primaryimage"},"image":{"@id":"https:\/\/wardoon.net\/so\/dhagayso-uhuru-kenyatta-oo-laga-diiday-qorshe-uu-watay\/#primaryimage"},"thumbnailUrl":"https:\/\/wardoon.net\/so\/wp-content\/uploads\/2021\/08\/Uhuru-Kenyatta-scaled-1.jpeg","datePublished":"2021-08-21T09:52:51+00:00","author":{"@id":"https:\/\/wardoon.net\/so\/#\/schema\/person\/f8b1d5296096e3c329f5b915ba044a28"},"breadcrumb":{"@id":"https:\/\/wardoon.net\/so\/dhagayso-uhuru-kenyatta-oo-laga-diiday-qorshe-uu-watay\/#breadcrumb"},"inLanguage":"en-US","potentialAction":[{"@type":"ReadAction","target":["https:\/\/wardoon.net\/so\/dhagayso-uhuru-kenyatta-oo-laga-diiday-qorshe-uu-watay\/"]}]},{"@type":"ImageObject","inLanguage":"en-US","@id":"https:\/\/wardoon.net\/so\/dhagayso-uhuru-kenyatta-oo-laga-diiday-qorshe-uu-watay\/#primaryimage","url":"https:\/\/wardoon.net\/so\/wp-content\/uploads\/2021\/08\/Uhuru-Kenyatta-scaled-1.jpeg","contentUrl":"https:\/\/wardoon.net\/so\/wp-content\/uploads\/2021\/08\/Uhuru-Kenyatta-scaled-1.jpeg","width":2560,"height":1833},{"@type":"BreadcrumbList","@id":"https:\/\/wardoon.net\/so\/dhagayso-uhuru-kenyatta-oo-laga-diiday-qorshe-uu-watay\/#breadcrumb","itemListElement":[{"@type":"ListItem","position":1,"name":"Home","item":"https:\/\/wardoon.net\/so\/"},{"@type":"ListItem","position":2,"name":"DHAGAYSO:-Uhuru Kenyatta oo laga diiday qorshe uu watay"}]},{"@type":"WebSite","@id":"https:\/\/wardoon.net\/so\/#website","url":"https:\/\/wardoon.net\/so\/","name":"Wardoon","description":"News Media","potentialAction":[{"@type":"SearchAction","target":{"@type":"EntryPoint","urlTemplate":"https:\/\/wardoon.net\/so\/?s={search_term_string}"},"query-input":{"@type":"PropertyValueSpecification","valueRequired":true,"valueName":"search_term_string"}}],"inLanguage":"en-US"},{"@type":"Person","@id":"https:\/\/wardoon.net\/so\/#\/schema\/person\/f8b1d5296096e3c329f5b915ba044a28","name":"admin","image":{"@type":"ImageObject","inLanguage":"en-US","@id":"https:\/\/wardoon.net\/so\/#\/schema\/person\/image\/","url":"https:\/\/secure.gravatar.com\/avatar\/23bb9e404592c76192c930b0cfbf0010?s=96&d=mm&r=g","contentUrl":"https:\/\/secure.gravatar.com\/avatar\/23bb9e404592c76192c930b0cfbf0010?s=96&d=mm&r=g","caption":"admin"},"url":"https:\/\/wardoon.net\/so\/author\/admin\/"}]}},"_links":{"self":[{"href":"https:\/\/wardoon.net\/so\/wp-json\/wp\/v2\/posts\/161928"}],"collection":[{"href":"https:\/\/wardoon.net\/so\/wp-json\/wp\/v2\/posts"}],"about":[{"href":"https:\/\/wardoon.net\/so\/wp-json\/wp\/v2\/types\/post"}],"author":[{"embeddable":true,"href":"https:\/\/wardoon.net\/so\/wp-json\/wp\/v2\/users\/1"}],"replies":[{"embeddable":true,"href":"https:\/\/wardoon.net\/so\/wp-json\/wp\/v2\/comments?post=161928"}],"version-history":[{"count":1,"href":"https:\/\/wardoon.net\/so\/wp-json\/wp\/v2\/posts\/161928\/revisions"}],"predecessor-version":[{"id":161931,"href":"https:\/\/wardoon.net\/so\/wp-json\/wp\/v2\/posts\/161928\/revisions\/161931"}],"wp:featuredmedia":[{"embeddable":true,"href":"https:\/\/wardoon.net\/so\/wp-json\/wp\/v2\/media\/161929"}],"wp:attachment":[{"href":"https:\/\/wardoon.net\/so\/wp-json\/wp\/v2\/media?parent=161928"}],"wp:term":[{"taxonomy":"category","embeddable":true,"href":"https:\/\/wardoon.net\/so\/wp-json\/wp\/v2\/categories?post=161928"},{"taxonomy":"post_tag","embeddable":true,"href":"https:\/\/wardoon.net\/so\/wp-json\/wp\/v2\/tags?post=161928"}],"curies":[{"name":"wp","href":"https:\/\/api.w.org\/{rel}","templated":true}]}}