{"id":164817,"date":"2021-11-19T12:22:01","date_gmt":"2021-11-19T09:22:01","guid":{"rendered":"http:\/\/wardoon.net\/?p=164817"},"modified":"2021-11-19T12:22:01","modified_gmt":"2021-11-19T09:22:01","slug":"uk-oo-taageertay-soomaaliya-kana-soo-horjeesatay-qorshaha-midowga-afrika","status":"publish","type":"post","link":"https:\/\/wardoon.net\/so\/uk-oo-taageertay-soomaaliya-kana-soo-horjeesatay-qorshaha-midowga-afrika\/","title":{"rendered":"UK oo taageertay Soomaaliya, kana soo horjeesatay qorshaha Midowga Afrika"},"content":{"rendered":"<p><img loading=\"lazy\" decoding=\"async\" class=\"alignnone size-full wp-image-164818\" src=\"http:\/\/wardoon.net\/wp-content\/uploads\/2021\/11\/uk.jpeg\" alt=\"\" width=\"660\" height=\"371\" srcset=\"https:\/\/wardoon.net\/so\/wp-content\/uploads\/2021\/11\/uk.jpeg 660w, https:\/\/wardoon.net\/so\/wp-content\/uploads\/2021\/11\/uk-300x169.jpeg 300w\" sizes=\"(max-width: 660px) 100vw, 660px\" \/><\/p>\n<p class=\"p1\">Dowladda UK ayaa kula safatay dowladda federaalka Soomaaliya inay ka hortimid qorshaha howlgalka AMISOM loogu beddelayo howlgal wadajir ah oo ka kooban QM iyo Midowga Afrika, sida uu dhowaan soo jeediyey Golaha Ammaanka iyo Nabadda Midowga Afrika.<span class=\"Apple-converted-space\">\u00a0<\/span><\/p>\n<p class=\"p2\">Go\u2019aankan ayaa waxaa shaacisay safiirka UK ee QM Barbara Woodward oo shalay khudbad ka jeediyey kulan uu Golaha Ammaanka QM ka yeeshay xaaladda Soomaaliya.<\/p>\n<p class=\"p2\">Barbara Woodward ayaa sheegtay in aragtidooda ay tahay in taageerada amniga ee caalamka uu siiyo Soomaaliya ay noqoto mid la awoodi karo oo suurta-gal ah, ayna taageeraan u gudbidda hanaan amni oo Soomaaliya ay hogaamineyso, taasi oo qeyb ka ah Qorshaha Kala-guurka Soomaaliya (Somalia Transition Plan), marka ay baxaan AMISOM.<\/p>\n<p class=\"p2\">\u201cAragtideenu waxay tahay in hanaanka howlgalka dhinacyada badan ee ka kooban Midowga Afrika iyo QM ee ay soo jeediyeen Golaha Ammaanka iyo Nabadda Midowga Afrika uusan middaas ku guuleysaneyn,\u201d ayey tiri Barbara.<\/p>\n<p class=\"p2\">\u201cWuxuu ka hor-imanaya fikradda horusocdka ah ee u gudbidda mas\u2019uuliyad amni oo si buuxda ay u leeyihiin Soomaalida.\u201d<span class=\"Apple-converted-space\">\u00a0<\/span><\/p>\n<p class=\"p2\">Safiirka UK ayaa sheegtay in heshiis laga gaaro hindisaha Midowga Afrika iyo QM, ayada oo wadatashi lala sameynayo dowladda federaalka, ay ka dhigan tahay in laga gudbo is-mari waaga hadda taagan, lana helo heshiis horey loogu dhaqaaqo.<span class=\"Apple-converted-space\">\u00a0<\/span><\/p>\n<p class=\"p4\">\u201cHindisaha noocan ah wuxuu ka tarjumayaa hadafyada aan wadaagno ee ah inaan ilaalino guulaha lagu soo dhibtooday ee AMISOM ay gaartay balse aan billowno ka gudbidda taageero dibedda ah iyo u gudbidda in Soomaalida ay si buuxda u qaataan mas\u2019uuliyadda amniga, si waafaqsan qaraarkii Golaha Ammaanka ee 2568,\u201d ayey tiri safiirka UK ee QM Barbara Woodward.<span class=\"Apple-converted-space\">\u00a0<\/span><\/p>\n<p class=\"p4\">Safiirka ayaa dhinaca kale sheegtay inay muhiim tahay in Soomaaliya ay soo gaba-gebeyso hanaanka doorasho ee hadda socda, taasi oo ay sheegtay inay muhiim u tahay amniga iyo barwaaqada dalka ee muddada fog.<span class=\"Apple-converted-space\">\u00a0<\/span><\/p>\n<p class=\"p2\">Go\u2019aanka UK ayaa garab weyn u ah dowladda federaalka oo horey ugu gacan seertay in howlgalka AMISOM loo beddelo mid QM iyo Midowga Afrika ah, islamarkaana dalka ka ceyrisay ku-xigeenkii eregyga Midowga Afrika ee Soomaaliya Simon Mulongo, sababo ay arrintan qeyb ka tahay.<span class=\"Apple-converted-space\">\u00a0<\/span><\/p>\n","protected":false},"excerpt":{"rendered":"<p>Dowladda UK ayaa kula safatay dowladda federaalka Soomaaliya inay ka hortimid qorshaha howlgalka AMISOM loogu beddelayo howlgal wadajir ah oo ka kooban QM iyo Midowga Afrika, sida uu dhowaan soo jeediyey Golaha Ammaanka iyo Nabadda Midowga Afrika.\u00a0 Go\u2019aankan ayaa waxaa shaacisay safiirka UK ee QM Barbara Woodward oo shalay khudbad ka jeediyey kulan uu Golaha [&hellip;]<\/p>\n","protected":false},"author":1,"featured_media":164818,"comment_status":"closed","ping_status":"closed","sticky":false,"template":"","format":"standard","meta":{"rop_custom_images_group":[],"rop_custom_messages_group":[],"rop_publish_now":"initial","rop_publish_now_accounts":{"facebook_10221280388112155_325455220908133":""},"rop_publish_now_history":[],"rop_publish_now_status":"pending","footnotes":""},"categories":[3],"tags":[],"class_list":["post-164817","post","type-post","status-publish","format-standard","has-post-thumbnail","hentry","category-somali-news"],"yoast_head":"<!-- This site is optimized with the Yoast SEO plugin v25.6 - https:\/\/yoast.com\/wordpress\/plugins\/seo\/ -->\n<title>UK oo taageertay Soomaaliya, kana soo horjeesatay qorshaha Midowga Afrika - Wardoon<\/title>\n<meta name=\"robots\" content=\"index, follow, max-snippet:-1, max-image-preview:large, max-video-preview:-1\" \/>\n<link rel=\"canonical\" href=\"https:\/\/wardoon.net\/so\/uk-oo-taageertay-soomaaliya-kana-soo-horjeesatay-qorshaha-midowga-afrika\/\" \/>\n<meta property=\"og:locale\" content=\"en_US\" \/>\n<meta property=\"og:type\" content=\"article\" \/>\n<meta property=\"og:title\" content=\"UK oo taageertay Soomaaliya, kana soo horjeesatay qorshaha Midowga Afrika - Wardoon\" \/>\n<meta property=\"og:description\" content=\"Dowladda UK ayaa kula safatay dowladda federaalka Soomaaliya inay ka hortimid qorshaha howlgalka AMISOM loogu beddelayo howlgal wadajir ah oo ka kooban QM iyo Midowga Afrika, sida uu dhowaan soo jeediyey Golaha Ammaanka iyo Nabadda Midowga Afrika.\u00a0 Go\u2019aankan ayaa waxaa shaacisay safiirka UK ee QM Barbara Woodward oo shalay khudbad ka jeediyey kulan uu Golaha [&hellip;]\" \/>\n<meta property=\"og:url\" content=\"https:\/\/wardoon.net\/so\/uk-oo-taageertay-soomaaliya-kana-soo-horjeesatay-qorshaha-midowga-afrika\/\" \/>\n<meta property=\"og:site_name\" content=\"Wardoon\" \/>\n<meta property=\"article:published_time\" content=\"2021-11-19T09:22:01+00:00\" \/>\n<meta property=\"og:image\" content=\"https:\/\/wardoon.net\/so\/wp-content\/uploads\/2021\/11\/uk.jpeg\" \/>\n\t<meta property=\"og:image:width\" content=\"660\" \/>\n\t<meta property=\"og:image:height\" content=\"371\" \/>\n\t<meta property=\"og:image:type\" content=\"image\/jpeg\" \/>\n<meta name=\"author\" content=\"admin\" \/>\n<meta name=\"twitter:card\" content=\"summary_large_image\" \/>\n<meta name=\"twitter:label1\" content=\"Written by\" \/>\n\t<meta name=\"twitter:data1\" content=\"admin\" \/>\n\t<meta name=\"twitter:label2\" content=\"Est. reading time\" \/>\n\t<meta name=\"twitter:data2\" content=\"2 minutes\" \/>\n<script type=\"application\/ld+json\" class=\"yoast-schema-graph\">{\"@context\":\"https:\/\/schema.org\",\"@graph\":[{\"@type\":\"WebPage\",\"@id\":\"https:\/\/wardoon.net\/so\/uk-oo-taageertay-soomaaliya-kana-soo-horjeesatay-qorshaha-midowga-afrika\/\",\"url\":\"https:\/\/wardoon.net\/so\/uk-oo-taageertay-soomaaliya-kana-soo-horjeesatay-qorshaha-midowga-afrika\/\",\"name\":\"UK oo taageertay Soomaaliya, kana soo horjeesatay qorshaha Midowga Afrika - Wardoon\",\"isPartOf\":{\"@id\":\"http:\/\/wardoon.net\/so\/#website\"},\"primaryImageOfPage\":{\"@id\":\"https:\/\/wardoon.net\/so\/uk-oo-taageertay-soomaaliya-kana-soo-horjeesatay-qorshaha-midowga-afrika\/#primaryimage\"},\"image\":{\"@id\":\"https:\/\/wardoon.net\/so\/uk-oo-taageertay-soomaaliya-kana-soo-horjeesatay-qorshaha-midowga-afrika\/#primaryimage\"},\"thumbnailUrl\":\"https:\/\/wardoon.net\/so\/wp-content\/uploads\/2021\/11\/uk.jpeg\",\"datePublished\":\"2021-11-19T09:22:01+00:00\",\"author\":{\"@id\":\"http:\/\/wardoon.net\/so\/#\/schema\/person\/f8b1d5296096e3c329f5b915ba044a28\"},\"breadcrumb\":{\"@id\":\"https:\/\/wardoon.net\/so\/uk-oo-taageertay-soomaaliya-kana-soo-horjeesatay-qorshaha-midowga-afrika\/#breadcrumb\"},\"inLanguage\":\"en-US\",\"potentialAction\":[{\"@type\":\"ReadAction\",\"target\":[\"https:\/\/wardoon.net\/so\/uk-oo-taageertay-soomaaliya-kana-soo-horjeesatay-qorshaha-midowga-afrika\/\"]}]},{\"@type\":\"ImageObject\",\"inLanguage\":\"en-US\",\"@id\":\"https:\/\/wardoon.net\/so\/uk-oo-taageertay-soomaaliya-kana-soo-horjeesatay-qorshaha-midowga-afrika\/#primaryimage\",\"url\":\"https:\/\/wardoon.net\/so\/wp-content\/uploads\/2021\/11\/uk.jpeg\",\"contentUrl\":\"https:\/\/wardoon.net\/so\/wp-content\/uploads\/2021\/11\/uk.jpeg\",\"width\":660,\"height\":371},{\"@type\":\"BreadcrumbList\",\"@id\":\"https:\/\/wardoon.net\/so\/uk-oo-taageertay-soomaaliya-kana-soo-horjeesatay-qorshaha-midowga-afrika\/#breadcrumb\",\"itemListElement\":[{\"@type\":\"ListItem\",\"position\":1,\"name\":\"Home\",\"item\":\"http:\/\/wardoon.net\/so\/\"},{\"@type\":\"ListItem\",\"position\":2,\"name\":\"UK oo taageertay Soomaaliya, kana soo horjeesatay qorshaha Midowga Afrika\"}]},{\"@type\":\"WebSite\",\"@id\":\"http:\/\/wardoon.net\/so\/#website\",\"url\":\"http:\/\/wardoon.net\/so\/\",\"name\":\"Wardoon\",\"description\":\"News Media\",\"potentialAction\":[{\"@type\":\"SearchAction\",\"target\":{\"@type\":\"EntryPoint\",\"urlTemplate\":\"http:\/\/wardoon.net\/so\/?s={search_term_string}\"},\"query-input\":{\"@type\":\"PropertyValueSpecification\",\"valueRequired\":true,\"valueName\":\"search_term_string\"}}],\"inLanguage\":\"en-US\"},{\"@type\":\"Person\",\"@id\":\"http:\/\/wardoon.net\/so\/#\/schema\/person\/f8b1d5296096e3c329f5b915ba044a28\",\"name\":\"admin\",\"image\":{\"@type\":\"ImageObject\",\"inLanguage\":\"en-US\",\"@id\":\"http:\/\/wardoon.net\/so\/#\/schema\/person\/image\/\",\"url\":\"https:\/\/secure.gravatar.com\/avatar\/23bb9e404592c76192c930b0cfbf0010?s=96&d=mm&r=g\",\"contentUrl\":\"https:\/\/secure.gravatar.com\/avatar\/23bb9e404592c76192c930b0cfbf0010?s=96&d=mm&r=g\",\"caption\":\"admin\"},\"url\":\"https:\/\/wardoon.net\/so\/author\/admin\/\"}]}<\/script>\n<!-- \/ Yoast SEO plugin. -->","yoast_head_json":{"title":"UK oo taageertay Soomaaliya, kana soo horjeesatay qorshaha Midowga Afrika - Wardoon","robots":{"index":"index","follow":"follow","max-snippet":"max-snippet:-1","max-image-preview":"max-image-preview:large","max-video-preview":"max-video-preview:-1"},"canonical":"https:\/\/wardoon.net\/so\/uk-oo-taageertay-soomaaliya-kana-soo-horjeesatay-qorshaha-midowga-afrika\/","og_locale":"en_US","og_type":"article","og_title":"UK oo taageertay Soomaaliya, kana soo horjeesatay qorshaha Midowga Afrika - Wardoon","og_description":"Dowladda UK ayaa kula safatay dowladda federaalka Soomaaliya inay ka hortimid qorshaha howlgalka AMISOM loogu beddelayo howlgal wadajir ah oo ka kooban QM iyo Midowga Afrika, sida uu dhowaan soo jeediyey Golaha Ammaanka iyo Nabadda Midowga Afrika.\u00a0 Go\u2019aankan ayaa waxaa shaacisay safiirka UK ee QM Barbara Woodward oo shalay khudbad ka jeediyey kulan uu Golaha [&hellip;]","og_url":"https:\/\/wardoon.net\/so\/uk-oo-taageertay-soomaaliya-kana-soo-horjeesatay-qorshaha-midowga-afrika\/","og_site_name":"Wardoon","article_published_time":"2021-11-19T09:22:01+00:00","og_image":[{"width":660,"height":371,"url":"https:\/\/wardoon.net\/so\/wp-content\/uploads\/2021\/11\/uk.jpeg","type":"image\/jpeg"}],"author":"admin","twitter_card":"summary_large_image","twitter_misc":{"Written by":"admin","Est. reading time":"2 minutes"},"schema":{"@context":"https:\/\/schema.org","@graph":[{"@type":"WebPage","@id":"https:\/\/wardoon.net\/so\/uk-oo-taageertay-soomaaliya-kana-soo-horjeesatay-qorshaha-midowga-afrika\/","url":"https:\/\/wardoon.net\/so\/uk-oo-taageertay-soomaaliya-kana-soo-horjeesatay-qorshaha-midowga-afrika\/","name":"UK oo taageertay Soomaaliya, kana soo horjeesatay qorshaha Midowga Afrika - Wardoon","isPartOf":{"@id":"http:\/\/wardoon.net\/so\/#website"},"primaryImageOfPage":{"@id":"https:\/\/wardoon.net\/so\/uk-oo-taageertay-soomaaliya-kana-soo-horjeesatay-qorshaha-midowga-afrika\/#primaryimage"},"image":{"@id":"https:\/\/wardoon.net\/so\/uk-oo-taageertay-soomaaliya-kana-soo-horjeesatay-qorshaha-midowga-afrika\/#primaryimage"},"thumbnailUrl":"https:\/\/wardoon.net\/so\/wp-content\/uploads\/2021\/11\/uk.jpeg","datePublished":"2021-11-19T09:22:01+00:00","author":{"@id":"http:\/\/wardoon.net\/so\/#\/schema\/person\/f8b1d5296096e3c329f5b915ba044a28"},"breadcrumb":{"@id":"https:\/\/wardoon.net\/so\/uk-oo-taageertay-soomaaliya-kana-soo-horjeesatay-qorshaha-midowga-afrika\/#breadcrumb"},"inLanguage":"en-US","potentialAction":[{"@type":"ReadAction","target":["https:\/\/wardoon.net\/so\/uk-oo-taageertay-soomaaliya-kana-soo-horjeesatay-qorshaha-midowga-afrika\/"]}]},{"@type":"ImageObject","inLanguage":"en-US","@id":"https:\/\/wardoon.net\/so\/uk-oo-taageertay-soomaaliya-kana-soo-horjeesatay-qorshaha-midowga-afrika\/#primaryimage","url":"https:\/\/wardoon.net\/so\/wp-content\/uploads\/2021\/11\/uk.jpeg","contentUrl":"https:\/\/wardoon.net\/so\/wp-content\/uploads\/2021\/11\/uk.jpeg","width":660,"height":371},{"@type":"BreadcrumbList","@id":"https:\/\/wardoon.net\/so\/uk-oo-taageertay-soomaaliya-kana-soo-horjeesatay-qorshaha-midowga-afrika\/#breadcrumb","itemListElement":[{"@type":"ListItem","position":1,"name":"Home","item":"http:\/\/wardoon.net\/so\/"},{"@type":"ListItem","position":2,"name":"UK oo taageertay Soomaaliya, kana soo horjeesatay qorshaha Midowga Afrika"}]},{"@type":"WebSite","@id":"http:\/\/wardoon.net\/so\/#website","url":"http:\/\/wardoon.net\/so\/","name":"Wardoon","description":"News Media","potentialAction":[{"@type":"SearchAction","target":{"@type":"EntryPoint","urlTemplate":"http:\/\/wardoon.net\/so\/?s={search_term_string}"},"query-input":{"@type":"PropertyValueSpecification","valueRequired":true,"valueName":"search_term_string"}}],"inLanguage":"en-US"},{"@type":"Person","@id":"http:\/\/wardoon.net\/so\/#\/schema\/person\/f8b1d5296096e3c329f5b915ba044a28","name":"admin","image":{"@type":"ImageObject","inLanguage":"en-US","@id":"http:\/\/wardoon.net\/so\/#\/schema\/person\/image\/","url":"https:\/\/secure.gravatar.com\/avatar\/23bb9e404592c76192c930b0cfbf0010?s=96&d=mm&r=g","contentUrl":"https:\/\/secure.gravatar.com\/avatar\/23bb9e404592c76192c930b0cfbf0010?s=96&d=mm&r=g","caption":"admin"},"url":"https:\/\/wardoon.net\/so\/author\/admin\/"}]}},"_links":{"self":[{"href":"https:\/\/wardoon.net\/so\/wp-json\/wp\/v2\/posts\/164817"}],"collection":[{"href":"https:\/\/wardoon.net\/so\/wp-json\/wp\/v2\/posts"}],"about":[{"href":"https:\/\/wardoon.net\/so\/wp-json\/wp\/v2\/types\/post"}],"author":[{"embeddable":true,"href":"https:\/\/wardoon.net\/so\/wp-json\/wp\/v2\/users\/1"}],"replies":[{"embeddable":true,"href":"https:\/\/wardoon.net\/so\/wp-json\/wp\/v2\/comments?post=164817"}],"version-history":[{"count":1,"href":"https:\/\/wardoon.net\/so\/wp-json\/wp\/v2\/posts\/164817\/revisions"}],"predecessor-version":[{"id":164819,"href":"https:\/\/wardoon.net\/so\/wp-json\/wp\/v2\/posts\/164817\/revisions\/164819"}],"wp:featuredmedia":[{"embeddable":true,"href":"https:\/\/wardoon.net\/so\/wp-json\/wp\/v2\/media\/164818"}],"wp:attachment":[{"href":"https:\/\/wardoon.net\/so\/wp-json\/wp\/v2\/media?parent=164817"}],"wp:term":[{"taxonomy":"category","embeddable":true,"href":"https:\/\/wardoon.net\/so\/wp-json\/wp\/v2\/categories?post=164817"},{"taxonomy":"post_tag","embeddable":true,"href":"https:\/\/wardoon.net\/so\/wp-json\/wp\/v2\/tags?post=164817"}],"curies":[{"name":"wp","href":"https:\/\/api.w.org\/{rel}","templated":true}]}}