{"id":180597,"date":"2024-04-19T19:52:32","date_gmt":"2024-04-19T16:52:32","guid":{"rendered":"http:\/\/wardoon.net\/so\/?p=180597"},"modified":"2024-04-20T11:37:58","modified_gmt":"2024-04-20T08:37:58","slug":"muqdisho-oo-laga-cabsi-qabo-inay-gacan-ka-hadal-ah-uu-dhaco","status":"publish","type":"post","link":"https:\/\/wardoon.net\/so\/muqdisho-oo-laga-cabsi-qabo-inay-gacan-ka-hadal-ah-uu-dhaco\/","title":{"rendered":"Muqdisho oo laga cabsi qabo inay gacan ka hadal ah uu dhaco"},"content":{"rendered":"<p><img loading=\"lazy\" decoding=\"async\" class=\"alignnone size-full wp-image-180598\" src=\"http:\/\/wardoon.net\/so\/wp-content\/uploads\/2024\/04\/unnamed-10.jpeg\" alt=\"\" width=\"960\" height=\"640\" srcset=\"https:\/\/wardoon.net\/so\/wp-content\/uploads\/2024\/04\/unnamed-10.jpeg 960w, https:\/\/wardoon.net\/so\/wp-content\/uploads\/2024\/04\/unnamed-10-300x200.jpeg 300w, https:\/\/wardoon.net\/so\/wp-content\/uploads\/2024\/04\/unnamed-10-768x512.jpeg 768w, https:\/\/wardoon.net\/so\/wp-content\/uploads\/2024\/04\/unnamed-10-696x464.jpeg 696w, https:\/\/wardoon.net\/so\/wp-content\/uploads\/2024\/04\/unnamed-10-630x420.jpeg 630w\" sizes=\"(max-width: 960px) 100vw, 960px\" \/><\/p>\n<p>Waxaa saacadihii u dambeeyay soo xoogeysanaysay xiisadda ka taagan dhulka xarunta Dab-demiska ee magaalada Muqdisho oo ay dowladda amartay in laga guuro.<\/p>\n<p>Dadka degan dhulkaasi ayaa qaarkood waxay si adag uga horyimaadeen amarka guurista, ayaga oo dowladda ku eedeeyay inay dhulkaas u gacan galineyso shaqsiyaad gaar ah, waxaana socda abaabul looga hortegayo in Booliska uu qasab ku raro dadka shacabka maalinta Sabtida ah oo uu ku eg\u2019yahay mudada loo qabtay inay uga guuraaan dhulkaasi.<\/p>\n<p>Dowladda ayaa ku doodeysa in dhulkaas oo markii hore uu lahaa Booliska Soomaaliyeed loo baahday, islamarkaana laga dhisayo xarun Dab-demis oo casri ah, balse dadka qaar ayaa muujinaya tuhunka in shaqsiyaad gaar ah loo gacan gelinayo dhulkaasi.<\/p>\n<p>Xildhibaan Cabdiraxmaan Cabdishakuur Warsame oo ka hadlay xiisaddan ayaa sheegay in lagama maarman tahay in shacabka loo xaqiijiyo in dan-guud lagu qabanayo oo aan dad gaar ah laga iibinaynin dhulkaasi, sida dhacday dhulalka la deriska ee hawlaha guud iyo xanaannada xoolaha ee la siiyey, qaarna qiimo jaban looga iibiyey shakhsiyaad madaxtooyada gacansaar la leh.<\/p>\n<p>\u201cWaxaa kaloo la xusuustaa in dad danyar ah laga kiciyey dhulka jayga loo bixiyey ee u dhow garoonka diyaaradaha, iyadoo la sheegay in dan guud lagu qabanayo, laakiin taa beddelkeeda siyaasiyiin, saraakiil iyo ganacsato loo qaybiyey. Ugu yaraan dadkii laga kiciyey dhul kale ayey xiligaas dawladdu siisay,\u201d ayuu Xildhibaanka ku yiri qoraal uu soo saaray maanta.<\/p>\n<p><strong>Hoos ka aqriso qoraalka<\/strong><\/p>\n<p>Dhulka danta guud waa hanti qaran oo ay dowladdu leedahay. Hantidaa qaarkeed waxaa deggan dad danyar ah, qaar waa burbursanyihiin, qaar kalana dowladda ayaa iibisay iyadoo aan u marin hab sharci ah.<\/p>\n<p>Iibinta dhulka dowladda wuxuu leeyahay marin sharci ah oo loo maro oo ka bilaabata in la caddeeyo in wasaaraddii, hay\u2019addii ama wakaaladdii lahayd ay ka maarantay, islamarkaana aysan jirin mid kale oo dawladda ah oo u baahan, in wasaaradda maaliyadda ay qiimayso dhulka, ka dibna tartan furan ku iibgayso, lacagta lagu iibiyana ay koontada dawladda ku dhacdo, ka dibna hanti dhowrka uu ka saaro diiwanka hantida qaranka.<\/p>\n<p>Inta la ogyahay qofkii ay Madaxtooyada rabto ayaa qiimihii la doono looga iibiyaa, wasaarada maaliyada ma qiimayso, mana iibiso, lacagtana koontada dawladda kuma dhacdo, diiwanka hantida qarankana lagama saaro.<\/p>\n<p>Dadka shacabka ee ka cabanaya in xoog looga saarayo xarunta Dab-demiska, iyadoo la sheegay in ay dawladda u baahan tahay, waxaa lagama maarmaan ah in loo xaaqijiyo in dan guud lagu qabanayo oo aan dad gaar ah laga iibinaynin, sida dhacday dhulalka la deriska ee Hawlaha Guud iyo Xanaannada Xoolaha ee la siiyey, qaarna qiimo jaban looga iibiyey shakhsiyaad madaxtooyada gacansaar la leh.<\/p>\n<p>Waxaa kaloo la xusuustaa in dad danyar ah laga kiciyey dhulka jayga loo bixiyey ee u dhow garoonka diyaaradaha, iyadoo la sheegay in dan guud lagu qabanayo, laakiin taa beddelkeeda siyaasiyiin, saraakiil iyo ganacsato loo qaybiyey. Ugu yaraan dadkii laga kiciyey dhul kale ayey xiligaas dawladdu siisay.<\/p>\n<p>Waxaa haddaba lagama maarmaan ah in laga dhaadhiciyo waxay kaga duwan yihiin dadka la midka ah ee dhulkii dawladda ee ay deganaayeen laga iibiyey iyo sababta ay dawladdu dhulalka kale ee danyarta la midka ah deggan yihiin looga saaraynin.<\/p>\n<p>Waxaa iyaga laga yeelaynin in ay hanti dawladeed haystaan iyo in ay qabiil eed saaran oo dhiilo aan meesha oolin abuuraan, bulsho aan eed lahayna dusha ka saaraan ama ay madaxda dawladda aflagaadeeyaan.<\/p>\n<p>Waxaan u soo jeedinayaa madaxda dawladda in ay la yimaadaan dhaqan lagu aamino, siyaasad mid ah oo ku aaddan dhulka dawladda ee ay dadka danyarta ahi deggan yihiin, marin sharci ah u maraan dhulka danta guud ee la iibinayo, wadahadal iyo waanwaanna lagu dhammeeyo ismaandhaafka ka tagaan Dab-demiska. Waxaan diyaar ula nahay in aan gacan ka siino arrinkaas.<\/p>\n<p><iframe loading=\"lazy\" style=\"border: none; overflow: hidden;\" src=\"https:\/\/www.facebook.com\/plugins\/video.php?height=314&amp;href=https%3A%2F%2Fwww.facebook.com%2Fsmssomalitv%2Fvideos%2F405713355747136%2F&amp;show_text=false&amp;width=560&amp;t=0\" width=\"560\" height=\"314\" frameborder=\"0\" scrolling=\"no\" allowfullscreen=\"allowfullscreen\"><\/iframe><br \/>\n<iframe loading=\"lazy\" style=\"border: none; overflow: hidden;\" src=\"https:\/\/www.facebook.com\/plugins\/video.php?height=314&amp;href=https%3A%2F%2Fwww.facebook.com%2Fshabelletv%2Fvideos%2F1883146698781331%2F&amp;show_text=false&amp;width=560&amp;t=0\" width=\"560\" height=\"314\" frameborder=\"0\" scrolling=\"no\" allowfullscreen=\"allowfullscreen\"><\/iframe><\/p>\n","protected":false},"excerpt":{"rendered":"<p>Waxaa saacadihii u dambeeyay soo xoogeysanaysay xiisadda ka taagan dhulka xarunta Dab-demiska ee magaalada Muqdisho oo ay dowladda amartay in laga guuro. Dadka degan dhulkaasi ayaa qaarkood waxay si adag uga horyimaadeen amarka guurista, ayaga oo dowladda ku eedeeyay inay dhulkaas u gacan galineyso shaqsiyaad gaar ah, waxaana socda abaabul looga hortegayo in Booliska uu [&hellip;]<\/p>\n","protected":false},"author":1,"featured_media":180598,"comment_status":"closed","ping_status":"closed","sticky":false,"template":"","format":"standard","meta":{"rop_custom_images_group":[],"rop_custom_messages_group":[],"rop_publish_now":"yes","rop_publish_now_accounts":{"facebook_10221280388112155_325455220908133":"","twitter_917774835383787521_917774835383787521":""},"rop_publish_now_history":[],"rop_publish_now_status":"pending","footnotes":""},"categories":[3],"tags":[],"class_list":["post-180597","post","type-post","status-publish","format-standard","has-post-thumbnail","hentry","category-somali-news"],"yoast_head":"<!-- This site is optimized with the Yoast SEO plugin v25.6 - https:\/\/yoast.com\/wordpress\/plugins\/seo\/ -->\n<title>Muqdisho oo laga cabsi qabo inay gacan ka hadal ah uu dhaco - Wardoon<\/title>\n<meta name=\"robots\" content=\"index, follow, max-snippet:-1, max-image-preview:large, max-video-preview:-1\" \/>\n<link rel=\"canonical\" href=\"https:\/\/wardoon.net\/so\/muqdisho-oo-laga-cabsi-qabo-inay-gacan-ka-hadal-ah-uu-dhaco\/\" \/>\n<meta property=\"og:locale\" content=\"en_US\" \/>\n<meta property=\"og:type\" content=\"article\" \/>\n<meta property=\"og:title\" content=\"Muqdisho oo laga cabsi qabo inay gacan ka hadal ah uu dhaco - Wardoon\" \/>\n<meta property=\"og:description\" content=\"Waxaa saacadihii u dambeeyay soo xoogeysanaysay xiisadda ka taagan dhulka xarunta Dab-demiska ee magaalada Muqdisho oo ay dowladda amartay in laga guuro. Dadka degan dhulkaasi ayaa qaarkood waxay si adag uga horyimaadeen amarka guurista, ayaga oo dowladda ku eedeeyay inay dhulkaas u gacan galineyso shaqsiyaad gaar ah, waxaana socda abaabul looga hortegayo in Booliska uu [&hellip;]\" \/>\n<meta property=\"og:url\" content=\"https:\/\/wardoon.net\/so\/muqdisho-oo-laga-cabsi-qabo-inay-gacan-ka-hadal-ah-uu-dhaco\/\" \/>\n<meta property=\"og:site_name\" content=\"Wardoon\" \/>\n<meta property=\"article:published_time\" content=\"2024-04-19T16:52:32+00:00\" \/>\n<meta property=\"article:modified_time\" content=\"2024-04-20T08:37:58+00:00\" \/>\n<meta property=\"og:image\" content=\"https:\/\/wardoon.net\/so\/wp-content\/uploads\/2024\/04\/unnamed-10.jpeg\" \/>\n\t<meta property=\"og:image:width\" content=\"960\" \/>\n\t<meta property=\"og:image:height\" content=\"640\" \/>\n\t<meta property=\"og:image:type\" content=\"image\/jpeg\" \/>\n<meta name=\"author\" content=\"admin\" \/>\n<meta name=\"twitter:card\" content=\"summary_large_image\" \/>\n<meta name=\"twitter:label1\" content=\"Written by\" \/>\n\t<meta name=\"twitter:data1\" content=\"admin\" \/>\n\t<meta name=\"twitter:label2\" content=\"Est. reading time\" \/>\n\t<meta name=\"twitter:data2\" content=\"3 minutes\" \/>\n<script type=\"application\/ld+json\" class=\"yoast-schema-graph\">{\"@context\":\"https:\/\/schema.org\",\"@graph\":[{\"@type\":\"WebPage\",\"@id\":\"https:\/\/wardoon.net\/so\/muqdisho-oo-laga-cabsi-qabo-inay-gacan-ka-hadal-ah-uu-dhaco\/\",\"url\":\"https:\/\/wardoon.net\/so\/muqdisho-oo-laga-cabsi-qabo-inay-gacan-ka-hadal-ah-uu-dhaco\/\",\"name\":\"Muqdisho oo laga cabsi qabo inay gacan ka hadal ah uu dhaco - Wardoon\",\"isPartOf\":{\"@id\":\"http:\/\/wardoon.net\/so\/#website\"},\"primaryImageOfPage\":{\"@id\":\"https:\/\/wardoon.net\/so\/muqdisho-oo-laga-cabsi-qabo-inay-gacan-ka-hadal-ah-uu-dhaco\/#primaryimage\"},\"image\":{\"@id\":\"https:\/\/wardoon.net\/so\/muqdisho-oo-laga-cabsi-qabo-inay-gacan-ka-hadal-ah-uu-dhaco\/#primaryimage\"},\"thumbnailUrl\":\"https:\/\/wardoon.net\/so\/wp-content\/uploads\/2024\/04\/unnamed-10.jpeg\",\"datePublished\":\"2024-04-19T16:52:32+00:00\",\"dateModified\":\"2024-04-20T08:37:58+00:00\",\"author\":{\"@id\":\"http:\/\/wardoon.net\/so\/#\/schema\/person\/f8b1d5296096e3c329f5b915ba044a28\"},\"breadcrumb\":{\"@id\":\"https:\/\/wardoon.net\/so\/muqdisho-oo-laga-cabsi-qabo-inay-gacan-ka-hadal-ah-uu-dhaco\/#breadcrumb\"},\"inLanguage\":\"en-US\",\"potentialAction\":[{\"@type\":\"ReadAction\",\"target\":[\"https:\/\/wardoon.net\/so\/muqdisho-oo-laga-cabsi-qabo-inay-gacan-ka-hadal-ah-uu-dhaco\/\"]}]},{\"@type\":\"ImageObject\",\"inLanguage\":\"en-US\",\"@id\":\"https:\/\/wardoon.net\/so\/muqdisho-oo-laga-cabsi-qabo-inay-gacan-ka-hadal-ah-uu-dhaco\/#primaryimage\",\"url\":\"https:\/\/wardoon.net\/so\/wp-content\/uploads\/2024\/04\/unnamed-10.jpeg\",\"contentUrl\":\"https:\/\/wardoon.net\/so\/wp-content\/uploads\/2024\/04\/unnamed-10.jpeg\",\"width\":960,\"height\":640},{\"@type\":\"BreadcrumbList\",\"@id\":\"https:\/\/wardoon.net\/so\/muqdisho-oo-laga-cabsi-qabo-inay-gacan-ka-hadal-ah-uu-dhaco\/#breadcrumb\",\"itemListElement\":[{\"@type\":\"ListItem\",\"position\":1,\"name\":\"Home\",\"item\":\"http:\/\/wardoon.net\/so\/\"},{\"@type\":\"ListItem\",\"position\":2,\"name\":\"Muqdisho oo laga cabsi qabo inay gacan ka hadal ah uu dhaco\"}]},{\"@type\":\"WebSite\",\"@id\":\"http:\/\/wardoon.net\/so\/#website\",\"url\":\"http:\/\/wardoon.net\/so\/\",\"name\":\"Wardoon\",\"description\":\"News Media\",\"potentialAction\":[{\"@type\":\"SearchAction\",\"target\":{\"@type\":\"EntryPoint\",\"urlTemplate\":\"http:\/\/wardoon.net\/so\/?s={search_term_string}\"},\"query-input\":{\"@type\":\"PropertyValueSpecification\",\"valueRequired\":true,\"valueName\":\"search_term_string\"}}],\"inLanguage\":\"en-US\"},{\"@type\":\"Person\",\"@id\":\"http:\/\/wardoon.net\/so\/#\/schema\/person\/f8b1d5296096e3c329f5b915ba044a28\",\"name\":\"admin\",\"image\":{\"@type\":\"ImageObject\",\"inLanguage\":\"en-US\",\"@id\":\"http:\/\/wardoon.net\/so\/#\/schema\/person\/image\/\",\"url\":\"https:\/\/secure.gravatar.com\/avatar\/23bb9e404592c76192c930b0cfbf0010?s=96&d=mm&r=g\",\"contentUrl\":\"https:\/\/secure.gravatar.com\/avatar\/23bb9e404592c76192c930b0cfbf0010?s=96&d=mm&r=g\",\"caption\":\"admin\"},\"url\":\"https:\/\/wardoon.net\/so\/author\/admin\/\"}]}<\/script>\n<!-- \/ Yoast SEO plugin. -->","yoast_head_json":{"title":"Muqdisho oo laga cabsi qabo inay gacan ka hadal ah uu dhaco - Wardoon","robots":{"index":"index","follow":"follow","max-snippet":"max-snippet:-1","max-image-preview":"max-image-preview:large","max-video-preview":"max-video-preview:-1"},"canonical":"https:\/\/wardoon.net\/so\/muqdisho-oo-laga-cabsi-qabo-inay-gacan-ka-hadal-ah-uu-dhaco\/","og_locale":"en_US","og_type":"article","og_title":"Muqdisho oo laga cabsi qabo inay gacan ka hadal ah uu dhaco - Wardoon","og_description":"Waxaa saacadihii u dambeeyay soo xoogeysanaysay xiisadda ka taagan dhulka xarunta Dab-demiska ee magaalada Muqdisho oo ay dowladda amartay in laga guuro. Dadka degan dhulkaasi ayaa qaarkood waxay si adag uga horyimaadeen amarka guurista, ayaga oo dowladda ku eedeeyay inay dhulkaas u gacan galineyso shaqsiyaad gaar ah, waxaana socda abaabul looga hortegayo in Booliska uu [&hellip;]","og_url":"https:\/\/wardoon.net\/so\/muqdisho-oo-laga-cabsi-qabo-inay-gacan-ka-hadal-ah-uu-dhaco\/","og_site_name":"Wardoon","article_published_time":"2024-04-19T16:52:32+00:00","article_modified_time":"2024-04-20T08:37:58+00:00","og_image":[{"width":960,"height":640,"url":"https:\/\/wardoon.net\/so\/wp-content\/uploads\/2024\/04\/unnamed-10.jpeg","type":"image\/jpeg"}],"author":"admin","twitter_card":"summary_large_image","twitter_misc":{"Written by":"admin","Est. reading time":"3 minutes"},"schema":{"@context":"https:\/\/schema.org","@graph":[{"@type":"WebPage","@id":"https:\/\/wardoon.net\/so\/muqdisho-oo-laga-cabsi-qabo-inay-gacan-ka-hadal-ah-uu-dhaco\/","url":"https:\/\/wardoon.net\/so\/muqdisho-oo-laga-cabsi-qabo-inay-gacan-ka-hadal-ah-uu-dhaco\/","name":"Muqdisho oo laga cabsi qabo inay gacan ka hadal ah uu dhaco - Wardoon","isPartOf":{"@id":"http:\/\/wardoon.net\/so\/#website"},"primaryImageOfPage":{"@id":"https:\/\/wardoon.net\/so\/muqdisho-oo-laga-cabsi-qabo-inay-gacan-ka-hadal-ah-uu-dhaco\/#primaryimage"},"image":{"@id":"https:\/\/wardoon.net\/so\/muqdisho-oo-laga-cabsi-qabo-inay-gacan-ka-hadal-ah-uu-dhaco\/#primaryimage"},"thumbnailUrl":"https:\/\/wardoon.net\/so\/wp-content\/uploads\/2024\/04\/unnamed-10.jpeg","datePublished":"2024-04-19T16:52:32+00:00","dateModified":"2024-04-20T08:37:58+00:00","author":{"@id":"http:\/\/wardoon.net\/so\/#\/schema\/person\/f8b1d5296096e3c329f5b915ba044a28"},"breadcrumb":{"@id":"https:\/\/wardoon.net\/so\/muqdisho-oo-laga-cabsi-qabo-inay-gacan-ka-hadal-ah-uu-dhaco\/#breadcrumb"},"inLanguage":"en-US","potentialAction":[{"@type":"ReadAction","target":["https:\/\/wardoon.net\/so\/muqdisho-oo-laga-cabsi-qabo-inay-gacan-ka-hadal-ah-uu-dhaco\/"]}]},{"@type":"ImageObject","inLanguage":"en-US","@id":"https:\/\/wardoon.net\/so\/muqdisho-oo-laga-cabsi-qabo-inay-gacan-ka-hadal-ah-uu-dhaco\/#primaryimage","url":"https:\/\/wardoon.net\/so\/wp-content\/uploads\/2024\/04\/unnamed-10.jpeg","contentUrl":"https:\/\/wardoon.net\/so\/wp-content\/uploads\/2024\/04\/unnamed-10.jpeg","width":960,"height":640},{"@type":"BreadcrumbList","@id":"https:\/\/wardoon.net\/so\/muqdisho-oo-laga-cabsi-qabo-inay-gacan-ka-hadal-ah-uu-dhaco\/#breadcrumb","itemListElement":[{"@type":"ListItem","position":1,"name":"Home","item":"http:\/\/wardoon.net\/so\/"},{"@type":"ListItem","position":2,"name":"Muqdisho oo laga cabsi qabo inay gacan ka hadal ah uu dhaco"}]},{"@type":"WebSite","@id":"http:\/\/wardoon.net\/so\/#website","url":"http:\/\/wardoon.net\/so\/","name":"Wardoon","description":"News Media","potentialAction":[{"@type":"SearchAction","target":{"@type":"EntryPoint","urlTemplate":"http:\/\/wardoon.net\/so\/?s={search_term_string}"},"query-input":{"@type":"PropertyValueSpecification","valueRequired":true,"valueName":"search_term_string"}}],"inLanguage":"en-US"},{"@type":"Person","@id":"http:\/\/wardoon.net\/so\/#\/schema\/person\/f8b1d5296096e3c329f5b915ba044a28","name":"admin","image":{"@type":"ImageObject","inLanguage":"en-US","@id":"http:\/\/wardoon.net\/so\/#\/schema\/person\/image\/","url":"https:\/\/secure.gravatar.com\/avatar\/23bb9e404592c76192c930b0cfbf0010?s=96&d=mm&r=g","contentUrl":"https:\/\/secure.gravatar.com\/avatar\/23bb9e404592c76192c930b0cfbf0010?s=96&d=mm&r=g","caption":"admin"},"url":"https:\/\/wardoon.net\/so\/author\/admin\/"}]}},"_links":{"self":[{"href":"https:\/\/wardoon.net\/so\/wp-json\/wp\/v2\/posts\/180597"}],"collection":[{"href":"https:\/\/wardoon.net\/so\/wp-json\/wp\/v2\/posts"}],"about":[{"href":"https:\/\/wardoon.net\/so\/wp-json\/wp\/v2\/types\/post"}],"author":[{"embeddable":true,"href":"https:\/\/wardoon.net\/so\/wp-json\/wp\/v2\/users\/1"}],"replies":[{"embeddable":true,"href":"https:\/\/wardoon.net\/so\/wp-json\/wp\/v2\/comments?post=180597"}],"version-history":[{"count":2,"href":"https:\/\/wardoon.net\/so\/wp-json\/wp\/v2\/posts\/180597\/revisions"}],"predecessor-version":[{"id":180600,"href":"https:\/\/wardoon.net\/so\/wp-json\/wp\/v2\/posts\/180597\/revisions\/180600"}],"wp:featuredmedia":[{"embeddable":true,"href":"https:\/\/wardoon.net\/so\/wp-json\/wp\/v2\/media\/180598"}],"wp:attachment":[{"href":"https:\/\/wardoon.net\/so\/wp-json\/wp\/v2\/media?parent=180597"}],"wp:term":[{"taxonomy":"category","embeddable":true,"href":"https:\/\/wardoon.net\/so\/wp-json\/wp\/v2\/categories?post=180597"},{"taxonomy":"post_tag","embeddable":true,"href":"https:\/\/wardoon.net\/so\/wp-json\/wp\/v2\/tags?post=180597"}],"curies":[{"name":"wp","href":"https:\/\/api.w.org\/{rel}","templated":true}]}}