{"id":172694,"date":"2022-08-30T11:43:50","date_gmt":"2022-08-30T08:43:50","guid":{"rendered":"http:\/\/wardoon.net\/so\/?p=172694"},"modified":"2022-08-30T11:43:50","modified_gmt":"2022-08-30T08:43:50","slug":"uk-oo-lacag-ku-bixinaya-in-ay-tahriibayaasha-si-nabad-ah-kusoo-galaan","status":"publish","type":"post","link":"https:\/\/wardoon.net\/so\/uk-oo-lacag-ku-bixinaya-in-ay-tahriibayaasha-si-nabad-ah-kusoo-galaan\/","title":{"rendered":"Uk oo lacag ku bixinaya in ay tahriibayaasha si nabad ah kusoo galaan"},"content":{"rendered":"<div class=\"bbc-19j92fr ebmt73l0\" dir=\"ltr\">\n<p class=\"bbc-1y32vyc e17g058b0\" dir=\"ltr\"><img loading=\"lazy\" decoding=\"async\" class=\"alignnone size-full wp-image-172695\" src=\"http:\/\/wardoon.net\/so\/wp-content\/uploads\/2022\/08\/92704474_036526336.jpeg\" alt=\"\" width=\"660\" height=\"371\" srcset=\"https:\/\/wardoon.net\/so\/wp-content\/uploads\/2022\/08\/92704474_036526336.jpeg 660w, https:\/\/wardoon.net\/so\/wp-content\/uploads\/2022\/08\/92704474_036526336-300x169.jpeg 300w\" sizes=\"(max-width: 660px) 100vw, 660px\" \/><\/p>\n<p class=\"bbc-1y32vyc e17g058b0\" dir=\"ltr\">Dowladda UK ayaa shirkad qandaraasyada ka shaqeysa u kireysatay si ugu soo tallaabiso dadka tahriibeyaasha ah ee isku dayaya in ay doomaha uga soo gudbaan badda English Channel.<\/p>\n<\/div>\n<div class=\"bbc-19j92fr ebmt73l0\" dir=\"ltr\">\n<p class=\"bbc-1y32vyc e17g058b0\" dir=\"ltr\">Muddo lix bil ah ayay shirkaddaas dowladda u qaban doontaa shaqadan oo lagu siinayo lacag dhan labo milyan oo gini.<\/p>\n<\/div>\n<div class=\"bbc-19j92fr ebmt73l0\" dir=\"ltr\">\n<p class=\"bbc-1y32vyc e17g058b0\" dir=\"ltr\">Warka ku saabsan heshiiskan waxaa shaaciyay wargayska Guardian, balse faahfaahinta ayaa lagu daabacay bogga rasmiga ah ee dowladda UK.<\/p>\n<\/div>\n<div class=\"bbc-19j92fr ebmt73l0\" dir=\"ltr\">\n<p class=\"bbc-1y32vyc e17g058b0\" dir=\"ltr\">Waxaa lasoo tebiyay in wasaaradda Arrimaha Gudaha ay tallaabadan qaadday kaddib markii ay soo baxeen xiisado la xiriira in ciidamada badda ay xilli kasta ku khasbanaadaan inay soo badbaadiyaan tahriibeyaasha doomaha saaran.<\/p>\n<div class=\"bbc-19j92fr ebmt73l0\" dir=\"ltr\">\n<p class=\"bbc-1y32vyc e17g058b0\" dir=\"ltr\">Sida ku xusan qandaraaska faahfaahintiisa lagu soo bandhigay bogga internet-ka ee dowladda UK, saddex markab oo ay leedahay shirkadda Aeolian ayaa kormeer ka samayn doona biyaha, mid walbana waxa uu shaqayn doonaa 12 saacadood.<\/p>\n<\/div>\n<div class=\"bbc-19j92fr ebmt73l0\" dir=\"ltr\">\n<p class=\"bbc-1y32vyc e17g058b0\" dir=\"ltr\">Shaqada maraakiibtaas ayaa ah in ay raadiyaan doomaha tahriibeyaasha marka ay arkaan ama lagu soo wargeliyana ay kasoo kaxayn doonaan dadka, si ay u geeyaan gudaha UK.<\/p>\n<\/div>\n<div class=\"bbc-19j92fr ebmt73l0\" dir=\"ltr\">\n<p class=\"bbc-1y32vyc e17g058b0\" dir=\"ltr\">Doomaha loogu safro baddaas, oo sida caadiga ah loogu talagalay inay qaadaan 12 ruux oo rakaab ah iyo 3 shaqaale ah ayaa mararka qaar lasoo saaraa ilaa 100 qof oo tahriibeyaal ah.<\/p>\n<p class=\"bbc-1y32vyc e17g058b0\" dir=\"ltr\">Dadka ay maraakiibta soo badbaadiyaan ayaa la geyn doonaa xarumaha lagu qaabilo dadka soo galootiga ah ee dekedda Dover.<\/p>\n<\/div>\n<div class=\"bbc-19j92fr ebmt73l0\" dir=\"ltr\">\n<p class=\"bbc-1y32vyc e17g058b0\" dir=\"ltr\">Afhayeen u hadlay shirkadda ayaa sheegay in ay tababarayaan shaqaale xirfado gaar ah la barayo, isla markaana ay diyaarinayaan doomo qaadi kara 100 qof, 12 ciidanka ilaalada xeebta ah iyo saddex shaqaalaha doonta ah.<\/p>\n<\/div>\n<div class=\"bbc-19j92fr ebmt73l0\" dir=\"ltr\">\n<p class=\"bbc-1y32vyc e17g058b0\" dir=\"ltr\">Inkastoo dowladda UK ay ku dhawaaqday inay dadka magangalyo-doonka ah u direyso waddanka Rwanda, haddana waxaa bilihii lasoo dhaafay si aad ah u sii kordhay tirada dadka ka gudbaya badda English Channel.<\/p>\n<\/div>\n<div class=\"bbc-19j92fr ebmt73l0\" dir=\"ltr\">\n<p class=\"bbc-1y32vyc e17g058b0\" dir=\"ltr\">Diyaarad qaadi rabtay 7 qof oo noqon lahaa soo-galootigii ugu horreeyay ee loo qaado Rwanda ayaa la baajiyay daqiiqaddii ugu dambaysay kaddib markii ay go\u2019aan lagu joojinayo soo saartay Maxkamadda Xuquuqda Aadanaha ee Yurub.<\/p>\n<p class=\"bbc-1y32vyc e17g058b0\" dir=\"ltr\">Sida ay muujiyeen tirakoobyada laga soo xigtay Wasaaradda Gaashaandhigga UK, bishii July oo keliya waxaa UK u gudbay 3,683 qof oo ka tagay Faransiiska, kuwaasoo dhammaantood ka tallaabay biyaha English Channel.<\/p>\n<\/div>\n<div class=\"bbc-19j92fr ebmt73l0\" dir=\"ltr\">\n<p class=\"bbc-1y32vyc e17g058b0\" dir=\"ltr\">Tan iyo billowgii sanadkan, tirada tahriibeyaasha ayaa gaartay 17,000 oo qof.<\/p>\n<\/div>\n<div class=\"bbc-19j92fr ebmt73l0\" dir=\"ltr\">\n<p class=\"bbc-1y32vyc e17g058b0\" dir=\"ltr\">Saraakiisha Wasaaradda Arrimaha Gudaha ayaa aaminsan in tiradan ay gaari karto ilaa 60,000 dabayaaqada sanadka, waana labanlaabka tiradii sanadkii hore.<\/p>\n<\/div>\n<div class=\"bbc-19j92fr ebmt73l0\" dir=\"ltr\">\n<p class=\"bbc-1y32vyc e17g058b0\" dir=\"ltr\">Badda English Channel waa mid ka mid ah marinnada ugu halista badan caalamka, waxaana si joogto ah uga dhaca shilal dhimasho badan sababa.<\/p>\n<\/div>\n<div class=\"bbc-19j92fr ebmt73l0\" dir=\"ltr\">\n<p class=\"bbc-1y32vyc e17g058b0\" dir=\"ltr\">Bishii November ee sanadkii 2021, 30 qof oo saarnaa doon wadday 32 ruux ayaa ku dhintay biyahan, waxayna taasi noqotay tiradii ugu badnayd ee hal shil ku dhintay.<\/p>\n<p dir=\"ltr\"><strong>Source- Bbc<\/strong><\/p>\n<\/div>\n<\/div>\n","protected":false},"excerpt":{"rendered":"<p>Dowladda UK ayaa shirkad qandaraasyada ka shaqeysa u kireysatay si ugu soo tallaabiso dadka tahriibeyaasha ah ee isku dayaya in ay doomaha uga soo gudbaan badda English Channel. Muddo lix bil ah ayay shirkaddaas dowladda u qaban doontaa shaqadan oo lagu siinayo lacag dhan labo milyan oo gini. Warka ku saabsan heshiiskan waxaa shaaciyay wargayska [&hellip;]<\/p>\n","protected":false},"author":1,"featured_media":172695,"comment_status":"closed","ping_status":"closed","sticky":false,"template":"","format":"standard","meta":{"rop_custom_images_group":[],"rop_custom_messages_group":[],"rop_publish_now":"initial","rop_publish_now_accounts":{"facebook_10221280388112155_325455220908133":""},"rop_publish_now_history":[],"rop_publish_now_status":"pending","footnotes":""},"categories":[3],"tags":[],"class_list":["post-172694","post","type-post","status-publish","format-standard","has-post-thumbnail","hentry","category-somali-news"],"yoast_head":"<!-- This site is optimized with the Yoast SEO plugin v25.6 - https:\/\/yoast.com\/wordpress\/plugins\/seo\/ -->\n<title>Uk oo lacag ku bixinaya in ay tahriibayaasha si nabad ah kusoo galaan - Wardoon<\/title>\n<meta name=\"robots\" content=\"index, follow, max-snippet:-1, max-image-preview:large, max-video-preview:-1\" \/>\n<link rel=\"canonical\" href=\"https:\/\/wardoon.net\/so\/uk-oo-lacag-ku-bixinaya-in-ay-tahriibayaasha-si-nabad-ah-kusoo-galaan\/\" \/>\n<meta property=\"og:locale\" content=\"en_US\" \/>\n<meta property=\"og:type\" content=\"article\" \/>\n<meta property=\"og:title\" content=\"Uk oo lacag ku bixinaya in ay tahriibayaasha si nabad ah kusoo galaan - Wardoon\" \/>\n<meta property=\"og:description\" content=\"Dowladda UK ayaa shirkad qandaraasyada ka shaqeysa u kireysatay si ugu soo tallaabiso dadka tahriibeyaasha ah ee isku dayaya in ay doomaha uga soo gudbaan badda English Channel. Muddo lix bil ah ayay shirkaddaas dowladda u qaban doontaa shaqadan oo lagu siinayo lacag dhan labo milyan oo gini. Warka ku saabsan heshiiskan waxaa shaaciyay wargayska [&hellip;]\" \/>\n<meta property=\"og:url\" content=\"https:\/\/wardoon.net\/so\/uk-oo-lacag-ku-bixinaya-in-ay-tahriibayaasha-si-nabad-ah-kusoo-galaan\/\" \/>\n<meta property=\"og:site_name\" content=\"Wardoon\" \/>\n<meta property=\"article:published_time\" content=\"2022-08-30T08:43:50+00:00\" \/>\n<meta property=\"og:image\" content=\"https:\/\/wardoon.net\/so\/wp-content\/uploads\/2022\/08\/92704474_036526336.jpeg\" \/>\n\t<meta property=\"og:image:width\" content=\"660\" \/>\n\t<meta property=\"og:image:height\" content=\"371\" \/>\n\t<meta property=\"og:image:type\" content=\"image\/jpeg\" \/>\n<meta name=\"author\" content=\"admin\" \/>\n<meta name=\"twitter:card\" content=\"summary_large_image\" \/>\n<meta name=\"twitter:label1\" content=\"Written by\" \/>\n\t<meta name=\"twitter:data1\" content=\"admin\" \/>\n\t<meta name=\"twitter:label2\" content=\"Est. reading time\" \/>\n\t<meta name=\"twitter:data2\" content=\"2 minutes\" \/>\n<script type=\"application\/ld+json\" class=\"yoast-schema-graph\">{\"@context\":\"https:\/\/schema.org\",\"@graph\":[{\"@type\":\"WebPage\",\"@id\":\"https:\/\/wardoon.net\/so\/uk-oo-lacag-ku-bixinaya-in-ay-tahriibayaasha-si-nabad-ah-kusoo-galaan\/\",\"url\":\"https:\/\/wardoon.net\/so\/uk-oo-lacag-ku-bixinaya-in-ay-tahriibayaasha-si-nabad-ah-kusoo-galaan\/\",\"name\":\"Uk oo lacag ku bixinaya in ay tahriibayaasha si nabad ah kusoo galaan - Wardoon\",\"isPartOf\":{\"@id\":\"https:\/\/wardoon.net\/so\/#website\"},\"primaryImageOfPage\":{\"@id\":\"https:\/\/wardoon.net\/so\/uk-oo-lacag-ku-bixinaya-in-ay-tahriibayaasha-si-nabad-ah-kusoo-galaan\/#primaryimage\"},\"image\":{\"@id\":\"https:\/\/wardoon.net\/so\/uk-oo-lacag-ku-bixinaya-in-ay-tahriibayaasha-si-nabad-ah-kusoo-galaan\/#primaryimage\"},\"thumbnailUrl\":\"https:\/\/wardoon.net\/so\/wp-content\/uploads\/2022\/08\/92704474_036526336.jpeg\",\"datePublished\":\"2022-08-30T08:43:50+00:00\",\"author\":{\"@id\":\"https:\/\/wardoon.net\/so\/#\/schema\/person\/f8b1d5296096e3c329f5b915ba044a28\"},\"breadcrumb\":{\"@id\":\"https:\/\/wardoon.net\/so\/uk-oo-lacag-ku-bixinaya-in-ay-tahriibayaasha-si-nabad-ah-kusoo-galaan\/#breadcrumb\"},\"inLanguage\":\"en-US\",\"potentialAction\":[{\"@type\":\"ReadAction\",\"target\":[\"https:\/\/wardoon.net\/so\/uk-oo-lacag-ku-bixinaya-in-ay-tahriibayaasha-si-nabad-ah-kusoo-galaan\/\"]}]},{\"@type\":\"ImageObject\",\"inLanguage\":\"en-US\",\"@id\":\"https:\/\/wardoon.net\/so\/uk-oo-lacag-ku-bixinaya-in-ay-tahriibayaasha-si-nabad-ah-kusoo-galaan\/#primaryimage\",\"url\":\"https:\/\/wardoon.net\/so\/wp-content\/uploads\/2022\/08\/92704474_036526336.jpeg\",\"contentUrl\":\"https:\/\/wardoon.net\/so\/wp-content\/uploads\/2022\/08\/92704474_036526336.jpeg\",\"width\":660,\"height\":371},{\"@type\":\"BreadcrumbList\",\"@id\":\"https:\/\/wardoon.net\/so\/uk-oo-lacag-ku-bixinaya-in-ay-tahriibayaasha-si-nabad-ah-kusoo-galaan\/#breadcrumb\",\"itemListElement\":[{\"@type\":\"ListItem\",\"position\":1,\"name\":\"Home\",\"item\":\"https:\/\/wardoon.net\/so\/\"},{\"@type\":\"ListItem\",\"position\":2,\"name\":\"Uk oo lacag ku bixinaya in ay tahriibayaasha si nabad ah kusoo galaan\"}]},{\"@type\":\"WebSite\",\"@id\":\"https:\/\/wardoon.net\/so\/#website\",\"url\":\"https:\/\/wardoon.net\/so\/\",\"name\":\"Wardoon\",\"description\":\"News Media\",\"potentialAction\":[{\"@type\":\"SearchAction\",\"target\":{\"@type\":\"EntryPoint\",\"urlTemplate\":\"https:\/\/wardoon.net\/so\/?s={search_term_string}\"},\"query-input\":{\"@type\":\"PropertyValueSpecification\",\"valueRequired\":true,\"valueName\":\"search_term_string\"}}],\"inLanguage\":\"en-US\"},{\"@type\":\"Person\",\"@id\":\"https:\/\/wardoon.net\/so\/#\/schema\/person\/f8b1d5296096e3c329f5b915ba044a28\",\"name\":\"admin\",\"image\":{\"@type\":\"ImageObject\",\"inLanguage\":\"en-US\",\"@id\":\"https:\/\/wardoon.net\/so\/#\/schema\/person\/image\/\",\"url\":\"https:\/\/secure.gravatar.com\/avatar\/23bb9e404592c76192c930b0cfbf0010?s=96&d=mm&r=g\",\"contentUrl\":\"https:\/\/secure.gravatar.com\/avatar\/23bb9e404592c76192c930b0cfbf0010?s=96&d=mm&r=g\",\"caption\":\"admin\"},\"url\":\"https:\/\/wardoon.net\/so\/author\/admin\/\"}]}<\/script>\n<!-- \/ Yoast SEO plugin. -->","yoast_head_json":{"title":"Uk oo lacag ku bixinaya in ay tahriibayaasha si nabad ah kusoo galaan - Wardoon","robots":{"index":"index","follow":"follow","max-snippet":"max-snippet:-1","max-image-preview":"max-image-preview:large","max-video-preview":"max-video-preview:-1"},"canonical":"https:\/\/wardoon.net\/so\/uk-oo-lacag-ku-bixinaya-in-ay-tahriibayaasha-si-nabad-ah-kusoo-galaan\/","og_locale":"en_US","og_type":"article","og_title":"Uk oo lacag ku bixinaya in ay tahriibayaasha si nabad ah kusoo galaan - Wardoon","og_description":"Dowladda UK ayaa shirkad qandaraasyada ka shaqeysa u kireysatay si ugu soo tallaabiso dadka tahriibeyaasha ah ee isku dayaya in ay doomaha uga soo gudbaan badda English Channel. Muddo lix bil ah ayay shirkaddaas dowladda u qaban doontaa shaqadan oo lagu siinayo lacag dhan labo milyan oo gini. Warka ku saabsan heshiiskan waxaa shaaciyay wargayska [&hellip;]","og_url":"https:\/\/wardoon.net\/so\/uk-oo-lacag-ku-bixinaya-in-ay-tahriibayaasha-si-nabad-ah-kusoo-galaan\/","og_site_name":"Wardoon","article_published_time":"2022-08-30T08:43:50+00:00","og_image":[{"width":660,"height":371,"url":"https:\/\/wardoon.net\/so\/wp-content\/uploads\/2022\/08\/92704474_036526336.jpeg","type":"image\/jpeg"}],"author":"admin","twitter_card":"summary_large_image","twitter_misc":{"Written by":"admin","Est. reading time":"2 minutes"},"schema":{"@context":"https:\/\/schema.org","@graph":[{"@type":"WebPage","@id":"https:\/\/wardoon.net\/so\/uk-oo-lacag-ku-bixinaya-in-ay-tahriibayaasha-si-nabad-ah-kusoo-galaan\/","url":"https:\/\/wardoon.net\/so\/uk-oo-lacag-ku-bixinaya-in-ay-tahriibayaasha-si-nabad-ah-kusoo-galaan\/","name":"Uk oo lacag ku bixinaya in ay tahriibayaasha si nabad ah kusoo galaan - Wardoon","isPartOf":{"@id":"https:\/\/wardoon.net\/so\/#website"},"primaryImageOfPage":{"@id":"https:\/\/wardoon.net\/so\/uk-oo-lacag-ku-bixinaya-in-ay-tahriibayaasha-si-nabad-ah-kusoo-galaan\/#primaryimage"},"image":{"@id":"https:\/\/wardoon.net\/so\/uk-oo-lacag-ku-bixinaya-in-ay-tahriibayaasha-si-nabad-ah-kusoo-galaan\/#primaryimage"},"thumbnailUrl":"https:\/\/wardoon.net\/so\/wp-content\/uploads\/2022\/08\/92704474_036526336.jpeg","datePublished":"2022-08-30T08:43:50+00:00","author":{"@id":"https:\/\/wardoon.net\/so\/#\/schema\/person\/f8b1d5296096e3c329f5b915ba044a28"},"breadcrumb":{"@id":"https:\/\/wardoon.net\/so\/uk-oo-lacag-ku-bixinaya-in-ay-tahriibayaasha-si-nabad-ah-kusoo-galaan\/#breadcrumb"},"inLanguage":"en-US","potentialAction":[{"@type":"ReadAction","target":["https:\/\/wardoon.net\/so\/uk-oo-lacag-ku-bixinaya-in-ay-tahriibayaasha-si-nabad-ah-kusoo-galaan\/"]}]},{"@type":"ImageObject","inLanguage":"en-US","@id":"https:\/\/wardoon.net\/so\/uk-oo-lacag-ku-bixinaya-in-ay-tahriibayaasha-si-nabad-ah-kusoo-galaan\/#primaryimage","url":"https:\/\/wardoon.net\/so\/wp-content\/uploads\/2022\/08\/92704474_036526336.jpeg","contentUrl":"https:\/\/wardoon.net\/so\/wp-content\/uploads\/2022\/08\/92704474_036526336.jpeg","width":660,"height":371},{"@type":"BreadcrumbList","@id":"https:\/\/wardoon.net\/so\/uk-oo-lacag-ku-bixinaya-in-ay-tahriibayaasha-si-nabad-ah-kusoo-galaan\/#breadcrumb","itemListElement":[{"@type":"ListItem","position":1,"name":"Home","item":"https:\/\/wardoon.net\/so\/"},{"@type":"ListItem","position":2,"name":"Uk oo lacag ku bixinaya in ay tahriibayaasha si nabad ah kusoo galaan"}]},{"@type":"WebSite","@id":"https:\/\/wardoon.net\/so\/#website","url":"https:\/\/wardoon.net\/so\/","name":"Wardoon","description":"News Media","potentialAction":[{"@type":"SearchAction","target":{"@type":"EntryPoint","urlTemplate":"https:\/\/wardoon.net\/so\/?s={search_term_string}"},"query-input":{"@type":"PropertyValueSpecification","valueRequired":true,"valueName":"search_term_string"}}],"inLanguage":"en-US"},{"@type":"Person","@id":"https:\/\/wardoon.net\/so\/#\/schema\/person\/f8b1d5296096e3c329f5b915ba044a28","name":"admin","image":{"@type":"ImageObject","inLanguage":"en-US","@id":"https:\/\/wardoon.net\/so\/#\/schema\/person\/image\/","url":"https:\/\/secure.gravatar.com\/avatar\/23bb9e404592c76192c930b0cfbf0010?s=96&d=mm&r=g","contentUrl":"https:\/\/secure.gravatar.com\/avatar\/23bb9e404592c76192c930b0cfbf0010?s=96&d=mm&r=g","caption":"admin"},"url":"https:\/\/wardoon.net\/so\/author\/admin\/"}]}},"_links":{"self":[{"href":"https:\/\/wardoon.net\/so\/wp-json\/wp\/v2\/posts\/172694"}],"collection":[{"href":"https:\/\/wardoon.net\/so\/wp-json\/wp\/v2\/posts"}],"about":[{"href":"https:\/\/wardoon.net\/so\/wp-json\/wp\/v2\/types\/post"}],"author":[{"embeddable":true,"href":"https:\/\/wardoon.net\/so\/wp-json\/wp\/v2\/users\/1"}],"replies":[{"embeddable":true,"href":"https:\/\/wardoon.net\/so\/wp-json\/wp\/v2\/comments?post=172694"}],"version-history":[{"count":1,"href":"https:\/\/wardoon.net\/so\/wp-json\/wp\/v2\/posts\/172694\/revisions"}],"predecessor-version":[{"id":172696,"href":"https:\/\/wardoon.net\/so\/wp-json\/wp\/v2\/posts\/172694\/revisions\/172696"}],"wp:featuredmedia":[{"embeddable":true,"href":"https:\/\/wardoon.net\/so\/wp-json\/wp\/v2\/media\/172695"}],"wp:attachment":[{"href":"https:\/\/wardoon.net\/so\/wp-json\/wp\/v2\/media?parent=172694"}],"wp:term":[{"taxonomy":"category","embeddable":true,"href":"https:\/\/wardoon.net\/so\/wp-json\/wp\/v2\/categories?post=172694"},{"taxonomy":"post_tag","embeddable":true,"href":"https:\/\/wardoon.net\/so\/wp-json\/wp\/v2\/tags?post=172694"}],"curies":[{"name":"wp","href":"https:\/\/api.w.org\/{rel}","templated":true}]}}